Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 20, 2007 Baasaboorka Soomaalida oo Qiimo sare ka gaaray Magaalada Muqdisho Axad, Maarso 18, 2007 (HOL) - Qiimaha lagu iibsado baasaboorka Soomaaliga ah ayaa sare uga kacay Suuqa Cabdalla Shideeye ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dad doonayay in ay iibsadaan Baasaboorka ay sheegeen in uu qiimaha Baasaboorka uu labuu-laab sare u kacay. Baasaboorka Soomaalida oo markii hore uu qiimahiisa u dhaxeeyay 25 ilaa 30 Doollarka Mareykanka ah ayaa hataan wuxuu gaaray qiimihiisa 50 Doollar , iyadoo sare u kacaasina la sheegayo in ay sababeen dad Muqdisho ka dhoofaya oo baasaboorka beryahan aad u iibsada. Dad badan oo ka cabanayay qiimo koror ku yimid ayaa saakay lagu arkayay Suuqa Cabdalla Shideeye iyagoo marba meel istaagayay, isla markaana rajo ka qabay in ay helaan baasaboor qiimahiisu jaban yahay oo ay ku dhoofaan. Qiimo kororka ku yimid baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxaa keenay Dad badan oo amni darrada Muqdisho ka qaxaya oo dalka dibaddiisa u dhoofaya, kuwaasi oo maalmihii tegay si weyn u iibsanayay Baasaboorka Soomaalida. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay Baasaboor ka duwan midka ay haatan Dadka Soomaaliyeed isticmaalaan ayaa waxay u qabatay isticmaalka Baasaboorkii hore ilaa bisha May ee soo socota, iyadoo kadibna la mamnuuci doono, waa sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud. Suuqa Cabdalla Shisheeye ee ku dhex yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii Hay'adihii Dowliga ahaa ee dalka Soomaaliya waxaa uu dadka Soomaaliyeed u qaban jiray adeeg ay qaban waayay dowlado fashilmay oo dalka Soomaaliya loo soo dhisay, waxaana xusid mudan in mas'uuliyiin badan oo ka tirsanaa Dowlado Soomaaliya loo soo dhisay ay ku dhoofi jireen baasaboor laga soo sameeyay Suuqa Cabdalla Shisheeye, halka Suuqaas laga doonto ilaa waqtigan warqadaha dhalashada, kuwa caafimaadka iyo weliba Shahaadooyinka ilaa heer Jaamacadeed. [ ] Xigasho Suuqaas Cabdalle Shideeye Bakaaraha ku yaala muxuu Soomaali badan wax u taray, including this writer. Runtii waa lagu baxsaday, without it meelna mala gaarin lahayn. Pure unobstructed free market, that they even make Itoobiyaan and Keenyaati baasabooro as well, only kaa xigto a couple extra dollars. I've witnessed an Itoobiyaan baasaboor forged in five minutes, and it worked for that person who loo sameeye Keenya ku aaday in the same day. Quote Share this post Link to post Share on other sites