Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Military hard ware arrives..

Recommended Posts

Muqdisho: Diyaarad Saanad millatari u wadday Uganda oo Muqdisho ka dagtay.

 

5. Mar 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)-Diyaarad kuwa millatariga ah oo aad wayn ayaa shalay kasoo dagtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

 

Diyaaraddan ayaa la sheegay inay lahayd dawladda Uganda, ayna wadday saanad millatari oo ay leeyihiin ciidamada Uganda.

 

Wariyaha AllPuntland ee Muqdisho ayaa noo sheegay in diyaaraddan qalabkii saarnaa loo daabbulay xeryaha loogu talo galay in la dajiyo ciidamada Ugandha ee nabad ilaalinta Soomaaliya imaanaya.

 

Warku wuxuu intaas raacinayaa in Saanadaan millatari hordhac u tahay Ciidamada Ugandha oo maalmaha soo socda ka soo cagadhigan doona magaalada Muqdisho .

 

Sanaadaan millatari ayaa sida ay sheegayaan warar hoose oo laga helayo Saraakiil ka tirsan dawlada Soomaaliya in ay yihiin hubka lugu sugayo Amniga goobaha lugu wado in ay ka soo dagaan ciidamada nabad ilaalinta sida garoonka diyaarada Muqdisho iyo dekedda weyn, goobahaas oo ah meelaha sida aadka amaankooda dawlada Soomaaliya ula tacaalayso.

 

Midowga Afrika ayaa wada qorshe dalka Soomaaliya lagu gaynayo ciidamo gaaraya 8,000 oo askari,balse waxaa illaa iyo iminka la hayaa ballan qaadka 4,000 oo askari.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Garoonka Diyaaradaha Muqdsiho iyo Dekedda weyn oo lagu wado in Labada casho ee soo socda ay...

 

Posted to the Web Mar 05, 07:50

 

Muqdisho (PP) – Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho iyo Dekedda weyn ayaa lagu wadaa inay labada maalmood ee soo socota noqdaan goobaha ugu mashquulka badan oo laga soo dajinayo ciidamada Uganda iyo qalabka ay wataan.

 

 

 

Garoonka Diyaaradaha ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan in diyaaradaha shacabka ee sida isdaba joogga ah u imaan jiray la hakin doono labada maalmood ee soo socda, ayna ka dagi doonaan ciidammada Ugandese ah, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay maanta billaabanayso arrintaas.

 

 

 

Diyaaradaha Milateriga ee Mareykanka ayaa lagu wadaa inay garoonka ka soo dajin doonaan labada maalmood ee socda ciidammada Ugandese ah oo gaaraya 1500-askari, kuwaasoo howlgal nabad ilaalin ah ka fulin doona gudaha Muqdisho.

 

 

 

Wararka ayaa waxay sidoo kale sheegayaan in dekedda weyn ee Muqdisho lagu wado in iyadana ay ka soo dagaan qalabkii ay isticmaali lahaayeen ciidammada Uganda, waxaase wararku ay sheegayaan in dekedda ay ka dagi doonaan qalabkaas labada maalmood ee soo socda, sidaa daraadeedna aan laga dajin doono wax ganacsi ah ama kaalmooyin kale ah.

 

 

 

Dhanka kale, Dekedda weyn ee Muqdisho duleedkeeda ayaa waxaa la dhigay Markab kuwa dagaalka ah oo uu leeyahay Mareykanka, kaasoo lagu wado inuu ilaaliyo maraakiibta ka dajinaysa Dekedda Qalabka Ciidammada Uganda ay isticmaali lahaayeen.

 

 

 

Uganda ayaa Soomaaliya u soo diraysa 1500-askari, waxaana ay noqonayaa ciidammadii ugu horreeyay oo nabad ilaalin ahaan u yimaada Soomaaliya kana socda Midowga Afrika, waxaana lagu wadaa inay ka howlgalaan Muqdisho oo ah goob ay xasarado ka jiraan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Xubno ka socda Midowga Afrika iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo uu dhex marayo maanta kulan looga hadlayo Ammaanka Muqdisho

Posted to the Web Mar 05, 07:50

 

Muqdisho (PP) – Maanta ayaa lagu wadaa inay kulammo yeeshaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Xubno ka socda Midowga Afrika oo Muqdisho soo gaaraya, waxaana lagu wadaa inay ka wada hadlaan qaabka ay u howgeli lahaayeen ciidammada Ugandes-ka ah ee nabad ilaalin ahaanta u imaanaya Soomaaliya.

