Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland Authorities arrest TFG parliamanterian

Recommended Posts

Somaliland oo xidhay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Shariif

Written by Qarannews

Nov 29, 2009 at 09:43 AM

Hargeysa(Qarannews) -Xukuumada Somaliland ayaa habeen hore qabatay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sheekh Shariif, oo ay hore uga masaafurisay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ku adkaystay inaanu ka tanaasulayn xubinimadiisa xilkaas.

Ma jiro war rasmi ah laga soo saaray xadhiga ninkan, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in ninkaas la qabtay uu yahay Maxamed Maxamuud Faarax (Indhabuur) oo isagoo badhasaab ku xigeenka gobalka Sool ah Djibouti kaga qayb galay shirkii madaxweynaha loogu doortay Shariif Sheekh Axmed, markaas oo uu si rasmi ah ugu biiray baarlamaanka. Waxa ay ciidamada aammaanku ka qabteen magaalada Laascaanood oo uu muddooyinkii u dambeeyay joogay, isagoo ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho. Waxa jira warar sheegaya in xukuumadda Somaliland iyo hay'adaheeda ammaanku ku tuhunsanyihiin ku lug lahaanshaha qaraxii horaantii bishan ka dhacay magaalada Laascaanood ee lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada qaranka Somaliland.

 

Mr. Indhabuur, ayay xukuumadda Somaliland Hargeysa ka masaafurisay dhawr bilood ka hor ka dib markii lagu qabtay madaarka Hargeysa, waxaana xilligaas loo masaafuriyay Muqdisho ka dib markii uu diiday inuu ka tanaasulo xilka dawlada dalkaas, maadaama oo ay Somaliland kala soo noqotay xorriyadeeda sannadii 1991-kii. Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu Laascaanood ku soo galay cafis uu dalbaday, haddana ma jirto cid warkaas xaqiijinaysaa.

 

 

Source Wargayska Geeska Afrika

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sunday, November 29, 2009Somaliland oo xidhay Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamanka Shariif

 

Xukuumada Somaliland ayaa habeen hore qabatay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sheekh Shariif, oo ay hore uga masaafurisay

 

Xukuumada Somaliland ayaa habeen hore qabatay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Sheekh Shariif, oo ay hore uga masaafurisay magaalada Hargeysa, ka dib markii uu ku adkaystay inaanu ka tanaasulayn xubinimadiisa xilkaas.

 

Ma jiro war rasmi ah laga soo saaray xadhiga ninkan, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u xaqiijiyay in ninkaas la qabtay uu yahay Maxamed Maxamuud Faarax (Indhabuur) oo isagoo badhasaab ku xigeenka gobalka Sool ah Djibouti kaga qayb galay shirkii madaxweynaha loogu doortay Shariif Sheekh Axmed, markaas oo uu si rasmi ah ugu biiray baarlamaanka. Waxa ay ciidamada aammaanku ka qabteen magaalada Laascaanood oo uu muddooyinkii u dambeeyay joogay, isagoo ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho. Waxa jira warar sheegaya in xukuumadda Somaliland iyo hay’adaheeda ammaanku ku tuhunsanyihiin ku lug lahaanshaha qaraxii horaantii bishan ka dhacay magaalada Laascaanood ee lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamada qaranka Somaliland.

 

Mr. Indhabuur, ayay xukuumadda Somaliland Hargeysa ka masaafurisay dhawr bilood ka hor ka dib markii lagu qabtay madaarka Hargeysa, waxaana xilligaas loo masaafuriyay Muqdisho ka dib markii uu diiday inuu ka tanaasulo xilka dawlada dalkaas, maadaama oo ay Somaliland kala soo noqotay xorriyadeeda sannadii 1991-kii. Inkastoo ay jiraan warar sheegaya inuu Laascaanood ku soo galay cafis uu dalbaday, haddana ma jirto cid warkaas xaqiijinaysaa.

 

 

Source: www.geeska.net , Wargeyska Geeska Afrika, Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Indhabuur Dacar Oo Maanta Hargeysa Loo Dhaadhiciyey

Written by Jidbaale.com

Monday, 30 November 2009 16:06

Laascaanood(Jidbaale.com):-Waxaa xabsiga Hargeysa Loo Dhaadhiciyey Maanta Maxamed Maxmuud Faarax(Indha Buur Dacar) oo hore u ahaan jiray ku xigeenka Cali Sandule, haddana ka tirsanaa baarlmaanka Dawlada Kumeel gaadhka ah. Indhabuur Dacar ayaa la qabtay isaga maalin sadexaad maraya Waqda Jaadka goob u dhaw waxaana loo taxaabay xabsiga magaalada Laascaanood, isla maalintiina damaad lagu soo daayey.

 

 

 

Hadana isla maalintii ayaa gurigiisa laga kaxastay ilo xogogaal ah waxay ay sheegeen in loo xidhay arrimo ku saabsan qaraxyadii ka dhacay magaalada Laascaanood, iyada oo dad badan oo kalena ku xidhan yihiin magaalada Laascaanood.

 

Indhabuur Dacar oo labadii bilood ee ugu danbeeyey ku sugna amagalada Laascaanood ayaa waxa uu ahaa ninkii hore u sheegay isaga oo u shaqeeya malayshiyada Hargeysa in ay dileen 50 ka tirsan shacabka SSC, wuxuuna ka mid ahaa isaga iyo Mahad Canbaashe kuwii u gacan galiyey malayshiyada Riyaale Kornayl Dayr Xaaji Cabdi Iska Toos, kuna faanay in ay qaarna laayeen qaarna qabqabteen.

 

Xiliyadii danbe ayuu ku biiray baarlamaanka dawlada kumeel gaadhka isaga oo dhinaca kooxda Shiikh Shariif ka soo galay Baarlamaanka, ka dibna uu ku noolaan kari waayey Muqdisho una cararay Nairobi, Nairobi ayuu kala kulmay waji gabax ka dib markii ay ka hadhiweyday Magac xumadii uu ka dhaxlay la shaqayntii Malayshiyada Hargeysa , wuxuuna go,aansaday in uu Laascaanood dib ugu noqdo iyada oo loo baryey malayshiyada Hargeysa, iyada oo maantana ay xidheen dhaadhiciyeena.

 

Jibaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this