Sign in to follow this  
Maaddeey

TFG harassing journalists as fighting rages

Recommended Posts

Maaddeey   

cpj.gif

Wednesday, July 07, 2010

 

Somali government forces have been increasingly harassing independent journalists covering violent fighting in Mogadishu, the Committee to Protect Journalists said today.

 

Somali reporters targeted for their reporting included a New York Times correspondent and a CPJ International Press Freedom Award winner, while nine other journalists were injured this week while reporting during deadly clashes between government troops and Islamist rebels, according to news reports and CPJ interviews.

 

On Thursday, police detained award-winning journalist Mustafa Haji Abdinur and freelance cameraman Yusuf Jama Abdullahi for taking pictures of their colleague, Associated Press photojournalist Farah Abdi Warsame, who had been hit by crossfire, according to the National Union of Somali Journalists (NUSOJ). Officers at the Criminal Investigation Department interrogated the journalists for several hours and forced them to delete their photographs, Abdinur told CPJ. They were released without charge. Warsame was rushed to Medina Hospital for shrapnel wounds in his hand and back, and is now recovering at home, according to NUSOJ.

 

Last week, New York Times correspondent Mohammed Ibrahim fled the country following threats from government security forces, he told CPJ. Ibrahim had contributed reporting to a June 13 New York Times article, “Children Carry Guns for a U.S. Ally, Somalia,” concerning child soldiers within the government forces.

 

“The reaction of the Somali government to these very serious allegations is both frightening and typical,” said CPJ East Africa Consultant Tom Rhodes, who is based in Nairobi. “Instead of addressing this very serious issue, security forces are persecuting reporters. Journalists must be allowed to do their job.”

 

In response to the story, the deputy commander of the Somali military, Adbdulkarim Yusuf Adam, held a June 24 press conference in which he accused those involved in publishing the article of having ties with terrorist organizations, local journalists told CPJ. Adam also declared that all individuals involved—whether foreign or local—would be taken to court, according to the same sources. Government spokesman Abdi Kadir Walayo claimed the article had been fabricated in a June 29 Voice of America interview.

 

Ibrahim said he received a warning from a friend while at a local restaurant last week that security forces were coming to arrest him, and later heard that more than 20 police officers came to the restaurant after he left. The journalist went into hiding and fled the country on June 26.

 

The government's director of communications, Abdirashid Hashi, told CPJ that Ibrahim is “a good friend” and should contact him in order to settle the matter with the security forces.

 

Somalia is the most dangerous country in Africa to be a journalist, with 33 journalists killed since 1993. The most recent killing was in May, when gunmen shot Radio Mogadishu journalist Sheik Nur Mohamed Abkey outside his home in the capital.

 

Source: Committee to Protect Journalists (CPJ)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Dowladda Soomaaliya oo lagu eedeeyay in Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala goobaha ay maamusho ay ula dhaqanto si cadownimo leh

 

Arbaco, July 07, 2010 (HOL) − Hay'adda CPJ ee difaacda Suxufiyiinta Dunida ayaa ku eedeysay Dowladda Soomaailya inay dhibaatooyin kala duwan ku hayso suxufiyiinta madaxabaan ee ka howlgala goobaha ay gacanta ku hayso.

 

Warbixin ay soo saartay haya'dda Difaaca Xuquuqda Suxufiyiinta Caalamka (CPJ) ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay weerartay wariyaha Wargeyska New York Times ee Muqdisho, sidoo kalena ay xirtay wariyeyaal kale iyagoo ku gudo jira howlahooda saxaafadeed.

 

"Ciidamada Dowladdu waxay Khamiistii xabsiga dhigeen Wariye Mustafa Xaaji Cabinuur oo ka tirsan AFP iyo Wariye Yuusuf Jaamac C/llaahi oo ah sawirqaade madaxbanaan (Freelancer), xili ay ka qaadanayeen sawirro saaxiibkood Faarax Cabdi Warsame (Faarax AP) oo ay xabbad wiifto ah dhaawacday" ayaa lagu yiri warbixinta CPJ oo soo xiganaysay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

 

Wariyeyaashan ayay CPJ sheegtay inay u xirnaayeen ciidamada Nabadsugidda ayna hayeen muddo saacado ah, iyagoo ka tirtiray sawirradii ay soo qaateen goobihii dagaalka ee ay tageen, iyadoo Mustafa Xaaji C/nuur uu u sheegay CPJ inay lasii daayay saacado kaddib.

 

Dhaawaca Wariye Faarax Cabdi Warsame ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina si loogu daweeyo dhaawac kasoo gaaray dagaal todobaadkii hore Muqdisho ku dhexmarayay ciidamada Dowladda iyo kuwa Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

 

Wariyaha New York Times Maxamed Ibraahim oo Magaalada Nairobi kula kulmay CPJ ayaa sheegay inuu Muqdisho uga cararay hanjabaadyo kaga yimid Dowladda, kaddib markii ay dowladu ka caroortay War kusoo baxay wageyska oo ahaa in Xukuumaddu ay caruurta yaryar ay ka dhigato Askar --- "Children Carry Guns for a U.S. Ally, Somalia".