 

Wafdigaan ka socda Midowga Afrika oo ay la socdaan saraakiil Ugandese ah oo hoggaamin doona ciidammada lagu wado inay ka howlgalaan Soomaaliya ee ka socda dalka Uganda ayaa waxaa lagu wadaa inay maamulka Gobolka Banaadir kala hadlaan goobaha ay ka howlgeli karaan ciidammadooda.

 

 

 

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cadde Gaaboow iyo xubnaha kale ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa inay kulammada la yeeshaan Madaxda ka socota Midowga Afrika, waxaana kulankaan wixii ka soo baxa lagu wadaa in saxaafadda loo qaybiyo.

 

 

 

Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminaya Ergayga Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afirka Maxamed Cali, waxaana lagu wadaa inay ku sugnaadaan dalka muddo laba casho ah oo ay kaga baaraan-dagayaan qaabka ay u howlgalayaan ciidammada Ugandese-ka ah.

 

 

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in wafdigaan ay sidoo kale hordhac u yihiin kooxo ka socda Midowga Afrika oo u kuurgalaya goobaha kale ee la geyn karo ciidammo ay ku deeqeen dalalka Burundi iyo Malawi oo iyagana la keenayo Soomaaliya dhawaan.

 

 

 

Sidoo kale wafdigaan ayaa waxaa la socday diyaarad nooca xamuulka ah oo ay leeyihiin Ciidammada Mareykanka, taasoo la sheegay inay keentay sahayda askarta Ugandese-ka ah ay isticmaali doonaan oo la keenayo Soomaaliya.

 

 

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Saraakiil Ugandhees ah oo soo gaaray Muqdisho.

 

Muqdisho, Isniin, March 5, 2007 Simba Radio

 

Saraakiil Milatari oo ka socota dalka Uganda ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia , iyaga oo diyaarinaya imaatinka ciidamada dalkaasi oo magalaada kusoo wajahan.

 

Wakaaladda Wararka ee AP, ayaa qortay in maalintii shalay Magaalada Muqdisho ay soo gaareen dhowr ka tirsan Saraakiisha Milatariga dlaka Uganda , si ay u diyaariyaan imaatinka kun askari oo Uganda ka socda oo Magaalada kusoo wajahan, sida uu sheegay duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Cadde Gaaboow.

 

Dowlada Uganda waa ay diiday inay sheegto waqtiga rasmiga ah oo ciidamadeeda ay imanayaan dalka Somalia , laakiin waxa ay tiri in ciidamada ay kasoo dhaqaaqeen dalkooda ayna kusoo wajahan yihiin Somalia .

 

Cadde, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in dadka degan magaalada caasimadda ah ay soo dhoweyn doonaan imaatinka ciidamadaasi, sababtuna ay tahay ayada oo qaati laga taagan yahay qaraxyo iyo dhibaatooyin kale.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay in Maxamed Foum oo ah wakiilka Midowga Afrika ee Somalia uu joogo Magaalada caasimadda ah.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by General Duke:

^^^Ah total victory for the TFG & Somalia is close, for whe ever you speak things go well for the government and people.

18 gaari iyo baqbaq cidlo ah mooyee, wax kale miyaad soo kordhisay!

 

Kaaga daran, wali gacantii Amxaarka ayaad hoos fadhidaa, caku iyo doqon!

 

You can only win by killing more and more of us, nothing less can bring you a victory, if victory is what you want!

 

Plus, we are there, including Cali-saciidka aa sheegtay oo aan aad u aqaan, to overturn your foreign government and God-willing it will happen and we are ever more determined in this case!

 

CM dowlad ma noqon karo, I say it!

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL THIS IS GETTING FUNNY,,, BAAHANE IT SEEMS THE AMXAARO ARE GONNA STAY PLUS MRE AU TROOPS ON THE WAY 2,,, SO MY Q IS IF U COULDNT DEAL WITH THE AMXARO HOW ARE U GONNA FACE THE WELL TRAINED AU CAMANDOS??????????? MISE DEE WAAD ISKA BAROORAN EE MIISHA WAXBA KUMA HAYSID

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this