Sign in to follow this  
Jabhad

Yeey-Axmaar to Ethiopia:Please stay.

Recommended Posts

Jabhad   

Cabdulaahi Yuusuf oo ka codsadey Sayum Masvin in Ciidamada Itoobiya ay sii joogaan…

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Wadanka itoobiya ayaa si qarsoodi ah ku soo gaaray Magaalada Muqdisho waxa uuna ku sugnaa Magaalada Muqdisho muddo 24-Saacadood ah, wax yar intuusan ka ambabixin Magaalada Muqdsho ayaa waxa uu la hadlay Saxaafada waxa uuna sheegay in Sadax qaybood marka loo qaybiyo Ciidamada Itoobiya ee soo galey Soomaaliya labo qaybood ay dib ugu laabateen Dalka itoobiya isagoo sheegay in qaybta hartay sida uga dhaqsiyaha badan uga bixi doonaan Dalka, balse warar ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada itoobiya ay ka qaybgali doonaan sugida Amaanka Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Wasiirka arimaha dibada itoobiya waxa uu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Cabdulaahi Yuusuf waxa ay isla soo qaadeen sidii ciidamada itoobiya uga qaybqaadan lahaayeen nabad ku soo dabaalida Dalka Soomaaliya siiba Magaalada Muqdisho, C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa la sheegey in uu ka codsaday Wasiirka arimaha dibadda Musfin in Ciidamada itoobiya ay sii joogaan gudaha Wadanka Soomaaliya tan iyo inta ay iska bedaleyso Xaalada Soomaaliya hase yeeshee warar aan ka helnay Madaxtooyada ayaa waxa sheegayaan in C/llaahi Yuusuf laga aqbalay in Ciidamada itoobiya ay gacan siiyaan kuwa Midowga Afrika.

 

Wasiirka arimaha dibadda ee Itoobiya ayaa waxa kaloo kulan la yeeshay Wafti ka socda Midowga Afrika oo isna soo gaaray Magaalada Muqdisho waxayna isla soo qaadeen sidii Ciidamada itoobiya ay gacan u siin la haayeen Ciidamada Midowga Afrika oo Qaar ka mid ah Ciidamadaasi ay soo gaareen Dalaka kuwaas oo ka socday Wadanka Uganda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

March 15th, 2007

15-03-2007

Khilaaf U Dhexeeya Ciidanka Tigreega iyo Kuwa Ugandha: Mesfin iyo Wafdi AU oo Arrinkaas Xalintiisa u Yimid

 

 

 

Wararka Xog-ogaal ah oo aanu ka helnay ilow wargal ah ayaa sheegaya in Seyoum Mesfin iyo wafdi ka socda Midawga Afrika ay Muqdisho u yimaadeen sidii loo xalin lahaa khilaaf u dhexeeya ciidanka Ugandha iyo kuwa Itoobiya

 

Ciidanka Itoobiya ayaa iyagu diiday in ay wareejiyaan gacan ku haynta maamulka dekadda oo uu dakhli fara badan kasoo galo, iyagoo sida wararku sheegayaan weli gacanta kula jira garoonka doyaaradaha ee Muqdisho. Ciidanka Ugandha ayaa iyagu ka dalbaday Itoobiyanka in ay soo wareejiyaan gacan ku hayta dekeda, arrinkana looga danbeeyo ciidanka Ugandha oo metelaya Midowga Afrika.

 

 

 

Dawlada Itoobiya ayaa iyadu soo jeedisay in 15,000 oo ciidankeeda ka mid ah lagu daro ciidanka nabad ilaalinta ee Midoqga Afrika, gawaaridoodana lagu buufiyo calaamada Midowga Afrika, laakiin Midowga Afrika ayaan arrinkan weli wax go'aan ah ka gaarin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this