Sign in to follow this  
Gheelle.T

Xassan Aweys oo qaadacay heshiiskii AS iyo Turki.

Recommended Posts

Sheikh Aweys oo diidan heshiiskii Turki la galay Al-Shabaab. New development indeed!

 

Sh. Aweys oo qaadacay heshiiskii Shabaab & Sh. Turki

2 Feb 2, 2010 - 8:55:27 AM

 

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islam Sh. Xasan Daahir Aweys oo isagoo xiran tuutaha askarta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ku xigeenkiisii iyo xubno kale oo horay uga baxay ururkooda ay ku biireen Al-shabaab.

 

Sh. Aweys, wuxuu shirkiisa jaraa'id oo dhinacyo badan taabanayay ku sheegay in xubnaha ku biiray Al-shabaab aysan matalin kooxda Raaskambooni, balse ay yihiin kuwo matala ciidamo aan badnayn oo ay wataan.

 

"Heshiis kuma ahayn in Al-shabaab iyo inagu [Xisbul Islam] aan kala duufsano askarta dagaalama, waana mid aan cambaareynayo, waayo waa heshiis la jabiyay" ayuu yiri Sh. Aweys isagoo intaas ku daray in kooxdaas ay weli dagaal uga jirto Jubada hoose.

 

Gudoomiyaha Xisbul Islam oo gaashaan-buur la ah Al-shabaab ayaa xaqiijiyay in ku xigeenkiisii dhanka maamulka uusan haatan ka mid ahayd Xisbul Islam oo uu ku biiray Al-shabaab, isagoo sheegay inuu wato ciidamo tiro yar.

 

"Raaskambooni waxay ka mid yihiin Xisbul Islam, waxaana weli nala jooga saraakiil fara badan oo kooxdaas ka mid ah" ayuu yiri Sh. Aweys, iyadoo kooxdan ay ka mid ahayd afarta kooxood ee uu ka kooban yahay Xisbul Islam.

 

Hogaamiyahan oo 65-jir ah wuxuu sheegay in ururkiisa uu sii wadayo dagaalada uu kula jiro DF iyo AMISOM, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan dagaalyahan kasta oo kala qaybqaadanaya dagaaladan xitaa haddii ay ka tirsan yihiin Al-Qaeda.

 

"Anigu waxaan ka mid ahaa dadka inta badan u ololeynayay in la mideeyo Islaamiyiinta Somalia, laakiinse heshiiskii lagu gaaray Baydhabo waan qaadacsanahay, waayo waa mid aan sharci ahayn" ayuu yiri Sh. Aweys.

 

Dagaaladii Gobolka Jubada hoose oo uu ka hadlay ayuu sheegay inay ka mid yihiin xufgufyada dhexmara laba kooxood oo awood leh, doonayna inay xukunka la wareegaan, aniga waxaan ku talinayaan in dagaaladaas la joojiyo.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in saraakiil ka tirsan Xisbul Islam ay toogteen Al-shabaab isagoo ku tilmaamay falkaas mid aad looga xumaado, isagoo ugu baaqay kooxdan inay joojiso falalka ka dhanka ah Xisbul Islam oo uu hogaamiyo.

 

Waa markii ugu horeysay oo uu Sh. Xasan Daahir Aweys si toos ah u weeraro Al-shabaab oo ah kooxda ugu awooda badan kooxaha ka horjeeda DF, isla markaana kula dagaalamay Jubada Hoose Xisbul Islam.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is another take by Dunida online. Though I don't think he would say anything like the this title suggests, but if he did, it's too little too late methinks!

 

Sheikh Xasan Dahir oo ku tilamay xarakada Al-Shabab dad bilaa diin ah.

 

Sheekh Xasan Dahir Aweys Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa goor dhow sheegay in ay Al-Shabab ku xad kudbeen Kooxdiisa madama uu ku biiray Xasan turki kooxda Al-Shabab .

 

Hogaamiyaha Mucaaradka Mr Aweys ayaa si xun u weeray Xarakada Al-Shabab oo uu ku tilmaamay kuwo aan diinta iyo balantaba aqoon kadib markii ay jibiyeen xeer hoosaatkii labada Koox .

 

Wadaadkani wuu qirtay in Sheekh Xasan Turki iyo ciidan fara badan oo katirsana Ururka X.Islaam in ay la midoobeen Al-Shabab .waxa uuna raaciya hadalkiisa in tilaabadani ay ka danbeeyeen Shaqsiyaad uu ku tilmaamay calooshood u shaqeestayaal .

 

“Ilaah baa mahad leh intaa kadib waxaan ka hadlayaa maanta qaladadka Xarakada Al-shabab oo sii saa'iday malmahan waxa ay bilaaben in ay buriyaan sharcigii na dhexyaalay waxaana ku tilmamaya xarakadaasi in ay tahay manata kadib cadowgeena koowaad " Sheekh Xasan .

 

Wadaad ayaa manatay ku libisnaa dareska Militariga oo looga baran waxa uuna ku hadlayay Erayo keeni kara isku dhac deg kaasi oo u dhaxeeya Asiga iyo kooxda Al-Shabab oo ah awooda kaliye ee ka soo horjeeda dowlada TFG-da

 

 

Ugu danbeentii wadaadka waxa uu fartiin u diray Madaxda Sare ee Al-Shabab si ay uga jawaabeen qodabadii ay ka tilaabsadeen ee u dhaxeeyay ururkiisa iyo Saraakiisha Shabab ,lama ogo xaqiiqdii hadalka Mr Aweys waxa uu dhalin doono

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this