Sign in to follow this  
Che -Guevara

The role of SNM history

Recommended Posts

“Arrintaa dembiga ugu yar ee ay wasaaraddu ku yeelan kartaa waa in ay il-duuf ahaan uga tageen cutubyada ka hadlayey taariikhda SNM, dembiga ugu weynina waa inay kas uga tageen, iyada oo ay labadu yihiin dambi culus oo masuuliyadeeda aanay madaxda wasaaraddu sinaba uga gilgilan karin,” ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

 

“Haddii ay caddaato in wasaaraddu ula-kas uga saartay manhajka waxbarashada taariikhda halgankii SNM, waxaad ku kalsoonaataa in aannu arrintaa dabageli doono ilaa inta aannu ka gaadhayno kama dambyasta, sidaana kaga hadhi mayno waanuna ku tuntuusan doonaa,” ayuu raaciyey Xasan Ciise.

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dadweynaha Ku Nool Caasimada Hargeysa Oo Dareen Cadho leh Ka Muujiyey In Manhajka Waxbarashada Dalka laga Saaro Halgankii Taariikhda SNM!

 

hadhwanaag 2008-01-23 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Qaar ka mida Dadweynaha ku nool Caasimada jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa ayaa dareeno cadho leh ka bixiyey talaabada ay Wasaarada Waxbarashadu kaga tirtirtay manhajka dugsiyada dalka taariikhda halgankii SNM iyo Somaliland.

 

Hadaba, qaar ka mida dadweynaha ku dhaqan Caasimada Hargeysa oo u badan dhalinyaro oo wax ka barta dugsiyada Somaliland qaarkood ayaa Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews.com wax ka weydiisay aragtidooda ku waajahan arrintan, waxaanay arrintan dhamaantood ku tilmaameen mid laga dhiidhiiyo oo la is hortaago.

 

Siciid Cawil Axmed Xajiin oo ka mid ah dhalinyarada Somaliland, isaga oo ka hadlayey dareenkiisa ku saabsan arrintan waxa uu yidhi “Berigii hore ee aanu ahayn ardayda Taariikhda iyo Juquraafiga waxaanu dhigan jirnay taariikho ay leeyihiin ummado kale, oo ama Afrikan ha noqdeen, ama Carab ha noqdeen ama Ummadahaas kale ee Aduunka ku nool ha noqdeen. Waxaa kale oo aanu ku baran jirnay taariikhdii ay soo martay Diinta Islaamku, runtiina taariikh muhiima ayay ahayd.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Sidaa darteed marka aynu wakhtigan ka hadlayno taariikhda ugu muddan oo ugu haboon in lagu barto Dusiyada dhexe, waxa ay tahay taariikhdii halganka ee ay soo martay Ururka SNM. Waayo waa tariikh aan la hilmaami-karin, waa wax aan la qarin karin, waa wax haddii laga reebo Manhajka aan hadhayn, lana tirtiri karin.”

 

Siciid Cawil Axmed Xajiin oo ka hadlayey Sida ay talaabadani u muuqan karto waxa uu yidhi “Waxaana tallaabadaasi noqonaysaa mid geedi-socodkii taariikheed ee Somaliland dhaawacaysa.”

 

“Maxaayeelay jiilashan danbe ee wakhtigan Ardayda ahi waxay dhasheen Wakhtigii uu halganku socday, wax loo dhigayaana waa wixii ay ku dhasheen oo ah halgankii,markaa ummadda reer Somaliland halgankii waxa uu raacay dhiigooda oo cidi kama tir-tirikareyso” ayuu yidhi Siciid Cawil Axmed Xajiin

 

Siciid Cawil waxa uu ku taliyey “Waxaan markaa soo jeedinayaa in aan lagu degdegin arrintaa ee ay Wasaarada Waxbarashadu ka fiirsato, oo sida ugu dhakhsaha badan uga hadashaa”

 

Axmed Maxamuud Cilmi oo isna ka mid ah dadka ku dhaqan Caasimada Hargeysa, oo aanu isna aragtidiisa ku aadan talaabadan soo if-baxday ee lagaga tir-tirayo manhajka waxbarashada dugsiyada dalka taariikhda halgankii SNM ee dalka lagu xoreeyey waxa uu yidhi “Arrintaa sheegaysa in manhajkii dalka laga saaray taariikhdii halganka SNM, waxa weeyaan arrin bulshada wax dareensiinaysa oo ay ku adkaayeen.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii waxa uu yidhi “Waayo caalamkan aynu ku nool nahay waa la deegaameeyey, oo ilmuhu waxa uu xaq u leeyahay in uu ogaado goobta oo ku nool yahay wixii ay ahaan jirtay, wixii dhib loo soo maray, isla markaana in uu ka war-hayo is-bedelka ka dhacay.”

