Sign in to follow this  
General Duke

Las Ano Calm but preperation under way

Recommended Posts

Xaaladda Magaalada Laascaanood.

 

cadani.jpg

 

 

Asad Cadaani Ibraahim

e-mail: asadlaska@hotmail.com

 

Laascaanood, Soomaaliya

 

 

 

 

 

 

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa iyadu ah mid degan oo xasiloon, ka dib markii ay 9/1/04 isku haleeleen meel u dhow magaalada Laascaanood oo lagu magacaabo Tifafle una jirta 15km, kagana beegan dhinaca waqooyi, Ciidamada Daraawiishta ee dawlad goboleedka Puntland iyo maleeshiyo beeleed uu watay Wasiirka horu-marinta reer miyiga ee Maamulka iskii isu magacaabay ee somaliland , Fu'aad Aadan Cadde.

 

Waxaana goobtaasi ku geeriyooday laba qof oo ka tirsanaa maleeshiyooyinka taageersan maamulka ismagacaabay, waxa kale oo dhaawac u halkaasi ku soo gaadhay sadex ka tirsan maleeshiyadaa, sagaal maxbuus ayaa iyaga loo dhaadhiciyey magaalo madaxda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee puntland, waxaan ku jiray nin ay walaalo yihiin Fu'aad Aadan Cadde iyo wiil uu dhalay.

 

Ciidamada Daraawiishta ayaa maleeshiyadan Somaliland taageersan ee u dhalaay gobolka sool, in toodii badnayd hubkii ka dhigay dabadeedna sii daysay, oo u ogolaatay in ay guryahoodii ku noqdaan, iyada oo odayashoodii gacana loo galiyey.

 

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa sheegay in ay dhinacooda kaga geeriyooday hal askari mid kalena ku dhaawacmay , dhamaanoodna loo soo qaaday Cisbitaalak guud ee Magaalada Laascaanood , wuxuuna maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sheegay in uu maamulka Somaliland mas'uul ka noqondoono wixii halkaasi ka dhacay,

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Maxmed Cabdi Xaashi ayaa dadweynaha Punland khudbad uu xalay u jeediyey ugu sheegay in ay dagaal u diyaar garoobaan oo ay dalkooda daafacdaan , kana daafacaan maamulka majara habowsan ee Riyaale hogaamiyo waa sidii hadalka u dhigaye.

 

Dhinaca kale Guddoomiyaha gobolka Sool Ibraahim Jaamac Daad ayaa shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Laascaanood ku sheegay in ay ka xun yihiin wiilashii halkaasi ku geeriyoodey ee ay soo khaldeen kuwa u shaqeeya sidii loo hagar daamayn lahaa bulshada deegaankana , kana shaqeeya dhagarta shacbi weynaha Soomaaliyeed Gaar ahaanna Shacabka PunTland.

 

Wuxuuna intaasi ku daray in ay dalkooda difaaci doonaan haddii la soo weeraro dalkooda, kana difaaci doonaan cadowga Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigee.

 

Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ayaa heegan la galiyey si ay dalka u difaacaan, shacabka gobolka ku dhaqan ayaa iyaguna u diyaar garoobey sidii ay ciidooda u difaaci lahaayeen , ugana difaaci lahaayeen maamulka majara habowsan ee uu Riyaale Hogaaminayo waa siday ii sheegeen dadweyne badan oo aan la kulmay .

 

Asad Cadaani

 

Laascaanood Somaliya

 

asadlaska@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this