Sign in to follow this  
Xudeedi

SSDF Militia’s (Puntland) Humiliated in Atam’s Playground (Western Bari)

Recommended Posts

Xudeedi   

Goob aan sidaa uga fogeyn bartamaha Magaalada Bosaaso ee xarunta Ganacsiga ee Maamulka Puntland iyadoo dagaalkani uu ka dhacay Tuulada Laag oo uu yaala Kontrolka magaalada Bosaaso iyadoo dagaalkan uu dhaliyey khasaare dhinaca nafta ah iyadoo dhinaca ciidamada Puntland oo u badan beel ahaan beelaha Puntland ay ka dhinteen tiro askar ah oo aan la sheegin.

 

 

Dhinaca ciidamada taabacsan Sheekh Atam ayaa la sheegi karin iyadoo dagaalku uu ahaa mid kedis ah iyadoo hore ciidamada Puntland looga soo saarey magaalada Karin uu u dhow magaalada Laag ee uu maanta ka dhacay dagaalkan.

 

 

Madaxweyne Faroole ayaa isagu caalamka u sheegey iney weerar ku qaadi doonaan Magaalada Galgala oo ay joogaan Ciidamo beeleedyo wajhi diini ah leh iyadoo hadana uu dagaalku ka socdo Afka hore ee xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaaso.

 

 

Dagaaladan waxay sidoo kale yimaadeen kadib markii Habeen 4aad uu dagaal noocan oo kale ah Tuulada Karin iyadoo ciidamadii Puntland laga soo saarey kadib markii 3 jiho laga yimi.

 

 

Waxaa xusid mudan in xiisadan ay shacabka Gobolada Sanaag, Bari iyo Haylaan ay eedeeda dusha uga tuurayaan talada Xumada iyo xad gudubka Madaxweynaha Puntland oo arintan cirka u laadey kadib markii uu hanjabaado isadaba joog ah Saxaafada beeshiisa u mariyey inuu dagaal ku qaadi doono deegaano uusan u dhalan uusanna hubin wadada loo maroba.

 

 

Sidoo kale dagaalkan kama marna waji qabiil oo ciidamada Wadaadka Sheekh Atam waxay u badan yihiin Beesha Dubays iyo beesha Dishiishle oo iyagu xaq daro ka sheeganaya Maamuladii isdaba jooga ahaa Maxamud Suleybaan.

 

 

Waxaa kaloo jira Khilaaf u dhexeeya Dowlada Puntland madaxdeeda Sar sare iyadoo General Ilkajiir uu kasoo horjeedo in dagaal wax lagu dhameeyo isla markaana uu taageerey Baaqii Odayaasha Gobolka Haylaan iyo Galbeedka Gobalka Bari.

 

 

General Ilko Jiir ayaa lagu soo waramayaa iney Faroole arintan aad isugu hayaan iyadoo Faroole doonayo inuu dagaal xal uga dhigo Cadaalad darada ka jirta Maamulka Gobolka Bari iyo gaar ahaan Bosaaso iyadoo beelaha ay kasoo jeedaan ciidamada raacey wadaadka Sheekh Atam ay yihiin dadki deegaan ahaan u dhashey BOSAASO.

 

 

Waxaa kaloo xusid mudan arintu ineysan ka fogeyn Macdan iyadoo wadaadka Sheekh Atam uu hogaamiye ka ahaa ciidamadii Beesha ********** ee dagaalka ba'an ku jebisey ciidamadii Huwanta ee Cade Muuse ee Magaalada Majiyahan.

 

 

Isku soo wadada duuduub oo waxaad moodaa Arintu ineysan Qabiil iyo Diinba ka fogeyn iyadoo khasaaraha ugu badani ay soo wada gaarayaan dadka shacabka ah ee aan waxba galabsan ee la qaxinayo iyadoo lagu jiro xili Xagaa ah.

 

 

LaasqorayNET

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Wararkii u dambeeyay ee haatan naga soo gaadhaya Magaaladda Boosaaso ee Xaruunta Gobolka Bari ayaa Sheegaya dagaalkii saaka ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Puntland iyo Ciidamada ka Amar qaata Sheekh Maxamed Siciid Atam ee ka dhacay Duleedka Magaaladda Boosaaso in lagu dilay 5 Askari oo katirsan Ciidamada dulaanka ku soo qaaday deegaanka Galgala.

 

Dagaal Saaka Arooryadii hore ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Puntland iyo Ciidamo ka Amar qaata Sheekh Maxamed Siciid Atam duleedka Magaaladda Boosaaso gaar ahaan deeganada Laag iyo Karin ayaa waxaa ku dhintay Shan Askari inkastoo warar kale oo hada soo dhacay sheegayan in ay dhimashada Askartu intaas ka badan tahay balse hada inta la geeyay Magaaladda Boosaaso waa Shan Askari iyo dhaawac gaadhaya 15 Askari.

 

Dhanka Puntland Waxaa dagaalkan Saaka Si wada jira u qaaday Ciidamada PIS-ta iyo kuwa Daraawiishta Waxayna dagaal Xoogan oo aan loo kala hadhin ku qaadeen dad maato ah oo ku dhaqan Deeganada Laag iyo karin Kuwaas Hilaadi Magaaladda Boosaso u jiro 38 KM ilaayo hadana lama garanayo Khasaaraha dhabta ah ee soo gaadhay dadka deegaanka.

 

Ciidamada Ka Amar qaata Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa Sidoo kale yana la gareyn Khasaaraha dhabta ah ee kasoo gaadhay daagalkii Saaka Lagu Soo qaaday ee ka dhacay Duleedka Magaaladda Boosaaso Sababo jiro awgood iyo deeganka oo u badan Buuro oo aan Xaqiiqdii la ogaan karin dhibaatada soo gaadhay inta ay leegtahay.

 

Dadka ka Faalooda Arimaha Soomaaliya ayaa Sheekh Maxamed Siciid Atam Kacdoonka uu ka wado Deeganada Puntland ku tilmaamay mid ka dhashay Arimo qabiil amaba Salka ku haya oo aysan Arimaha Diintu marnaba ahayn kuwo uu ku Dagaalamayo balse dadka qaar baaba waxay qabaan in uu Sheekh Maxamed Siciid Atam Aaminsanyahay Fikir Diimeed ah in uu Deeganada Puntland Shareecada Islaamka kusoo rago hadii u gacanta ku qabto.

 

Dagaalkan Saaka ka dhacay Duleedka Magaaladda Boosaaso ayaa imanaya dhowr Cisho kadib Marii Madaxweyne Faroole hanjabaad Kulul Warbaahinta u mariyay Sheekh Maxamed Siciid Isagoo Sheegay in ay Cagta marin doonaan oo ay soo Afjari doonan balse hada waxay u muuqata in durbaba lasoo Afjaray Ciidamadii Dowladda KMG.

 

Liibaan C.rashiid Siciid

Liibaan5711@hotmail.com

Laasqoray.NET

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this