Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Mayor , Police chief NSS boss on city wide tour: PICS

Recommended Posts

MUQDISHO: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta kormeerro ku soo sameeyay Degmooyinka Gobolka, uguna hanjabay guddoomiyeyaasha....

Posted to the Web May 31, 16:07

 

Muqdisho (PP) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahana duqa Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere oo maanta socod ku soo maray Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa kala hadlay amniga Degmooyinkaas Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

 

Maxamed Dheere oo ay socdaalkaan ku wehliyeen ku xigeennadiisa dhanka Duqa Muqdisho ayaa waxay socdaalkooda ay ku kala bixinayeen Degmooyinka Muqdisho ugu kuurgalayeen xaaladaha Ammaanka ee Degmooyinka, iyadoo xilliyadii la soo dhaafay degmooyinka Muqdisho qaarkood ay ahaayeen kuwo ay ka dhacayeen qaraxyo salfaday nolosha dad badan.

 

Guddoomiyaha oo la hadlay maamulka Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay inaysan waxba ka qaban ammaanka degmooda, waxaana uu sheegay inuu ku dhaliilayo degmadaas maamulkeeda waxqabad yari sababtay inay ka dhacaan 3-qarax.

 

"Degmada Xamar weyne waa degmada keliya ee ay ka dhaceen saddex qarax oo waaweyn oo khasaare dhaliyay, waxaan u sheegaynaa maamulka degmada inay howlahooda si wanaagsan uga soo baxaan, waayo ma ahan kuwo ay dadka doorteen ee innaga ayaa u doornay" ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in ay ka qaadi doono xilalka ay hayaan haddii aysan howshooda ka soo bixin.

 

"Maamulkiinna waxaa la idinku xantaa inaad wax ka og tihiin oo aad heshiis la gashaan kooxaha wax qarxiya, ogaada xantaasna waa ognahay" ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere oo sheegay in cid walba lagula xisaabtamayo howlaha ay hayaan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamul kasta oo ka dhisan Gobolka Banaadir laga doonayo inay howshooda kasoo dhalaalaan, haddii kalena ay xilka wayn doonaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

M/dheere iyo Cabdi Qaybdiid oo maanta ku soowareegey degmooyinka Banaadir

Last Updated::2007-05-31 17:59:24

 

Muqdisho:-Duqa magaalada Muqdisho ahna gudoomiyaha gobolka Banaadir

Maxamed Cumar Xabeeb iyo taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiid ayaa maanta kormeer ku kala fidiyey xaafadaha iyo degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho.

 

Kormerka masuuliyiinta ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo ay si wadajir ah u sameeyaan intii ay xilalkaasi hayeen, waxana ay ku macneeyeen mid ay ugu kuur galayaan xaaladaha amaan ee degmooyinka.

 

Degmooyin ay ka midyihiin Xamar weyne iyo Horiwaa ayaa madaxda si diirran loogusoo dhaweeyey, waxana ay dadka ku boorinayeen nabadda hallasugo meel kastoo ay tagaan.

 

Waxaa sidoo kale lasocday labadaasi masuul xilliga ay kormeerayaan degmooyinka qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada itoobiya iyo kuwa Booliiska Soomaaliyeed.

 

Kormeerkani waxa uu kusoo aadayaa xilli ay maalin iyo habeenba ka dhacayaan gudaha magaalada Muqdisho qaraxyo nabadda lagu dhaawacayo iyo ugaarsi lagu hayo Masuuliyiinta dowlada iyo dadka magaca ku leh magaaladaasi.

 

Maxamed Maxamuud Welcome

Fannaan@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: “Waxaan rabnaa in sida nadaafadda looga shaqeynayo aan u ugaarsano kooxaha geysanaya qaraxa iyo dilalka” Taliyaha Nabad Sugida.

31. Maj 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Taliyaha ciidamada Nabad sugida dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Gen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa ku dhaliilay degmooyinka magaalada Muqdisho qaarkood wax ka qabasho la’aan dhinaca amniga ah, isagoo si gaar ah u soo qaatay degmada Xamar Weyne oo uu sheegay in sadax qarax oo is xiga ay ka kala dhaceen.

 

Darwiish ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo nabadgelyada iyadoo uu ku booriyay degmooyinka gobolka Banaadir in ay heegan u galaan sidii gacanta loogu dhigi lahaa kooxaha geysanaya dilalka iyo qaraxyada.

 

“Waxaan rabnaa in sida nadaafadda looga shaqeynayo aan u ugaarsano kooxaha geysanaya dilalka iyo qaraxyada” ayuu yiri Maxamed Warsame Darwiish Taliyaha ciidamada nabad sugida oo sheegay in xaalada amaan ee degmada Xamar Weyne ay tahay iminka bahala galeen.

 

Taliyaha nabad sugida ayaa ka codsaday maamulada degmooyinka in ay soo gudbiyaan wixii caqabad ah ee ay ka hortegi waayaan degmooyinka si ciidamada dowladda ay wax ugu qabtaan.

 

Taliyaha ayaa maamulka degmada Xamar Weyne, eheladii uu ka geeriyooday taliyihii ciidamada nabad sugida degmada Xamar weyne in samir iyo iimaan uu ka siiyo Eebe, wuxuuna sheegay in kooxaha geysanaya falalka lagula kacayo madaxda dowladda iyo maamulada degmooyinka in la horkeeni doono caddaalada.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Jabhad:

Signature you got should read this "Somali's worst traitor in history".

will the following signature suit you sxb?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this