Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: A Year from the Terror Attack

Recommended Posts

Originally posted by NGONGE:

Lets put a Xaaji xundjuf twist on this.
:D

 

In a time when Puntland is arguing with ONLF, Sh. Sharif's plane is attacked by mortars and the Ahlu El Sunna declared a new admin, Somaliland shows its peacefulness, statehood and prosperity by sparing time to remember those who died on the 29th of October 2008. Arr maxay duushay, different stratosphere bay maraysa!

Xaajigu supports Ina Godane and Somalialnd at the same time ,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxtooyada Somaliland oo Lagu Qabtay Xus Baroordiiq ah Oo Loo Sameeyay Qaraxyadii Argagixisadu Hargeysa la Beegsatay Sannad ka Hor

 

 

 

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

 

 

 

Hargiesa 2007

 

 

British P.Minster

 

 

Welcome Party

 

 

Hargeisa Univ

 

 

Hargiesa 2006

 

 

S/Land-Aljezera

 

 

Hargaysa (SDWO 30/10/09)- Xuska sannad-guurada kowaad ee ka soo wareegtay maalintii madoobayd ee qaraxyada argagixiso lala beegsaday magaalada Hargeysa 29-kii October 2008-dii, ayaa lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland.

 

 

Munaasibad baroordiiq ah oo lagu xusay, isla markaana loogu duceeyey dadkii ku dhintay qaraxyadii argagaxiso ee lagu qaaday xarunta Madaxtooyada, xafiiskii safaaradda Itoobiya iyo xarunta hay’adda UNDP,

 

 

BARORDIIQ1.jpg

 

 

ayaa waxa ka qaybgalay masuuliyiin fara badan uu ugu horreeyo Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne-ku-xigeenka, xildhibaano, masuuliyiinta xisbiga UCID oo uu horkacayey Guddoomiye Fasal Cali-waraabe, madaxda xisbiga UDUB, wasiiro tiro badan, aqooyahan iyo ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxyadaasi. Haseyeeshee waxaan ka qaybgelin xafladaasi xisbiga KULMIYE oo la sheegay in Guddoomiyahooda ciidan isugu jiray boolis iyo kuwa waddooyinku u diideen baabuurkiisa inuu u soo gudbo dhinaca Madaxtooyada oo maanta jidka hor mara gaadiidka dadwenaha laga xidhay.

 

 

BARORDIIQ5.jpg-for-web.jpg

 

Goobta lagu xusayey maalintan oo digaarada lagu dhejiyey magacyada dadkii ku dhintay, ayaa ugu horreyn Madaxweyne Rayaale uu halkii qaraxii Madaxtooyadu ka dhacay dhigay ubax, waxaannu dadkii ka qaybgalay ka codsaday inay Faataxadda u maraan dadkaa dhintay Allena u baryaan inuu naxariistiisii janno ka waraabiyo.

Kadibna Madaxweynuhu waxa uu halkaasi ka jeediyey khudbad uu kaga hadlay qaraxyadaasi cadowga Somaliland la beegsaday sannad ka hor dalka oo uu ku tilmaamay inuu ahaa kii ugu darnaa ee Somaliland lagu soo qaado, isla markaana lagu doonayey in lagula dagaalamo qaranimadeeda.

 

 

BARORDIIQ2.jpg-for-web.jpg

 

 

“Maanta Marka ugu horaysa kulankani waxa uu ka turjumayaa inaan xusuus u samayno dhacdooyinka qarankeenan ku dhaca oo tani ahayd tii ugu darnayd. Laakiin waxaa jecelahay dhacdadani waxa ay ahayd mid lala beegsaday Qarannimadeena weliba waqti xasaasi ah oo doorasho aynu ku jirno, oo loogu talo-galay in Somaliland lagu wiiqo, oo ay ugu talo-galeen ilaahay kamuu aqbaline in Somaliland halkaas ku dunto oo lagu kala dhaqaaqo” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxaannu intaa ku daray, “Waxaan jecelahay inaan xusuus ka bixiyo dhacyooyinkii dalkan ka dhacay ee falalka argagixisada ahaa, laga soo bilaabo 19-kii September 2002-dii falkii budhcadnimada ahaa ee gaadhi hay’adda UNDP lahayd ee ka dhacay xaafada Guryasamo ee magaalada Haragaysa, markaas ayey inagu bilaabantay argagixisadu. Waxa ku xigay falkii 5-dii bishii Janaury ee 2003-dii loo gaystay laguna dilay dhakhtaradii Analina ee Talyaaniga ahayd ee ka shaqaynaysa dhakhtarka TB-da Boorama. Waxa ku soo xigay falkii 5-tii bishii koobaad ee 2003-da lagu khaarijiyey macalimiintii lamaanaha ahaa ee Dugsiga Sheekh. Waxaa ku xigay falkii 20-kii bishii tobnaad ee 2003-da budhcadu ka fulisay magaalada Wajaabe ee ay lacagta ku dhaceen.

