Sign in to follow this  
Dhubad.

Marko : Askarta TFG-da oo Boob Dhac Xoogan...

Recommended Posts

Dhubad.   

...Kawada Magaalada Marko.

 

Marko 27, July 07 ( Sh.M.Network) Ciidamo ka tirsan Militariga Somalia ayaa dhac ka wada gudaha magaalada Marko ee xarunta gobolka Sh/hoose.

 

Sida ay shabelle u sheegeen Goobjoogayaal, ilaa 5 ruux ayay ciidamada Militariga ah siyaabo kala duwan ay dhac ugu geysteen magaalada Marko 24 kii saac ee la soo dhaafay.

 

4 ka mid ah dadkaan ayaa waxaa laga dhacay teleefoonada gacanta halka halka midka kalena laga qaatay lacago wali cadadkeeda aan la sheegin.

 

Arimahaan ayaa waxa ay walwal ku abuureen dadka magaalada Marko oo ka codaday taliska ciidamada ee degmadaasi in uu wax ka qabto arimahaan.

 

Horey ayaa ciidamada dowladda loogu eedeeyay in ayd hac ka geysteen gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqyada Bakaaraha, Kaaraan iyo Siinaay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   
Indho Cade waa loo darsaday, saa markuu katalin jiray magaaladaasi waxay ahayd meelaha ugu nabadoon Somalia. Shacabka magaaladaasi mobilada banaanka ayay la dhexmarijireen ayakoo qofna kacabsanaynin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Dhubad:

Indho Cade
waa loo darsaday, saa markuu katalin jiray magaaladaasi waxay ahayd meelaha ugu nabadoon Somalia. Shacabka magaaladaasi mobilada banaanka ayay la dhexmarijireen ayakoo qofna kacabsanaynin.

Are you serious Saaxib. I know you posted this bit of news to defame the TFG and deservingly so, but to say reer Marka Indhocadde kama cabsaneen is just rubbish. If somebody walked around freely in Merca with mobile fone, I'm certain they were't a local.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^Sxb, it is know fact that the people in that town used to walk freely with their Mobiles broadly displayed so one can't deny that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. Shabbele [indaCade] mouth piece alone reports ist then it must be true. loool,

 

Anyhow IndaCade is not missed by anyone and his remaining militias will be cleaned up by the locals.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Goobaha ganacsiga ee magaalada Marka oo maanta xiran ka dib markii ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka ay maalintii shalay ka geysteen falal dhac ah

 

Ganacsatada magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta goobahooda ganacsi albaabada u laabay ka dib markii ay la soo deristay cabsi iyo wel wel ay ka qabaan ciidamo ka tirsan dowladda federaallka Soomaaliya oo maalintii shalay dhac baahsan ka geystay Suuqa degmadaasi.

 

Ganacsatada ayaa la sheegay maanta iney hor dhoobnaayeen goobahooda ganancsi, iyadoo ciidamada milateriga ee dowladda federaalka Soomaaliya oo dheg la qabto aan la laheyna ay gaaf wareegayeen suuqa magaalada Marka iyagoo koox koox u socda, waxaaana suuqa ka muuqday khal-khal fara badan iyo kala carar ay dadku sameynayeen marka ay arkaan ciidamada waxaana gudaha iyo daafaha magaalada Marka laga maqlayaa rasaas ay ciidamada milateriga ridayaan, taasoo aan la garaneyn cida ay la beegsanayaan.

 

Maamulka gobolka Sh/hoose ayaa horey uga cowday ciidamadan ka tirsan dowladda federaalka oo falal amni daro ah ka waday mudooyinkanba deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose, wuxuuna maamulku sheegay in aysan la shaqeyn doonin ciidamadaasi waxayna ka codsadeen wasaarada gaashaandhiga ee xukuumada Soomaaliya iney ciidamadaasi ku celiso xeryahooda si aysan dhibaatooyin kale u geysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this