Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: EU envoy meets President Yusuf

Recommended Posts

Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Ergayga Midowga Yurub uqaabilsan Soomaaliya.

5. juli 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dawlada Faderaalka ee Soomaaliya Md.C/laahi Yuusuf Axmed ayaa wuxuu lakulmay Ergayga Midowga Yurub uqaabilsan Arimaha Soomaaliya.

 

Kulankaan ayaa waxaa lasheegay in looga wada hadlay taageerada Midowga Yurub siinayo dawlada Soomaaliya iyo sidii wada Shaqeyn Joogto ah ay yeesheen dawlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

 

Inkastoo Shirkan aan Saxaafada loo ogolaan, ayaa hadana warar ku dhow dhow Villa Soomaaliya waxa ay ku tibaaxayaan in wafdiga ka socda Midowga Yurub ay Madaxweynaha kala hadlayaan arimaha amaanka ee ka socda Soomaaliya iyo qaabka ay dawladu ula dhaqanto dadka loo qab-qabto tuhumada la xiriira amni darada.

 

Midowga Yurub ayaa waxaa lasheegay in ay dhaqaale ugu deeqeen shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed oo Muqdisho ka dhacaya 15-July, waxaana sidoo kale la filayaa in ay wafdigan lakulmaan gudoomiyaha gudiga qaban qaabada Shirka dibu heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed.

 

Ergaygan ayaa dhawaan lasoo magacaabay xilkan ,waxaana haatan uu wadaa sidii hawshii u gudan lahaa ,ayadoo Midowga Yurub ku baaqay in shirka dhawaan la qabto.

 

Kulankaan ayaa waxaa lafilayaa in layskula soo qaado,sidii amaan loogu soo dabaalihaa caasumada Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Shirkan dhexmaraya Madaxweynaha dawlada Soomaaliya iyo Ergayga Cusub ee Midowga Yurub usoo magacaabay Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo aaday,ayadoo magaalada Muqdisho ay ka socdaan hawlgallo baaxad leh oo ay wadaan Ciidamada dawlada Soomaaliya.

 

Faarax C/qaadir Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this