 

 

<img src="http://www.sdwo.com/BARORDIIQ4.jpg-for-

web.jpg" alt="" />

 

 

 

BARORDIIQ3.jpg-for-web-large.jpg

 

Madaxweyne Rayaale waxa uu sheegay in falalka isqarxintu ka mid yihiin fidno ku soo koradhay dunida, isla markaana loo baahan yahay in la sameeyo qorshe lagaga hortagayo oo lagula dagaalamayo, waxaannu yidhi; “Waxa inla gudboon inaynu dalalka islaamka ah kaga dayano sida ay ula dagaalamaan kooxahaas sida Sucuudi Areebiya oo kale. Culimada waxaan u soo jeedinayaa oo weliba Wasaarada Diinta iyo Aw-qaaftu ay hormuud ka noqonayo in fadwo lagaga hadlayo noocan dagaalka cusub ah ee weliba Ummadeena diin la’aanta u horseedaya in la sameeyo.”

 

 

 

 

Madaxweynuhu waxa uu ku booriyey dadka waalidiinta ah inay Ubadkooda ilaashaadan, isla markaana ay si toos ah ula socdaan waxyaabaha la barayo. Waxaa kaloo uu mahadnaq u soo jeediyey Madaxweynaha Jabuuti oo uu sheegay inuu qayb-libaax leh ka qaatay daawayntii dadkii qaraxyada ku waxyeeloobay. Waxaannu reer Somaliland u soo jeediyey inay meel uga soo wada jeedsadaan cid kasta oo wax u dhimaysa nabadgelyadooda

 

 

BARORDIIQ6.jpg-for-web.jpg

 

 

Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey baroordiiqda loo sameeyey xuska maalintii qaraxyada, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Maanta waxa weeye maalin aynu doonayno inay u murugoono oo aynu u faataxayno dadkii gar-dardarrada ku dhintay maalintan maalinteedii, ilaahay waxaan ka baryayaa inuu dadkaa jannadii fardawsa ka waraabiyo ilayn garacan gar-darro ah ayay ku dhinteene, waxaana aan hubaa inay ahaayeen dad mujaahidiin ah. Waxaan ilaahay ka baryaa in dadkii farlkaas sameeyey in uu sharkooda intaa inoogu eekeeyo oo aanay gacan-dambe inaga soo gaadhin oo ilaahay inaga xijaabo.”

 

 

Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed oo munaasibadaas hadal ka jeediyey, ayaa u duceeyey dadkii ku geeriyooday falalkii argagixisada. Waxaannu sheegay in dadkii falkaas gaystay ee dadka muslimiinta ah nafahooda galaaftay ay cadaabta ku waari doonaan, isla markaana aanay Jannada urin doonin.

 

 

“Meeshan ee ay ku soo duuleen dee gurigii ilaahay [masaajid] ayaa inta aad aragtaan u jira, dad islaam ahina way galaan oo aan dambi lagu dilo lahayn, oo sababihii la yidhidhi ku dila, qisaas, dhac iyo wax ay gaysteen iyada oo aan midna jirin, ayaa intas oo Islaam ah halkaas nafta lagaga wada-qaaday,” ayuu yidhi Wasiir Suufi.

 

Waxa kale oo munaasibadaas baroordiiqda hadalo ka jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Md. Xasan Macalin, Badhasaabka cusub ee gobolka Maroodi-jeex Maxamed Cabdi Daa’uud, Xoghayaha Guud ee xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, Guddoomiyaha Jaamacadda Golis Prof. Siciid iyo Aamina Nasteexo oo ku hadlaysay magaca dumarka.

 

 

Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa

 

sirshiine@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this