Sign in to follow this  
Som@li

Afartii Qareen Ee U Doodayey Samsam Oo Xabsiga Laga Siidaayey

Recommended Posts

Som@li   

Afartii Qareen Ee U Doodayey Samsam Oo Xabsiga Laga Siidaayey

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 11 December, 2004

 

 

zamsam.jpg -------------------------------------------------

 

Afar looyar oo u doodayey gabadha reer Boosaaso ee Samsam Axmed Ducaale, ayaa maanta xabsiga laga siidaayey.

Afarta Qareen oo kala ah: Yuusuf Ismaaciil Cali, Maxamed Siciid Xirsi, Fowsi Aw Yoonis iyo Cabdiraxmaan Ibraahim Caalin waxa xabsiga loo taxaabay 24/11/2004 kadib markii guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukumay afarta looyar midkiiba saddex (3) sanadood oo xadhig ah; taas oo ka dambeysey muran iyo is-maandhaaf ku dhexmaray Garsooraha iyo Afarta Looyar maxkamadda gudaheeda oo ay maalintaas ka socotey dhegeysiga dacwadda ay qareennada ka ahaayeen.

 

Hase yeeshee, Qareenadu waxay xukunka maxkamadda gobolka ka qaateen racfaan. Waxaana markii u horreysey saaka la horgeeyey maxkamadda Racfaanka ee Hargeysa, halkaas oo maxkamaddu kaga dhawaaqday go’aan ay ka gaadhey kiiska afarta Qareen, kadib dib-u-eegis ay ku samaysay xukunkii Maxkamadda Gobolku ku riddey qareenada.

 

Maxkamadda Racfaanku waxay ku xukuntay Afarta Qareen midkiiba hal sano oo xadhig ah, iyada oo khafiifisay xukunkii maxkamadda Gobolka Hargeysa oo ahaa midkiiba Saddex sannadood oo xadhig ah.

 

Xaakimka maxkamadda ee go’aankaas ku dhawaaqay, Garsoore, Maxamuud Maxamed Ismaaciil, waxa uu intaa ku daray in sida sharcigu dhigayo loo iibin karo xadhiggaas.

 

Waxaana la sheegay in isla markiiba qareenada loo iibiyey sannadkii xadhigga ahaa ee lagu xukumay, iyada oo ururka Qareennadu uu bixiyey lacagta loogu beddelay xabsiga oo dhan Sannadkii xadhig ahba Sl. Shs. 500,000 (Shan boqol oo kun oo Somaliland Shilings ah), una dhiganta $ 84 (Afar iyo Siddeetan doolar) midkiiba.

 

Mid ka mid ah Afarta qareen, Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi oo aan telefoon kula xidhiidhay kadib markii maanta la siidaayey ayaa muujiyey in aanay weli ku qanacsanayn go’aanka maxkamadda.

 

"....Dad badan ayaa is waydiinaya waxaa aamusiyay reer hargaysa oo aad u yaqaan dhibaatada duliga u leeyahay, samsam waa shabad ceebeed oo kutaal wajiyada reer hargaysa oo aan ka haridoonin mustaqbalka, waxaa xusi doonta arinta samsam taariikhda oo waliba waxa laga qori doonaa buug badan si aan loogu dhiiran mardanbe in birimigaydo lagu faraxumeyo geyiga somaaliyeed oo dhan...."

Sharma'arke C/risaaq Cilmi.

 

Balse, waxa uu sheegay in waxa ay iminka yeelayaan iyo tallaabada ay qaadayaan aanay ahayn wax ay iyagu (afarta qareen) keliya ka jawaabi karaan, maadaama aanu ka tirsan nahay ayuu yidhi ururka Qareennada. Waxana uu sheegay in ururka Qareennadu ka kulmi doono arrinta, talona ka gaadhi doono.

 

Dhinaca kalena, gabadha ay Afarta Qareen difaacayeen, Samsam Axmed Ducaale oo lagu eedeeyey basaasnimo iyo inay qayb ka qaadanaysey shirqool loo maleegayey madaxda sare ee qaranka ayaa loo ballansanaa maanta in maxkamadda Gobolka la horkeeno, dacwaddeedana ay go’aan ka soo saarto.

 

Hase yeeshee, lama horkeenin maanta, waxaana la sheegay in dib loo dhigay, iyada oo maxkamadda laga sugayo inay go’aan ka gaadho dacwaddaas, kadib markii maxkamaddu soo gebagebaysey dhegeysiga labada dhinac toddobaadkii hore.

 

Cabdirisaaq M. Dubad, Hargeysa.

ISHA: Somalailand.org

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this