 

“Waxaana ay noqonaysa haddii la yidhaahdo waxa Manhajka Somaliland laga saarayaa taariikhdii halganka SNM, meel ka dhac iyo gef lagu sameeyey xuquuqdii Awlaada ee loo baahnaa in la baro taariikhdaasi nuxurka iyo muhiimada ay xanbaarsanayd. Waayo dadkan yaryar ee imika dugsiyada dhigtaa waxa weeyaan Ardaydii dhalatay wakhtigii uu halganku socday.” Ayuu yidhi Axmed Maxamuud Cilmi

 

Isaga hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Markaa hadaanu nahay dadweynihii ku nool Magaalada Hargeysa, waxaanu u aragtaa arrintaa tallaabo qadaf ah oo meel ka dhac ku ah habsami-u-socodkii taariikhda ee dalkani ku faanayey, nabada aynu maanta haysanana waxa keenay dhaliyey halgankii”

 

Waxa uu ku taliyey oo uu yidhi “Waxaan soo jeedinayaa oo aan ku boorinayaa Wasaarada Warbarashada Somaliland in ay arrintaa aad uga fiirtsato.”

 

Farax Xasan Cabdilaahi, oo iyana ka hadlaysay aragtideeda ku aadaan talaabadan lagaga tirtiray manhajkii waxbarashada dalka taariikhda halgankii SNM, waxay tidhi “Waxaan tallabaadaas u arkaa arrin xad-gudub ah, oo ku dhacday Caruurta Somaliland, maadama oo ay xaq u leeyihiin inay bartaan taariikhda halgankii wadankan loo soo maray ee lagu xoreeyey”

 

“Waxa kale oo ay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan taariikhdii wadankani [somaliland] soo maray iyo is-bedeladii ka dhacay-ba. markaa haday taasi dhacday, iyada oo aan laga-ba eegin dhinaca halganka waa arrin xad-gudub ah.” Ayey tidhi Farax

 

Waxay ku talisay oo ay tidhi.“Waxaanan soo jeedinayaa inay Wasaarada Waxbarashadu arrintan ka fiirsataa oo aanay ku degdegin”

 

Hooyo Canbaro Ciise Ismaaciil Axmed, oo ka hadlaysay sida ay ula muuqato talaabadan lagu tirtirayo taariikhda halgankii SNM waxay tidhi “Horta runtii arrintaasi markii ay soo shaac-baxday ee ay soo qoreen qaar ka mid ah Joornaalada Somaliland, si weyn ayaan uga biyo-diiday, waayo arrintaasi waxa ay dhaawacaysa jiritaanka Somaliland, Maxaa yeelay Somaliland waxa dhashay SNM”

 

“Markaa waa inay ummada reer Somaliland ka dhiidhiiyaan arrintan lagu tirtiray taariikhdii halgankii SNM u soo martay dib u xoreynta dalka” ayey tidhi hooyo Canbaro Ciise

 

Iyada oo hadalkeeda sii watana waxay tidhi “Talaabadanina waxay meesha ka saareysa wixii ay Somaliland wadamada Caaamka kula gor-gortami lahayd, marka ay doonayso in ay ka dhaadhiciso qadiyadeeda, waayo haddii la tirtiro taariikhdii halganka SNM, waxaa muuqata in aanay jirayn-ba wax ay ku doodo Somaliland, oo ku saabsan wixii ay ka dagaalantay iyo sababtii ay u goosatay”.

 

Hooyo Canbaro Axmed Waxay ku talisay“Waxaan markaa u soo jeedinayaa Masuuliyiijnta Wasaarada Waxbarashadu in ay arrintaa dib ugu noqdaan, haddii kale waxay keenaysaa cawaaqib xumo iyo nusqaan ku habsada Somaliland”

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hareysa/Somaliland/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

SNM oo loo asaasay ka hortagii dulmigii regime kii Sayed Bare, ayaa sidii urukii USC da fashilmey, oo isku bedelay in qabaa'ilo soomaaliyeed la ugaarsado, waana arin iska cad in wasaaradu garowsadeen danbiyadiii foosha xuma ay jabhadii SNM u gaysteen shacab Soomaaliyeed,

markaa in la dhigto taariikhta SNM iyo Jabhadihii Kale ee Soomaaliya ka jiray waa haboon tahay baan u arkaa, iyadoo laga muujinayo sawir cad, oo aan been iyo faan la dhoob dhoobay ku jirin, laakinse armaa bulshadu manta raali ama diyaar u ahayn in ay taasi dhacdo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Koleey annigu waxaan qabaa sababta SNM taarikhdeeda manhajka loogu darin waxuunbaa koleey ka jir-jira, waayo waxaaba fashilmaya fikirka ah gooni'isutaaga oo sida la yiri SNM-ta ajendaha ugumusan jirrin arrinkan gooni-isutaaga ah markii aay dagaalka ku jireen balse rag kaleto aay gadaal jeebka kala soo baxeen! markaa miyeenan dhaamin in faraha lagawda qaado intii ceebo iyo fashil soo bixi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this