Sign in to follow this  
Jacaylbaro

A/Rahman Tuur's First Speech on the 18th of May 1991 .... Allah Yarhamuh

Recommended Posts

“Sidaa uu idiin sheegay Mujaahid Ibraahim Meygaag Samatar galabta oo Burco la Joogo waxa uu golaha dhexe ee SNM go’aansaday in waqooyigu gooni isu taago oo uu samaysto dawlada madax banaan. Taasina ma aha wax ku kooban golaha dhexe ee waxa uu ka turjumayaa dareenka dadka ku nool Waqooyiga, waanad la socoteen shirarkii u socday dadka waqooyiga.

Ummaddii way shirtay waxaanay gaadheen tallooyin waaweyn, Golaha dhexe ee SNM wuxuu isku raacay in waqooyigu gooni isu taago taas macnaheedu maaha in colaad cadaawe iyo calool xumo ay jirayso koonfur iyo waqooyi, waxaanu annagu diyaar u nahay maamulka Golaha Dhexe iyo ummadda waqooyiga ku nool in walaalahayaga koonfureed la yeelano cilaaqaad wanaagsan oo walaaltinimo ah oo wax tar leh oo danahooda guud ahaaneed ka wada hadli kara.

Annaga oo ah laba dal oo labaduba madaxbanaanyihiin iyada oo ay dantu ku kalifayso inay wax badan iska kaashadaan iyaga iyo dawladaha kale ee aanu jaarka nahayba. Sidaas ayaanu annagu jecelnahay waxaanuna ka rajaynaynaa walaalahayaga koonfurta inay iyaguna sidaa u arki doonaan taas oo aan iyagana waxa dhibaato ah u lahayn, waxaan Eebe ka rajaynayaa in uu go’aankani noqdo mid waara.”

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this