Sign in to follow this  
Juje

Maquuste: Dagaal ayaan Rabaa. -- N.Cade Nabad ayaan Rabaa???

Recommended Posts

Juje   

Maquuste: Dagaal ayaan Rabaa. N.Cade Nabad ayaan Rabaa???

 

Dadkiisow Dabkasaaray, Daalun Amxaar jecel waaye, Dulmigow Daadihiyaa Dagaalka Ehel-kow Ku Farxaa, Doqon Deen Galay Waaye, Duqa Daa-lunkaa, Dulmigaad Maanta Ku Raacday Difaaciisa lahoow.

EE .... Haddaad Amxaar Dalka Keento Nin Ka Damqaayaa Dalka Joogee, Soomaali Waa magaceey , Muslim Waa asalkeey. Ama soor ha ku Siiyo, Ama Sariirta u Jiifo ,Suntow Zanaawi Soomaali u Ku Beeray Rabigeey Ma rumeeyo.

Dr.Ali.A.Hirabe

 

Umada somaliyeed yeey aaminayaan labadaa nin ?? Maquuste waxaa uu cadeeyay in uu dagaal diyaar u yahay halka N.Cade uu umada u sheegayo in nabada iyo wadahadal lagu gaari karo wax walba ,hadaba shacabka somali keey aaminaan ??? Ma Maquuste ayaa runta sheegaya mise N:Cade waxaan jeclahay in aan maqaalkaan ku soo qaato dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee kaligiis talanimada Maquuste iyo in weli uu u taagan yahay in dalka uu kaligiis awooda xukunka maroorsado iyada oo la ogyahay lagana aqrinsan karo hadaladiisa in uu yahay kaligiis taliye raba in dalka uu ka iibsado Ethiopia asaga oo ah xaraarug aan la gaban waxa uu damacsan yahay.

Waxaa qalinka u soo qaatay in aan ku difaaco shacabka soomaliyeed ee gumeeysiga ku jira xiligaan si aan u iftiiniyo xaqiiqda jirta iyo arimha sida eey u socdaan dalkeena hooyo, waxaa eey somalida dhahdaa magaca guracan meel xun buu ku baxaa sow Maquuste kuma haboona mise magac kale ayeey somalida u hayaan,.waxaa kale oo eey somalida dhahdaa Aadane la aragyaaba, dhib la arag Maquuste Waxaa laga joogaa in ka badan 35 sanno markii uu Cabdulle Raage ka hadlayay kuwa SSDF isku baheeystay waxaad moodaa in maanta la hayo xaqiiqda iyo in eey yihiin kuwa raba in eey iibsadaan dhulka,dadka iyo diinta soomaali,xiliga lagu jiraa sow dhaqamada Cade Muuse iyo Maquuste iyo kuwa eey bahwadaaga ee Tigreega ah waxaa laga dhandhansan karaa in eey yihiin kuwa ku mideeysan sidii eey u gumaadi lahaayeen shacabka soomaaliya, Waxaan xusuustaa xiligii idaacadaha soomaaliya eey dhihi jireen Godeey waa la xoreeyay waarsaa Gaagixneeysa waa xiligii 77 ee aan qabsanay Godeey kuna dhaweeyn Addis-abbeba,Weliba harar iyo hawaashbaa habeendanbe waan haya, waa xiligii Maquuste uu daagaalka ka dhex waday cuuryaaminta ciidanka soomaaliyeed,waa xiligii uu ururiyay saraakiishii eey isku heebta ahaayeen kuna qorsheeysnaa in eey dalka inqilaab ku qabsadaan,weli Maquuste waxaa uu u soo taagan yahay rabaana weli in uu ka iibiyo Ethiopia in eey dalka qabsato,kana dhigaan madaxweeyne kalinka 6 ad ee dhulweeynaha Ethiopia .

Universal Tv waxaa uu ka cadeeyay in dalka Ethiopia eeyan marna ka baxeeyn waligeed,waxaa uu dhahay shacabka dhexdiisa in lagu dagaalamo waxaa dhaanta in aan banaanka iskula baxno oo macnaheeda uu yahay nabada ma rabo colaad ayaan rabaa,taasi waxaa eey cadeeyn u tahay in shacabka somali uu ogaado in waxa N:Cade uu sheegayo eey tahay kaaf iyo kala dheeri waayo waxaad moodaa in labada ninba eeyan wada socon,balse kala wata laba mowqif oo aad u kala dheer,loogoow looba joogee midka runta sheegaya,Anigase waxaan aaminsanahay in N.Cade uusan ka leex-leexan xaqiiqda jirta ee ah wadaan ceelkeeda gabtay ceel kale ma shubto oo aan ulla jeedo gumaadka reer Muqdisho haddii aadan ka hadli Karin waxaa quman in aadan ka hadlin arimaha Somalia waayo Muqdisho waa maskaxdii dalka Somalia.

waxaa leeyslahaa waxaa la joogaa xiligii leeys cafin lahaa lana iloobi lahaa waxii la soo maray (forgive and forget), laakiin waxaad moodaa in la wado colaad iyo dagaal horleh, ogaada dagaal umadaa ku habsaday da- gaalkale laguma xalin karo (Violence leads violence).Waxaan isweeydiiyaa Maquuste iyo xulufadiisa xagee u danbeeyn doonta?????? Haddii aan aduunka laga aargoosan oo aanan lagu dhibin nolosha, waxaa xaqiiqo ah in tii Ilaah eeyan marna ka fakan doonin .

 

 

Dr.Ali.A.Hirabe Hirabe_a@hotmail.com

SomHiraabe_A2_MAIN_SMALL.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cige   

Anyone who ever read a single qoraal uu qoray this so-called 'dhaqtar' wuu ogaan karaa waxba in uu dhaamin C/llaahi Yuusuf. Waa another qabyaaladist. The only difference is that C/llaahi Yuusuf is doing in actions.

 

Phd baa iska ba'day hadduub kanaba haysto :mad: (yaaba og inuu haysto) :eek:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this