Sign in to follow this  
AYOUB

Ethiopia:Warar Cusub oo Sheegaya Sababtii loo Xidhay Ugaas Abdiraxmaan ugaas Muxumed

Recommended Posts

AYOUB   

Ethiopia:Warar Cusub oo Sheegaya Sababtii loo Xidhay Ugaas Abdiraxmaan ugaas Muxumed Qani

07/29/08

    

Jijiga(Kilil5)---Ugaas Abdiraxmaan ugaas Muxumed Qani Siigaale ugaaska

beesha Cabdale ee degta Gobolka goday oo todobaadadii lasoodhaafay lagu

xidhay magaalada goday ayaa la sheegayaa in loosoo gudbiyay magaaladan

Jijiga. Shir ay xukuumada deegaanku qabatay magaaladaas goday

todobaadadii lasoo dhaafay oo uu hogaaminaayay madaxwaynaha deegaanku

mudane Cabadilaahi Xasan ayay xukuumadu ka sheegtay shirkaas in ay

xukuumada iyo dawlada deegaanku ay damacsanyihiin inay 30,000 kun oo

qoys ay dib u dajin ugu samayndoonaan magaalada goday. Dadkan

tiradabadan ayaa la’aaminsanyahay in badidooda lagakala keenidoono

qoomiyadaha kale ee Itoobiya. Ugaaska oo ka mid ahaa dadkii halkaas

shirka loogu hayay ayaa sadex jeerr farta taagay intii uu shirku socday

balse loodiiday inuu hadal ka dhibto shirkaas.

Ugaaska ayaa la sheegay

in markii shirku dhamaaday uu si gooniya ula hadlay madaxwaynaha

deegaanka iyo maamulkii halkaas joogay oo uu u sheegay in umada

somaliyeed ee ku nool gobolkaasi waa godaye ay aad u baahantahay suuro

galna ayna ahayn in qoomiyado kale iyo gobolo kale dad laga keenay in

dib u dajin loogu sameeyo isla gobolkan oon wali dadkiisiiba aan dib u

dajin loosamaynin arinkan iyo fikirkan ka soo horjeeda kii ay xukuumadu

wadatay ayaana loo aanaynayaa in ugaaska loo xidhay. Intii uu shirkaasi

ka socday magaaladaasna waxaa ka dhacay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo

fikiradan ay xukuumadu soojeedisay ee ay damacsantahay inay dib u dajin

ugu sameeyaan dad aan deegaanka udhalan.

Dadbadan ayaa iyagu aaminsan tani inay noqondoonto khiyaamo qaran iyaga

oo sabab uga dhigaaya in dawladu damacsantahay in deegaanka somalida ay

qoomiyado kale la wadaajiso. Waxay dadbadani sheegayaan in ay dhacdadan

ookale ka dhacday deegaanka wakhtigii Xayla salaas taas oo uu ku beeray

dadbadan oo kasoo jeeda qoomyada Axmaarada deegaanka soomalida ilaa

hadana ay ku dhaqanyihiin deegaanka. Waxaa sidoo kale jirta in ay

adagtahay dadka somalida ahi iyagku inay kunoolaadaan deegaanada kale ee

dalka iyada oo aan haba yaraatee wax fursad ah aan looga ogolayn inay

kaqaybgalaan shaqaalaha deegaanadaas kale balse waxaad arkaysaa in ay

boosaska ugu muhiimsan deegaanka ay badidooda haystaan dad kasoo jeeda

qoomiyadaha kale ee dalka gaar ahaan qoomiyada axmaarada oo iyagu aad

ugu badan deegaanka kana soo jeeda dadkii uu Boqor xayle salaase ku

beeray deegaanka.

Jijiga

Kilil5 Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^ Reer Godey showed their opposition of this terrible idea in a peaceful protest. Ufortunately, there are more than 200 people in the prisons of Godey now. This gumeysi is not going to last longer.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this