Sign in to follow this  
Som@li

Samsam Axmed Du'aale freed!

Recommended Posts

Som@li   

Samsam Axmed Ducaale oo xabsiga laga sii daayay

 

 

Burtinle-Online

Arbaco, Febraayo 02 2005

 

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa tibaaxaya in xabsiga laga sii daayey Samsam Axmed Ducaale oo in mudo ahba u xirneyd maamulka Korneyl Daahir Riyaale Kaahin.

 

Samsam oo 17 sano jir ah ayuu maamulka Korneyl Riyaale ku eedeeyay in ay damacsaneyd in ay disho Madaxweyne xigaha maamulkaas ninka lagu magacaabo Axmed Yuusuf Yaasiin.

 

Eedeymaha maamulka Riyaale ayaa sababay in gudoomiyaha Maxkamada gobolka Hageysa uu 5 sano oo xarig ah ku xukumo gabadha yar.

 

Wasiirka cadaalada ee maamulka Korneyl Riyaale ninka lagu magacaabo Axmed Xasan Cali (Casoowe) ayaa saxaafada u sheegay in amar kasoo baxay Madaxweyne ku xigeenka lagu cafiyay Samsam Axmed Ducaale.

 

Warar habeenimadii Talaadada soo gaaray Burtinle-Online ayaa sheegaya in Samsam lagu wareejiyay Dr. Qanim Alnajjar oo ah sarkaal u shaqeeyay Hay'ada Qaramada Midoobay kuna howlan ilaalinta xuquuqda aadanaha.

 

Wararka nasoo gaaraya ayaa intaa ku daraya in maalmaha soo socda Samsam loo duulin doono magaalada Boosaaso.

 

Sii daynta Samsam ayaa sahli doonta in laga sal gaaro eedeymo loo jeediyay maamulka Korneyl Daahir Riyaale oo ahaa in ilaalada Madaxweyne Xigaha maamulkaas Axmed Yuusuf Yaasiin kufsadeen gabadha yar.

 

Burtinle-Online

editor@burtinle.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Alxamdulilaahi Rabil Caalimiin Alshukrililaah. May Allah reward her Janna for the pain she suffered. God Bless her with good husband and children.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this