Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Siilaayo's Press Conference in Nairobi

Recommended Posts

NAIROBI ( Qarannews) Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ) ayaa shalay ku shir jaraa'id ku qabtay guriga nabada Kenya lagu yagleelay ahna hotelka weyn Sarena Hotel.

 

Waxa uu Axmed-siilaanyo shirkaa jaraa'id kaga hadlay lakulankii uu la qaatay wakiilka gaarka ah ee Qaramada midoobey u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Somaliland Mr Ahmedou Walad Abdalla . Waxa uu Guddoomiyuhu sheegay waxyaabaha waxaanu ka xusay inay isala soo qaadeen Arrimaha diiwaangalinta iyo doorashooyinka Somaliland, waxaanu Axmed-Siilaanyo caddeeyey inay wakiilka isla garteen sidii wada shaqyn looga yeelan lahaa hawlahaasi doorasho ee kusoo fool leh Somaliland si ay u dhacdo doorasho Xor iyo Xalaal ah.

 

Shirka jaraa'id ee uu Guddoomiyaha Kulmiye Axmed-siilaanyo ku qabtay Kenya ayaa ahaa mid aad loogu soo dhaweeyey xamaasad faro badanina ka muuqatay. Waxaana ugu horreyn furay Shirka jaraa'id kusimaha Gudoomiyaha dhalinyarada Somaliland Maxamed Cabdilaahi, inkastoo Gudoomiyaha jaaliyada Somaliland ee Kenya Mr Ahmed Yusuf Ducale uu wakhtigan booqasho ku joogo dhulkii hooyo ee Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa.

 

Haddaba guddoomiye kuxigeenka dhalin yarada ayaa hadal kooban halkaasi ka jeediyey, waxaanu kaga warramay hawlaha ururka iyo waxyaabaha dhallinta looga baahanayahay iyo siday xisbiga Kulmiye gacmo furan ugu soo dhaweeyeen. Intaasi kaddib waxaa halkaasi ka hadlay oo sacab lagu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamuud Siilaanyo, markii uu hadalkiisa intiisa ugu muhiimsanayd oo aynu sare ku soo sheegnay halkaasi ka jeediyey ayaa waxaa lagu boobay su'aalo kuwaasoo ay ka mid ahaayeen su'aalaha la wadiiyey :

 

Su'aal: Guddoomiye Siilaanyo ma laga yaabaa in sannadkan aad ku guulaysataan doorashada ? su'aashan oo dadku aad u dhoola cadeeyeen ayaa waxa waydiiyey Wariye ka socday HORN CABLE TV.

 

Jawaab: (C/raxmaan C/qaadir oo ah guddoomiye ku-xigeenka 2aaad ) ayaa ka jawaabay su'aashani waxaanu yidhi, Haa, guul weyn ayaanu rajaynaynaa.

 

Su'aal: Madaxdii Kenyaanku markay olalaha doorashada wadeen waxay jiilkoodii waxbarasho u ballan qaadeen in bilaash looga dhigi doona waxbarashada, ee idinkuna haddaad tihiin KULMIYE maxaad jiilka waxbarasho u ballan qaadaysaan ?

 

Jawaab: Manapoliga ayaan cidhibtiraynaa iyo waliba musuqmaasuqa ragaadiyey.

 

Su'aal: Haddii shirkadihii shisheeye hanan kari waayeen inay dhisaan warshaddii sibidhka, oo ganacsatada dalkuna hawshaasi awood u leeyihiin maxay dawladdu fasax u siin wayday si hawshii qaranka aanu albaabkiisu uga xidhnaan, idinkuse haddaad tihiin KULMIYE maxaad dawladda waxa ka dhiman aad ugu sheegi waydeen uguna caqli celin waydeen taageero iyo gacan buuxdana ugu siin wayden ?

 

Jawaab: Su'aashan oo guddoomiyaha Kulmiye Axmed-Siilaanyo si toos ah uga jawaabay ayaa waxa uu yidhi " Haddii dawaladda aan talo u soo jeedino maba dhagaysato, danta guudna isku si ayaan u waajahnaa, waanan ku taageernaa waxii fiican ee ay dawladdu qabato, imik oo aan dalkan nimidna waxii arrimo daakhiliya kamaanaan hadal." Waxaa intaasi hadal kusii lifaaqay oo ku ladhay Guddoomiyaha kuxigeenka 2aad ee xisbiga KULKMIYE Mr C/raxmaan C/qaadir waxaanu yidhi "annaga xisbi ahaan waa lanagu diraa dalalka shisheeye, laakiin annagu ku diri mayno waa dawladdayadii, waayo waxaan wax u raadinaynaa waa shacabka Somaliland sidii ay horumr la hanan karo oo la taaban karo u gaadhaan.

 

Su'aal: Wariye ka tirsan STAR FM ayaa su'aal waydiiyey waxaanay su'aashu ahayd, Haddaad doorashada ku guulaysataan maxaad ka qabanaysaan Gobolka ********iya?

 

Jawaab: Waxaan dawladda ka midaysannahay ilaalinta nabadgalyada iyo danta guud, laakiin waxii xad gudub xuquuqda Aadamaha ah ma ogolaan doono, waxaana nagu waajiba in aan xaq dhawrno shuruucda caalamiga ah, dalalka jaarka aanu nahayna dhib lama rabno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this