Sign in to follow this  
Gabbal

Indepth reporting of all that transpired in the Lower Jubba region to this minute.

Recommended Posts

Gabbal   

Wararkii Ugu Dambeeyey Iyo Dagaaladii Kismaayo

Jun 22,2007

byKismaayo-GEDO-NN

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayna ka qayb qaateen tiradii ugu badnayn ee maleshiyooyin dagaal uu ku dhexmaro magaalada kismaayo muddo ka badan 7 sanadood ayaa waxaa uu ka dhacay xoogiisa degaanka Luglow iyo kooxo ayaguna taagersanaa Col.Afgaduud oo doonayay inay dhabarjibin ka sameeyaan magaalada Kismaayo.

 

Iska horimaadkii ugu horeeyay waxaa uu ka dhacay Luglow halkaas oo Ciidamada labada dhinac ee Beelaha **** iyo kablalax ay isku horfadhiyeen maalmihii ugu dambeeyay. Dagalkaan oo ahaa kan ugu Culus waxaa la isu adeegsaday hubka Noocyadisia kala duwan waxaana uu soconayay Muddo ka badan 3 saacadood iyadoo maleeshiyooyinka dagaalamayayna ay weeraro xoogan iyo Rogaal Celin isku qaadayeen. Ciidamadii Kismaayo ku sugnaan ee Beesha **** ayaa ku guulaystay in ay ka itaal roonaadaan dhinacii kale oo ugu dambayntii ay ka qabsadeen saldhigoodii Buulagaduud iyo tiro baabuurta dagaalka oo ay maleeshiyooyinku ku faltamayeen.

 

Waxaan arkay 7 qof oo Mayd ah iyo dhaawaca 11 kale oo labada dhinac, halka ay tiro badnaayen maleeshiyooyinka is dhiibaya e inta qoriga laga qaato la iska sii daynayo. Ciidamada guusha gaaray ma aysan istaagin ilaa magaalada wabiga uu maro ee Kamsuuna halkaas oo ay ka heleen warka sheegaya in kismaayo uu dagaal goosgoos ka socdo ayna weerar ku qaadeen xurumaha muhiimka ah ee Magaalada maleeshiyooyinka Beesha kablalax oo dhabar jabin loogu diray saaka gudaha Kismaayo iyo kwa kale oo sii joogay kismaayo o ka mid ahaa dadka caadiga ah.

 

Dagalkaan kismaayo ka dhacay waxaa uu ahaa mid cuslaa oo daka cabsi ku abuuray waxaana ay maleeshiyooyinku isku dayeen inay qabsadeen xarumo muhiim ah tan iyo intii ay kismaayo ka gaarayeen gurmadyada Buulagaduud oo ku guulaystay in magaalada ka saaraan oo intoodii badan la qabtay.

 

Inta la ogsoon yahay shan qof ayaa ku dhimatay dagaalkaan 9 kalena waa ay ku dhaawacantaya iyadoo la soo sheegayo xaafado la geeyay dhaawacyo oo ka isku dayayo in laga soo bixiyo. Haatan xaalada kismaayo waa ay degan tahay inkasta oo la maqlayo rasaas ay ridiyaan oo damaashaad ah, lamana oga in falal ka dhan ah ammaanka gaysanayaan in in ay damaashaadayaan.

 

Afhayeenka Beesha **** Xasan Maxamed Cali( Dheere) ayaa sheegtay guul dagaal waxaana uu iska horimaadyada maanta uu ku tilmaamay mid ay wadada uga wareejiyeen waxa uu ugu yeeray Raggu uu Madaxawayanaha u soo magacaabay maamulka J/hoose oo isu badalay hayb qabiil ka dibna bilaabay in ay musaafiriinta dilaan ama dhacaan. Iima suurtaglin in aan xog ka helo dhinaca kale waxaana ugu wacan khadka taleefanka oo ay adagtahay in lagu wada xariiro iyo iyagoo ka tagay halkii ay ku suganaayeen.

 

GEDO-NN-Kismaayo-News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Allamagan:

Horn, you want to give Duke & Emperor a heartattack, don't you?
:D

Today them, tomorow would be you. Somalis never learn!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this