 

"Ciidamada Dowladda ayaan ka helay hanjabaad xili aan ku sugnaa Maqaayad ku taalla Muqdisho todobaadkii lasoo dhaafay, daqiiqado kaddib waxaana Maqaayadda soo galay Ciidamo iyo saraakiil ka tirsan Booliiska oo gaaraya 20-qof, saaxiibadey ayaa i qariyay sidaas ayaana dalka uga soo baxay 26-kii June ee lasoo dhaafay" ayuu yiri Ibraahim oo u waramayay CPJ.

 

Saraakiisha CPJ ayaa ku tilmaamay tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Soomaaliya kuwo mas'uuliyad xumo ah, isagoo ku tiolmaamay mid khatar ah, waxayna ugu baaqeen madaxda Dowladda inay joojiyaan dhibaateynta suxufiyiinta.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalka cusub ee Alshabaab iyo Xisbul Islam ku hayaan saxaafada madaxabanaan

 

Idaacadaha ku yaala qeybaba ay mucaaradka ka taliyaan ee magaalada Muqdisho ayaa joojiyey dhawaaqa musikada dhammaan, waxa kale oo hawada ka maqan idaacadaha BBCda oo laga dhageysaneen FMyadii qeybo badan oo Koonfurta Soomaaliya, casimadane ay ku jirto.

 

Xayiraadahaan cusub ayaa waxa soo rogey Alshabaab iyo Xisbul Islam oo sida muuqata doonayo "iney afka qabtaan xoriyadda saxaafadda" ee kajirtay Soomaaliya, gaar ahaan koofurta oo dagaalane ka socdeen.

 

Cabsi ayaa jirto oo la xiriirto iney dhacaan dilal lala eeganayo saxafiyinta ka howlgala deeganada ay ka taliyaan Alshabaab iyo Xisbul Islaam ama ay la wareegaan idaacado ku yaala Koonfurta sida ay horey ugu goodiyeen.

 

Cabsidaas waxa qaba inta badan ururada saxaafada ee ka shaqeyo wadanka Soomaaliya oo sheegayo in wariyaal horey loo diley markii ay booriyeen nabadda in la taagero ama ay kasoo horjeesteen iney buunbuuninayo warar kooxaha dagaalada ku baaqaya.

 

Dhawaaq cusub oo noocyada xayawanada ayaa lagu soo waramay iney idaacadaha ku badaleen astamihii musik ee isticmaali jireen, waxa kale oo soo daynayaan gabayo iyo baraanburo.

 

Idaacada codka Mareykanka ee VOAda oo xayireen Alshabaab iminka waxa dib looga dhageystaa Muqdisho iyo agagaraheeda, waxana soo daaya idaacada afka dowlada ku hadasha ee Radio Muqdisho balse idacada kale ee BBCda ayaa wali lagu jahwarersan yahay, lagana dhageysan koonfurta marka laga reebo mowjadaha gaagaban iyo barta Internetka.

 

Websiteyada Soomaalida oo hada ah kuwa ugu aaminaada badan ee laga helo wararka madaxa banaan ayaa noqonayo meel laga sii xog raadsado, hadii ay sii badato caburinta lagu hayo

 

Dadka indha indheeya xaaladaha saxaafada Soomaaliya ayaa sheegayo iney tani tijaabi u aheed af qabad cusub oo damacsan yihiin kooxaha mucaaradka iney ku sameyaan tafaftir idaacadaha ku yaala goobaha ay ka taliyaan.

 

Dowlada federaalka, hay’adaha gudaha ee saxafada iyo xuquuqda aadanaha u dooda iyo kuwa caalamka ayaa canbaareyno usoo jeediyey xanibadaha ay mucaaradka islaamiyinta kusoo rogeen saxaafada madaxa banaan.

 

Saxaafada Soomaaliya ayaa wixii ka danbeeyay la kulantay handadaado xoogan oo uga imanayay kooxaha Islaamiyinta ee dagaalada ku jira, kuwaas oo lagu eedeyo iney dileen wariyaal dhowr ah, qaar kale aya nafsadooda kala soo orday oo dalka Soomaaliya ka baxay.

 

Wixii ka danbeyay sanadkii 2000, Soomaaliya waxa ay heleysay madax banaani xagga xoriyadda, balse tan iyo markii ay soo baxeen isbaheysigii Maxkamadaha 2006dii ilaa hada oo kala jabeen saxafada ayaa u muuqataa mid sii liiceeysa.

 

Dadka magaalada Muqdisho ayaa dhageysta idaacadaha Radio Muqdisho oo afka dowlada ku hadasha iyo Barkulan oo afka AMISOM ku hadasha, labadaba waxa kasoo horjeestay in la dhageysto kooxaha Islaamiyinta oo ku goodiyey in qofkii ay ku helaan asigo dhageysanayo ay tilaabo ka qaadi doonaan.

 

Alshabaab oo wadamo badan oo caalamka ay ku dareen liiska ururada Argagixisada ayaa sheegatey iney xiriir la leehdahay Alqacida, halka kooxda Xisbul Islam ay sheegeen iney ku casuumayaan Somaliya wadadka la raad raadinayo ee Usama Bin Ladin.

 

Laba urur ee Alshabaab iyo XIsbul Islam oo dagaalo kala soo horjeeda Dowlada federaalka, ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo Culuma’udiinka Ahlusuna ayaa waxa gudahooda ku jiro guluf dagaal ee ay iskaga soo horjeedaan kaas oo ka dhacayo goboladda koofurta Soomaaliya.

 

[Qoraalka waala tifaftiray.]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this