Sign in to follow this  
Cowke

Rain Hits Drought stricken areas of Puntland

Recommended Posts

Cowke   

 

Roobabkii Deyrta oo ka bilowday deegaano ka tirsan Puntland

 

Deegaano ka tirsan gobolada Puntland ayaa waxaa ka bilowday roobabkii Deyrta oo si aad ah looga dhowrayey deegaanka.

 

Guud ahaan gobolada Puntland ayaa waxaa ka jirtay abaar aad u daran, iyadoo dadkii xoola dhaqatada ahaa in badan oo ka mid ah ayba ka le'deen xoolihii ay dhaqan jireen, waxaana deegaanka ka socday biyo dhaamin xoog leh.

 

Meelaha ay roobabku ka de'een ayaa waxaa ka mid ah gobolka Nugaal, gaar ahaan degaanada hoos yimaada degmooyinka Dangoroyo, Eyl iyo dhulka howdka ah ee gobolka Nugaal.

 

Sidoo kale waxaa roobku uu ka da'ay degmada Qardho xarunta gobolka Karkaar, sidoo kale gobolka deegaanka degmada Baran ayaa roobku ka da'ay, deegaano ka mid ah gobolka Mudug ayaa iyana roobab aan badneyn ay ka de'een, waxaana jirta in dadku ay hada rajo wanaagsan soo gashay.

 

Horay gobolada Puntland waxaa uga taakneyd abaar aad u daran, iyadoo dad badan ay dhaafeen xoolihii ay dhaqan jireen, taasoo sababtay in magaalooyinka ay soo galaan dad badan oo reer guuraa ah.

 

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa deegaanada Puntland waxaa ku yaraa roobabka, iyadoo meelaha qaarna uusanba ku riixin, waxaana xiligan la rajeynayaa in raxamaadkiisa uu Alle ku shubo uunka u baahan.

 

 

Xafiiska wararka dailypuntland

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this