Sign in to follow this  
Kamaavi

Ururka Ahlu Sunna oo la wareegay magaalada Baladweyne

Recommended Posts

Kamaavi   

War deg deg ah oo hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in Ururka Ahlu sunna waljamaaca ay la wareegeen gebi ahaanba xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne iyagoo awood ku muquuniyey ciidamadii Xisbul islaam ee ilaa saaka kula dagaalamayey daafaha iyo gudaha magaalada.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalkii uu soo afjarmay ka dib markii ciidamadii Xisbul islaam ee ku sugnaa dhanka galbeed ee magaalada ay isaga baxeen iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn dhanka ay ubaxeen.

 

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaanan ilaa iyo hada si dhab ah loo ogeyn balse waxaa lagu soo waramayaa in dagaalku ahaa mid culus oo saacado badan socday.

 

Dagaalada u dhaxeeya kooxaha isku haya siyaasada Soomaaliya ayaa aalaaba ku soo noq noqda magaalada Baladweyne iyadoo dhowr jeer oo hore lakala qabsaday magaalada.

 

Qabsashada magaalada Baladweyne ee Ururka Ahlu sunna waljamaaca ayaa ku soo aadaysa iyadoo la hadal hayo in DKMG ay u diyaar garoowdey dagaal ay damacsantahay inay la gasho kooxaha ka soo horjeeda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

 

Dadka siyaasada Somalida qaadaa dhiga ayaa qabsashada Baladweyne ee Ururka Ahlu sunna ku sheegay guul weyn oo u soo hoyatay kooxda Ahlu sunna iyo DKMG iyadoo dhanka kale cidhiidhi gelin karta istaraatijiyadii dagaal ee Kooxaha ka soo horjeeda DKMG.

 

Dhanaan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Maalmihii lasoo dhaafey waxaa magaalada Baladweyne kasocday dagaalo u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo ururka Ahlu Sunnah WalJamaaca oo kaalmo toos ah ka helo dawladda cadawga ah ee Ethiopia. Dagaaladan oo maalmihii udanbeeyey kasocdey gudaha iyo daafaha ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashey.

 

Magaalada Baladweyne waxaa marwalba kajira dagaalo ay hurinteeda ka danbeyso dawladda Ethiopia waxaana magaalada duleedyadeeda isku aruursanayay maleeshiyaad daacad u ah Ahlu Sunnah waljamaaca. Cadawga Tigreega oo iyagu dabada ka riixaya Ahlu Sunah Waljamaaca ayaa marwalba oo laga xoogbato usoo gurmada kooxdan ay sameeyeen.

 

Magaalada Baladweyne waa magaalo Istraatijiyo muhiim ah u leh cidwalba oo ay gacanta u gasho waana meesha laga illaalin karo isku socodka gaadiidka Isku xidha Koonfurta Soomaaliya iyo waddanka Intiisa kale waxaana ka go an Ahlu Sunnah Waljamaaca iyo Tigreeguba iney gacanta ku dhigaan.

 

Dhanka kale maaddaama oo aysan Xisbul Islaam iyo Alshabaab hadda isku hiilineyn ama aysan wada shaqeyn dagaal ka dhaxeynin marka laga reebo Muqdisho waxaa adag in Xisbul Islaam kusii sugnaadaan magaalada Baladweyne haddii dagaalkani sii socdo Tigreeguna hubka iyo Saanadda siinayaan kuwa ay gacanta ku sameysteen.

 

Dawladda Sheekh Shariif ayaa iyaduna isku diyaarineysa iney dagaal ku qaaddo fadhiisimada Alshabaab iyo Xisbul Islaam iyadoo dhanka xadka Kenyana ay ciidamo badan ku aruursatey looguna talo galay iney weeraraan gobolada Jubooyinka. Dawladda Ethiopia ayaa iyaduna ciidamo ku aruurineysa magaalada Dooloow oo ay damacsantahay iney maamul goboleed kasameyso halkaas.

 

Xaaladda Soomaaliya ayaa sanadkan cusub ee 2010 u muuqata mid dhiig badan daadan doono dad badanna ku barakici doonaan waxaanse eebbe ka baryeynaa in dhiigga walaalaha kala badbaadiyo illaahayna tuso cadawga dhabta ah ee Soomaaliyeed ee Tigreega iyo waxii la halmaala.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Dagaalo culus oo u dhaxeeye Ururka Ahlu sunna waljamaaca iyo Ururka Xisbul islaam ayaa lagu soo waramayaa in weli ay ka soconayaan gudaha iyo daafaha magaalada Baladweyne iyadoo labada dhinac aysan waxba isula hadhin.

 

Khasaaraha dagaaladan maanta ka dhashay ayaa lagu sheegay 6 dhimasho ah iyo 10 dhaawac oo isuga jira labada dhinac ee dirirtu u dhaxaysay iyo dad rayid ah.

 

Dhanka kale waxaa gebi ahaanba istaagay ganacsigii iyo isu socodkii magaalada iyadoo dad badani ay ka qaxayaan magaalada ka dib markii ay u adkaysan waayeen hoobiyaha haboowga ah ee ku soo dhacaya guryahooda.

 

Dagaalada ka socda magaalada Baladweyne ayaa galay maalintii sedexaad lamana saadaalin karo cid u hadhi doonta magaalada Baladweyne maadaamo labada dhinacba ay soo xoojinayaan gurmadyo horleh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this