Sign in to follow this  
Garaad Bari

Iskahor Imaad Ka Dhacay Meel Ku Dhaw Garoowe Kaas oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Recommended Posts

Waxaa maanta ka dhacay halka loo yaqaan Khayr Seexay oo kutaal duleedka magaalada Garoowe dagaal dhaliyay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kaasoo u dhexeeyay dhalinyaro ka soo jeeda beel kamid ah beelaha dega magaalada Garoowe iyo ciidmo ka tirsan Maamulka Puntland.

 

Iskahorimaadka ayaa waxaa uu ka biloowaday goob ay dowladu doonaysaya in ay dajiso dadka barkacyaasha halkasoo ay sheegteen in ay leeyihiin dhalinyardaan ku dagaalamtay, dhalinyarada hubeysan ayaa goobta ilaalo ka hayey, waxaana halkaas gaarey ciidan ka tirsan maamulka, waxaana isla markiiba goobtii ku dagaalamay dhalintii waardiyaha ka haysey dhulka dawladdu dooneysey in ay dejiso barakacayaasha iyo ciidankii amaanka.

 

Wararka ayaa sheegaya in qaarka mid ahaa dhalinyaradii ciidanka laayey, la soo qabtey qaarkoodna ay ku xiran yihiin xabsiga.

 

Dagaalkaan ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogsoon yahay dhinac ciidanka puntland 4 ruux oo dhamaantood ka tirsan ciidanka Puntland, halka ay labada dhinac ay uga wada dhaawacmeen 8 ruux shan kamid ah dhaawaca waa ciidanka Puntland waxaana dhaawacooda la dhigey Isabtaalada magaalada Garoowe.

 

Iska hor imaadka u dhexeey dhalinyarda caraysan iyo ciidanka dawladda ayaa waxaa uu galiyay magaalada Garoowe buuq iyo xaalad kacsan oo aad ka dareemayso wadooyinka magaalada Garoowe aadna ku arkayso dad badan oo taagan oo is waydiinaya waxa keenay iskahor imaadka dhimashada intaas le’eg keenay.

 

Ilaa iyo haatan ma jiraan cid maamulka ah oo ka hadashay dagaal kaan iyo sababta keentay in uu dhaco , iyo in la baajin karey iska hor imaadka khasaaraha intaas le’eg dhaliyey.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa maanta ka dhacay halka loo yaqaan Khayr Seexay oo kutaal duleedka magaalada Garoowe dagaal dhaliyay khasaaro isugu jirta dhimasho iyo dhaawac kaasoo u dhexeeyay dhalinyaro ka soo jeeda beel kamid ah beelaha dega magaalada Garoowe iyo ciidmo ka tirsan Maamulka Puntland.

 

 

Iskahorimaadka ayaa waxaa uu ka biloowaday goob ay dowladu doonaysaya in ay dajiso dadka barkacyaasha halkasoo ay sheegteen in ay leeyihiin dhalinyardaan ku dagaalamtay.

 

Dagaalkaan ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogsoon yahay dhinac ciidanka puntland 3 askeri halka ay labada dhinac ay uga wada dhaawacmeen 7 ruux kuwasoo haatan yaal cisabtaalada magaalada Garoowe, waloow ay jiraan wararka qaybtood oo sheegay in tirade dhimashadu ay intaa ka badan tahay.

 

Magaalada Garoowe ee Caasimada PL ayaa Kacsan waxana Ku Sugan Madaxwayne Faroole, Weerarkan ayaa Xagliyay inuu la mid yahay kii Dhalinyarada Reer Garoowe lagu dilay Markii Faroole oo Wasiirka Maaliyada ahaa uu Weeraray Guriga Barlamaanka Puntland waxana ku dhintay Dhawor dhalinyaro ah oo Reer Garoowe iyo Sool ah.

 

Laakiin Reer Puntland uma Cusba weerarkan Noocaasi oo kale waxay Durba Maskaxdooda Galiyeen Kii Baarlamaanka een Kor ku dheegnay iyo Kii GalGala ee jabka Wayn Kala Kulmeen Madaxda Sare ee PL Gaar ahaan Faroole iyo Ninka Martida ku ah Garoowe ee 2-Sano aan Tegin Magaladii ku dhashay Laas-caanood Gen C/Samad Cali Shire.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this