Sign in to follow this  
Sabriye amp co.

A UN convoy Lands in Galkacyo for Talks with Galmudug State Officials

Recommended Posts

A UN convoy Lands in Galkacyo for Talks with Galmudug State Officials....

-------------

UN.JPG Vs n10952601644_6493.jpg

 

 

Wafdi ka socda Qaramda Midoobay oo Kulamo looga hadlayo Amaanka Maanta kula qaatay Gaalkacyo Mamulka Galmudug ee Koofurta Gaalkacyo.

Posted: 10/24/2009 4:10:00 PM

Shabelle: GAALKACYO

 

Wafdi ka socda Qaramda Midoobay ayaa Kulamo looga hadlayo Amaanka Maanta kula qaatay Gaalkacyo Mamulka Galmudug ee Koofurta Magaalada Gaalkacyo.

 

 

 

Wafdi uu hogaaminayo ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Maak Bowdhar ayaa maanta soo gaaray Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug iyagoona kulan xasaasi ah la qaatay masuuliyiinta Maamulka Galmudug.

 

 

 

Kulankaani oo ka dhacay hoteenka MBC ee koofurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kaga hadleen arimi fara badan oo ay ka mid yihiin amaanka gobolka,abaarta ka jirta deegaanada hooyimaada Maamulka Galmudug iyo sidii ay xafiisyo uga furan lahaayeen Qaramada Midoobay deegaanada hoostaga Maamulka Galmudug.

 

 

 

Kulankaani oo aha mid xasaasi ah islamarkaana diiradda lagu saaray amanka guud ee gobolka oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen falal kam ah oo lagu dilayay masuuliyiinta Maamulka Galmudug iyo Puntland.

 

 

 

Ugu horeyntii waxaa kulanka ka hadlay gudoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Xasan Faarax Barre isagoona marka hore u mahad celiyay wafdiga ka socda Qaramada Midoobay,waxaana uu xusay in amaanka Magaalada Gaalkacyo uu yahay mid la isku haleyn karo.

 

 

 

Axmad Baasto oo ah Afhayeenka Maamulka Galmudug ee uu horkacayo Madaxweyne Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa waxaa uu qaramada Midoobay u balan qaaday in ay damaanad qaadayaan hay’adaha qaramada Midoobay ee xafiisyada ka furanaya Maamulka Galmudug.

 

 

 

Ugu dambeyntii ayaa waxaa masraxa lagu soo dhaweyay ku xigeenka ergayga gaarga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Maak Bowdhan waxaana uu sheegay in kulankaani uu ahaa mid ay ku xaqiijinayaan amaanka guud ee koofurta Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug isagoo tilmaamay in biliha soo socda ay Xafiisyo ka furi doonaan maamulka Galmudug islamarkaana ay safaro ku soo kala bixin doonaan degmooyinka iyo tuulooyinka Maamulka hoostaga.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this