Sign in to follow this  
Adna

Fadliga Bisha Ramadaan

Recommended Posts

Adna   

allaah ayaa mahad iska leh , nabad gelyoiyo naxariisina Nobi muxammed korkiisa ha ahaato iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisaba.

 

 

 

Allaah subxaanahu watacaalaa, nicmooyinka uu muslimiinta ugu nicmeeyey waxaa ka mid ah innu u hibeeyey xilliyo ay badiyaan gudashada cibaadooyinka ayna u toobad keenayaan Rabbiga cirka iyo dhulka iyo inta u dhaxaysa waxa ku sugan abuuray.

 

 

 

xilliyadaas kua ugu waaweyn waxa ka mid ah bisha Ramadaan ee barakaysan taas oo dhexdeeda Qur'aanka la soo dajiyey lana furo irdaha Janooyinka lana xiro irdaha naarta , shayaadiintana la xixiro .

 

 

 

.

 

Bishaasoo dhexdeeda kor loogu dhawaaqo Ruuxii khayr doonayoow soo qaabil kii shar doonayaoowna ka gaabso , Ilaahayna uu Naarta ka xoreeyo in badan oo khalqigiisa ka mid ah.

 

Bisha Ramadaan dhexdeeda muslimiintu waxay la soo qaabilaan Allaha Casiiska ah Salaad,Soon, Sadaqo,Qur'aan akhris iyo iyagoo ilaaliya inay ku gutaan Salaadaha jamaaco, waxayna badiyaan cibaadaadka wayna ka gaabsadaan wixii laga xaaraantinimeeyey, waxaad ku arkaysaa dabeecad wanaagsan iyo isu dabacsanaan dhexdooda ah taas oo aadan bilaha kale ku arkayne

 

 

 

Fadliga bisha Ramadaan qaar ka mid ah

 

 

 

bisha Ramadaan waa bil barakaysan waana bishii uu Ilaahay dhexdeeda soo dajiyey Qur'aannka kariimka ah,

 

"Bisha soon waa tii la soo dejiyey Qur'aanka isaqoo dadka hanuun u ah iyo caddayn hanuun iyo kala saarid(xaqa iyo baadilka)".surat albaqara185

 

waxaana cad in habeen barakaysan oo weyn dhexdii Qur'aanka la soo dejiyey sida aayaddan ku xusan,

 

"Ilaahbaa garanaya macnaha uu ula jeedo x&m. Waxaanku dhaaranayaa kitaabka dajinney {Qur'aanka}habeen barakaysan annagaana wax u digayna".suurat al dukhan 1-5

 

Habeenkaasuna waa Leylatul qadarka uu Ilaahay yiri;

 

"Annagaa soo dajiney {Qur'aanka}habeenka Laylatul qadarka(sharafta leh). Mataqaanaa Laylatul qadarka? Waa habeen ka khayr badan kun habeen. Waxaana soo dega Jibriil iyo amarkiisa . waana habeen nabad gelyo ah inta waagu beryayo''.suurat al qadar

 

 

 

*****************************************

 

 

 

Sidoo kale Axaadiista Nabiga(NNK) ayaa inoo caddaynaysa fadliga soonka:-

 

{Dhammaan camalka wnaagsan ee bani'aadamku la yimaado waa loo laa laabaya, halkii wanaag toban u dhig ayaa looga dhigayaa ilaa todoba bogol oo jeer, Eebe Sarreeye wuxuu yiri:''Soonka mooyaane,Soonka aniga ayaa iska leh, anigaana ka abaal marinaya,wuxuu ka tagey hawoodkii iyocuntadii aniga dartay" qofka soomani laba jeer ayuu farxaa;marka uu afurayo iyo marka uu la kulmo rabbigiis}.

 

Suyuca afkiisa ayaa ka udgoon Alle agtiisa carafta miskiga{waxaa kaloo la wariyey Soonku waa Gaashaan(1)ee haddii uu qofkiin sooman yahay yaanu hadal xun oran hadalkana yaanu badin, haddii uu qof caayo ama la dagaallamo ha yiraahdo"Anigu waan soomanahay"}.

 

 

 

Waxaa kale oo Rasuulku (NNK)yiri:-

 

" Salaadaha shanta ah iyo jimce ilaa jimcaha kale laga gaarayo iyo bisha soon ilaa soonka kale laga gaarayo waxaa lagu dhaafaa dambiyada haddii laga fogaado kuwooda waaweyn".

 

 

 

Nabigeennu(NNK)wuxuu xadiis kale ku yiri:-

 

"Soonka iyo Qur 'aanku way u shafeecaan addoonka (qofka) maalinta Aakhiro, Soonku waxa uu oranayaa:{Rabbiyoow waxaan addoonkaaga ka hor istaagay cuntadiisii iyo haowoodkiisii maalintii ee igu shafeec}Qur'aankuna waxa uu oranayaa:{waxan u diiday hurdadii habeenkii ee iigu shafeec} wayna u shafeecayaan"

 

 

 

waxaa kale oo Rasuulku yiri(NNK):-

 

haddi ay soo gasho bisha Ramadaan waxaa la furaa irdaha Jannada, waxaana la xiraa irdaha Naarta, Shayaadiintana waa la xirxiraa"

 

 

 

Xaddiis kale Naigu (NNK)isagoo wax naga tusaya fadliga bisha Ramadaan wuxuu yiri :-

 

"Qofkii sooma bisha Ramadaan isagoo rumaysan waajibnimadeeda, ajarna dalbaya waxaa loo dhaafaa dambiyadii uu horay u galay oo dhan"

 

 

 

Waxaa kale oo Rasuulku yiri(NNK):-

 

"waxey Jannadu ledahay albaab la yirahdo rayaan oo ay ka galayaan dadkii soomi jirey,qof aan iyaga ahaynna albaabkaas ma galayo waxaana la oranayaa aaway dadkii soomi jirey/ way u istaagayaan qof aan iyaga ahaynina ma galayo, marka ay galaanna waa la xiraa iyadoo qof kale aanu galaynin".

 

 

 

Abu Umaama (IHR) ayaa isna wuxuu yiri:

 

"waxaan Rasuulkii Ilaahay ku iri;- i far amar aan kaa qaato , wuxuuna iigu jawaabay "Soon,waayo soonka wax la mid ahi ma jiraan" markaas ka dib Umaama lalama kulmi jirin isaga,Afadiisa iyo khaadimkiisaba iyagoo sooman mooyaane, haddii gurugooda qaac lagu arkana waxaa la oran jirey marti baa utimd , dad baa ku soo degey"

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this