Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Djibouti Slams A/Lahi Yusuf

Recommended Posts

hadhwanaag 2008-11-20 (Hadhwanaagnews) Jabuuti Nov.20, 2008 - Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si adag u naqdiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha dawladda Kumeel-gaadhka ah ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed, oo uu dhigiisa Liibiya kaga codsaday in wadahadalada dhinacyada Soomaalida ee ka socda Jabuuti loo wareejiyo dalka Liibiya.

 

Wasiirka oo shalay u waramay idaacadda Codka Maraykanka qaybteeda afka Soomaaliga, waxa uu ka hadlay ujeedada shir degdeg ah oo wadamada ku bahoobay urur-gobolleedka IGAD ku yeesheen magaalada Addis Ababa, kaasoo uu xusay in lagaga hadlay cawaaqibka ay Soomaaliya ku yeelan karto khilaafka u dhexeeya madaxda dawladda Kumeel-gaadhka ah ee Soomaliya.

 

Wuxuuna intaa ku daray, in maalmaha soo socda uu shir uga furmi doono Jabuuti guddiyo ka socda dhinacyada iska soo horjeeda ee Soomaalida. “Shir degdeg ah ayay Wasiiradda Arrimaha Dibadda dalalka IGAD isugu yimaadeen magaalada Addis Ababa.

 

Shirkaas oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, wixii laga wada xaajooday waa la ogyahay oo waa arrinta Soomaaliya iyo wadciga dhibaatada badan ee ka taagan dalkaas iyo khilaafkan madaxdii xukuumadda Kumeel-gaadhka ah ku dhexjira ee ay ka bixi kari la’yihiin iyo sidii xal degdeg ah loogu heli lahaa.

 

Haddii dhibaatadaasi sii socoto degenaanshihii dalka sidii loo soo celin lahaa ayay halis gelinaysaa.

 

Markaa laba maalmood ka dib Jabuuti waxa ka furmaya shir ay yeelanayaan laba guddi oo mucaaradka iyo xukuumadda ah, ahna labada guddi ee amniga iyo siyaasadda, waxayna dib u bilaabi doonaan shirarkooda. Markaa anagu waxaanu u aragnay khilaafkaadkaa madaxda dawladda Kumeel-gaadhka ah ka dhexaysa nimaadkan socda yaanay halis gelinin.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Cali Yuusuf.

 

Wasiirka oo la waydiiyay sida uu u arko codsi uu Cabdilaahi Yuusuf Axmed ku waydiistay dhigiisa Liibiya, in wadahadalada ka socda Jabuuti loo wareejiyo dalka Liibiya, waxaanu ku jawaabay, “Taas waxaanu u aragnaa burburin wixii dadweynihii Soomaaliyeed, mucaaradkii, xukuumadda iyo adduunweynuhu qiray ee uu ictiraafay nimaadkan Jabuuti ka socda, taasina wax dantii guud ee Soomaaliya wax u taraya maaha.

 

Marka la yidhaahdo heshiis dal kale halaga bilaabo burbur uun baa loola jeedaa, haddana waxaanu leenahay walaalahayo madaxda ama siyaasiyiinta kaleba ha ahaadaane, ha garab-joogsadaan haddii danta guud loo daynayo waxa Jabuuti ka socda.”

 

Wasiirku waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo uu ku sheegay in dhibaatada Soomaalida ay faro shisheeye ku jiraan.

 

“Sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada Soomaaliya ka taagan uun baa loo halgamayaa oo loo dedaalayaaye, in mar kasta la yidhaahdo ‘masuuliyada dadkaa kale ayaa leh, anagu Soomaali haddaanu nahay dhibaatadeena dad kalaa ka dambeeya oo faro gelinaya, anagu waanu fiicanahay oo malaa’ik baanu nahay’ waxaasi waa hadal ilmo yar oo imika garaadaystay uu fahmayo oo aanu ku khaldamayn.

 

Haddii Soomaaliya burbur gaadhay Soomaalida ayaa ka dambaysay, arrinteedana iyadaa leh,” ayuu yidhi Wasiirku.

 

 

Xigasho: VOA/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this