Sign in to follow this  
General Duke

123 killed in Wabxo

Recommended Posts

123 ku dhintay dagaalkii Wabxo

7 Jun 7, 2009 - 8:13:52 AM

 

Hay'ada Elman oo ka mid ah hay'adaha xuquuqda aadanaha ka shaqeeya ee saldhiga ku leh Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah baahisay in dagaalkii guriceel ay ku dhinteen 123-qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay.

 

War qoraal ah oo ay hay'adan kasoo saartay Muqdisho ayay ku sheegeen in 120 ka mid ah dadka ku dhintay dagaalkii Wabxo ay ahaayeen maleeshiyooyinkii u dagaalamayay dhinacyada Islaamiyiinta ah.

 

Sidoo kale hay'adu waxay sheegtay in dhaawacyada dagaalka ka dhashay ay intaan ka badan yihiin, lana gaarsiiyay Isbitaalada Guriceel iyo Ceelbuur, balse warbixinteeda kuma faahfaahin in dagaalka ay saraakiil ku dhinteen iyo in kale.

 

Gudoomiye ku xigeenka hay'ada Cali Sh. Yaasiin [Fadhaa] ayaa warbixintan ku sheegay inay ka heleen hay'ado ka howlgala gobolada dhexe oo iyaga la shaqeeya, kuwaas oo uusan magacyadooda carabka ku dhufan.

 

Dhaqaatiirta Isbitaalada Istarliin ee degmada Guriceel iyo Isbitaalka Ceelbuur ayaa sheegay inay weli soo gaarayaan dhaawacyo isbitaaladaas, kuwaasoo ku dhaawacmay dagaaladii u dhexeeyay islaamiyiintii ku hardamay Wabxo.

 

Deegaanka Waxbo ayaa waxaa hada gacanta ku haya kooxda Al-shabaab oo kaashanaysa kooxda Xisbul Islam, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo ciidan oo labada dhinac ay wadaan, kuwaasoo u muuqda inay dagaalo cusub dhexmari karaan.

 

Saraakiil u hadlay labada dhinac ayaa xaqiijiyay in dagaalkii ka dhacay Wabxo uu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay abid galaan, waxaana dhinac walba uu gaarkiis u sheegtay inuu tiro badan ka dilay dhinaca kale.

 

Dagaalkii ka dhacay Guriceel ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee maalin keilya ka dhaca deegaano ka tirsan Gobolada dhexe ee Somalia, waxaana dagaaladii horay u dhexmaray labadan dhinac ku dhintay dad fara badan.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wabxo oo la Isku Baaba'y Dagaalkeeduna Jaahili u Muuqdo

 

Kooxaha ahlu sunna iyo shabaabka/xisbul islaam ayaa maalmihii ugu danbeeyey dagaallo soo laalaabtay ay ku dhex mareen kooxa diineedka halkaasi isku hayey iyadoo taasina geeri aad u fara badan oo la garan la' yahay ahimayadda istaraatiijiyadeed ee dagaankaasi u yeeshay kooxaha is haya ilee geeridu xad dhaaf noqoto.

 

Dagaallada Wabxo ka dhacay kama aysan dhicin magaalooyin kale oo ka waaweyn ama ka ahamiyad weyn dagaanka wabxo wuxuuse u muuqdaa dagaalka halkaasi kusoo noqnoqday mid san ka taabad ah iyo raganimo iskugu faan iyo magac u dagaal ee uusan ku qotomin ahamiyadda degaankaasu leyahay.

 

Jaahilayadii ayaa carabtu dagaallo lagu hoobto u gali jireen waxyaalo aan nuxur badanyn balse magac uun loo dhimanayo. Haatan waxaa la fahmi la' yahay waxa kooxo diimeedku degaankaa duurka ah ee aan istaatiijiga ahayn iskugu dilayaan gaar ahaanna shabaab iyo xsibul islaam oo iyagu goobo kale oo ka muhiimsan wabxo dagaal kaga jira.

 

Waxaad moodda in xisbiga iyo shabaab ka dagaallamayaan oo qura suufiya ayaa jabisay inaysan u suuq galin balse aysan jirin ahamiyad kale ee degaankaasu leeyahay oo ay ugu mitidaan. Dagaalka wabxo ayaa ka duwan kuwa goobaha kale ka dhaca oo u muuqda mid labada dhinacba mitidnimo muujinayaan oo taasi ay keenot geeri farabadan halka dagaalladii ka dhacay Jowhar iyo Dharkanlay oo ka muhimsan Wabxo aysan keenin in sidaa loogu mitido ama loogu dhammaado.

 

Dagaalladan sokeeye ee wadaadadu hor boodayaan ayaa wax laga naxo noqday sumcadii culimadana dhulka ku jiiday iyadoo ay ahayd lana huri doonin in wixi tartan siyaasadeed ama fikradeed lagu raadiyo codka shacabka oo doorashooyin loo soo galo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this