Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

Arab-league-Office opened in Jowhar before the AL delegation was about to leave...

Recommended Posts

Xafiis Ay Leedahay Jaamacada Carabta Oo Laga Furay Magaalada Xarunta Kmg U Ah Dowlada Dhexe Ee Magaalada Jowhar

S

omaliweyn - Jowhar--Somalia - 10/11/05

 

Mudo laba maalmood ah oo uu shir u socday xukuumada FKMG Somalia iyo Jaamacada Carabta ayaa waxaa kasoo baxay qodobo dhowr ah hadaba shirarkaasi ka dib waxaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Jowhar wasiirka arimaha dibada Dfkmg ah Prof. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil iyo Samiir Xusni oo ah ninka hogaaminayo wafdiga jaamacada Carabta.

 

Sh_ismaacil_Samiir_Xusni.jpg

Shirkaasi jaraa’id ayaa waxaa ka wada hadlay labadaasi masuul iyagoo kukala hadlayey luqada soomaaliga iyo afka carabiga iyadoo wasirka arimaha dibada oo afka soomaaliga ku hadlayey uu sheegay in qodobo dhowr ah lagu heshiiyey.

 

 

Prof. Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil ayaa sheegay in xafiis ay ka furanayso jaamacada carabta magaalada Jowhar oo fariisan kmg u ah dowlada fkmg ah ee Somalia.

 

Prof. Ismaaciil ayaa tibaaxay in jaamacada Carabta ay diyaar u tahay sidii ay dowlada soomaaliyeed u taageeri lahayd waxna ugu qaban lahayd sidii dalka dib loogu dhisi lahaa.

 

Samiir Xusni oo wafidgaani horkacayey ayaa su’aal la weeydiyey ahayd goormee ayaad ka furanaysaan xafiiskaan?

 

Isagoo ka jawaabayana waxa uu yiri in ay Magaalada Jowhar u yimaadeen in ay ugu weyn tahay sidii ay xafiis ugu furan lahaayeen isla maantaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this