Sign in to follow this  
General Duke

In the bushes: Looters at each others throats- INDACADE latest

Recommended Posts

Indha-Cade oo laga eryay xarakaadka dhalinyarada Al-Shabaab

 

 

indhacadoow.jpg

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 05-Janaayo-2008

 

Bayaan ey soo saareen xarakaadka dhalinyarada Al-Shabaab ayaa waxaa lagu cadeeyay in shaqsiga Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cade laga eryay ururkaasi, islamarkaana wixii hada ka danbeeya uunan sheegan karin ka mid ahaanshaha ururkan.

 

Bayaankan lagu cadeynayo hadalkan ayaa waxa uu kusoo baxay bogga internetka ee ey leeyihiin kooxda Al-shabaab, waxaana ey kooxdu cadeysay in shaqsigan uu yahay masuul ka tirsan ururka dib u xoreynta Somaliya islamarkaana hadaladiisa ku aadan sheegashada Al-shabaab ey yihiin kuwo been abuur ah.

 

Xarakaadkan dhalinyarada ayaa sidoo kale u cadeeyay dhamaan Muslimiinta inaysan sheegan karin howlgalladooda kuna hadli karin magacooda iyo mas'uuliyaddooda cid ka tirsan Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya ee dhawaan lagu aas-aasay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

 

Dhowr jeer ayaa waxa uu ka hadlay warbaahinta Yuusuf Indha-cade isagoo huwan magaca kooxda Al-Shabaab ee dagaalada kula jira magaalada Muqdisho ciidamada Itobia iyo kuwa dowlada federalka, isagoo sheegtay in uu ka yahay ururkaas hogaan sare.

 

Waxay sidoo kale horay usoo saareen xarakaadka Al-shabaab bayaan ey ku diidayaan kooxda Asmara ee la baxday Ururka Dib u Xoreynta Somaliya.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khilaafka soo kala dhex galay kooxaha argagixisada oo gaaray ilaa heer ay internet-yada warar iskasoo horjeeda isugu qoraan.

 

War lagusoo daabacay shabakada kooxda argagixisada Soomaaliya ee Al Shabaab ayaa waxaa laga dha dhan san karayaa in uu jiro khilaaf aad u daran oo soo kala dhex galay kooxdan iyo koox kale oo argagixiso ah horayna u sheegan jirtay maxkamado Islaami ah,laakin ku xiran gaalada sida dadban islaamka u marin habaabiya.

 

War lagusoo daabacay shabakada kooxda argagixisada Soomaaliya ee Al Shabaab ayaa waxaa laga dha dhan san karayaa in uu jiro khilaaf aad u daran oo soo kala dhex galay kooxdan iyo koox kale oo argagixiso ah horayna u sheegan jirtay maxkamado Islaami ah,laakin ku xiran gaalada sida dadban islaamka u marin habaabiya.

 

Hadalkan ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa ,iyadoo jaalle indhacadde uu sheegtay in uu yahay Al Shabaab masuul ka tirsan.

 

Kooxda argagxisada ee Shabaabka sheegata ayaa bayaan ay maanta soo saartay waxaa ay ku sheegtay in Jaalle Indhacadde oo ah ninkii horay xaaraanta ugu qabsaday gobal dhan iyo dadkiisii aanu ka mid ahayn iyaga,oo uu ku been abuurtay,waxaana bayaanka ay maanta webkooda soo dhigeen uu u qoran yahay Sidan:

 

Sida aad wada ogtihiin horay ayey Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin u caddeysay mowqifkeeda ku aadan ururka qowmiga ah ee la magac baxay Dib u xureynta soomaaliya.

 

Waxayna ay ka soo saartay bayaan cad oo ay ku qaadaceyso shirkii (Islaami Calmaaniga) ahaa ee lagu qabtay magaalada Asmara .

 

Hadaba Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidin waxaa ay dhamaan Muslimiinta u caddeyneysaa inaysan sheegan karin howlgalladeeda kuna hadli karin mas'uuliyaddeeda cid ka tirsan Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya.

 

Waxaa soo noq noqday warbaahinta qeybaheeda kala duwana laga maqlay in Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) - oo ah mas'uul ka tirsan Ururka Dib u Xoreynta Soomaaliya - uu sheegtay inuu ka midyahay mas'uuliinta Xarakada Al-Shabaab Al-Mujaahidiin, Arintaas oo xarakada ay Caddeyneyso inaanay waxba ka jirin oo ay tahay Been abuurad aan la garaneyn ujeedka laga leeyahay.

 

Hadii aad rabto in aan aragto boga uu bayaankani kaga qoran yahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this