Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: International political convention opens in Hargeysa PICS.

Recommended Posts

Shirweyne magaalada Hargeysa uga furmay Wakiillo ka socda Beesha Caalamka iyo Xukuumadda Somaliland

 

Talaado, 12 October, 2010 (HOL)- Masuuliyiin ka socda xukuumadda Somaliland iyo wakiilo metelaya dalalka qaadhaan-bixiyeyaasha, ayaa maanta Shir uga furmay magaalada Hargeysa.

 

 

 

Shirkan oo maanta ka furmay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa Wasiirka ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Maxamed Yoonis Cawaale oo kulankan ka warbixinayay waxa uu sheegay in ay labada dhinac ka wada hadlayaan hababka Somaliland looga caawin lahaa hanaankeeda dimuquraadiyadeed. Isla markaana Wasiirk-xigeenku wuxuu sheegay in kulankaasi uu soo dhawaynayo horumarin sii adkaynaysa xasiloonida gobolka ka jirta, sidoo kalena kabaysa sidii laysaga fogayn lahaa kooxaha sida Al-shabaab. “Shirkani wuxuu ku saabsan yahay qiimayn lagu samaynayo baahiyaadka yaala Somaliland. Waxa jiray weftiyo aad u badan oo ka imanayay beesha caalamka ilaa doorashooyinkii. Sidaa daraadeedna, iyadoo laga duulayo weftiaddaas, waxa soo baxday inuu dalku u baahan yahay sidii shir-weyne looga yeelan lahaa maalgelinta Somaliland. Markaa beesha caalamku waxay imanayaan dalkayaga, taas ayaana farxad noo ah.” Ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku sida lagu faafiyay VOA.

 

 

 

Mr Cawaale waxa uu sheegay in beesha caalamka ee maalgeliyeyaasha ahi ay qiimayn doonaan baahiyaadka Somaliland, isla markaana ay raadiyaan habab loo dardar-gelin lahaa dimuquradiyad adag oo gobolku yeesho. Isaga oo taas ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxay caawimo ka geysanaysaa dhinaca abuuritaanka shaqaalayn iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah (taasoo) keeni doonta sare u qaadista wax-soo-saarka dalka iyo dhismaha kobcinta adeegyada bulshada iyo sidoo kale dhismaha awoodda Hay’addaha Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Sidaa daraadee, waa wax aad ugu muhiim ah dalkayaga marka xaaladan la marayo.”

 

 

 

Khabiirro u dhuun-daloola arrimaha Somaliland, ayaa sheegay in xasiloonidii ka jirtay Somaliland ay jidka u xaadhay nidaamkii ay u dhaceen doorashooyinkii dhawaan dalka ka qabsoomay. Isla markaana waxay amaaneen in Guddiga Doorashooyinka Qaranku ay shaaca ka qaadeen inuu guulaystay hogaamiyihii Xisbiga Mucaaradka ahaa Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), kaasoo xilka kala wareegay Madaxweynihii markaa talada hayay ee Daahir Rayaale Kaahin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Photo News:Wafti ka kooban Deeq bixiyayaasha, suxufiyiin caaalami ah (The Guardian, AP, CNN, Aljazeera & others) Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa.Daawo Sawirada

posted by: Webmaster

 

Hargeysa /ToggaHerer Wafti ka kooban Deeq bixiyayaasha, suxufiyiin caaalami ah (The Guardian, AP, CNN, Aljazeera & others) Oo Maanta Soo Gaadhay Magaalada Hargeysa.

 

Weftigan ayaa markii ay dalka yimaadeen markiiba waxay booqdeen xarunta Jaamacada Hargeysa oo uu ku qaabilay Gudoomiyaha Jaamacada Hargeysa Prof Bulxan .

 

Sidoo kale, waxa ay weftigu booqdeen Xarunta Guurtida Iyo Wakiilada waxana halkaas ku qaabilay guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland iyo ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan C/laahi Cirro iyo Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale.

 

Waftiga Ayaa sidoo kale waxay Booqdeen Cusbitaalka guud ee Hargeysa, Cusbitaalka Qaaxada iyo Carwada Ganacsi ee shanaad ee ka socota xarunta ha’yada shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargeysa Xarunta Shirkada Isgaadhsiinta Telesom ee Suuqa Waaheen Xarunta Shirkada Dahab Shiil iyo Xarunta Dawlada Hoose ee Hargeysa..

 

 

 

 

 

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoQuraanReportsContact usBooqo Waraysiyada

All rights Reserved by (Shabakada wararka ee TogaHerer.com) Desingned by: Eng Cabdicasiis Haaruun Biixi

 

 

2-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Maxamed Cabdilaahi oo ka waramay shirka maanta uga furmay iyaga iyo deeqbixiyayaasha

posted by: Webmaster

 

 

Wasiirka arimaha Dibada Somaliland ayaa maanta Furay shir lagaga arinsanayo Horumarinta Somaliland maadama oo Somaliland ka gudbtay Heerkii Caawimooyinka .

 

Shirkan ayay ka soo qaybgalayaan deeq Bixiyayaasha Somaliland Noocyada shirarkan ayaa hore uga dhici Jiray Nirobi ..

 

Dhegysi Wacan Hadalka Wasiirka Arimaha Iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Md Maxamed C/laahi

 

 

 

 

HomeAbout usPhoto GalleryGabayoQuraanReportsContact usBooqo Waraysiyada

All rights Reserved by (Shabakada wararka ee TogaHerer.com) Desingned by: Eng Cabdicasiis Haaruun Biixi

Tiriye

 

 

http://www.togaherer.com/2010/10/12/wasiirka-arimaha-dibada-somaliland-maxamed-cabdilaaho-oo-ka-wara may-shirka-maanta-uga-furmay-iyaga-iyo-deeqbixiyayaasha/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waftigii Deeqbixiyeyaasha Caalimaga Ah oo Kormeer ku soo maray Carwada Shanaad ee Waxsoosaarka Dalka.

20101013060240.jpg

 

waftiga oo amaankooda aad loo adkeeyay ayaa kormeer ku soo maray Goobaha kala duwan ee shirkaddaha Ganacsiga... Daawo Sawiradda

 

Hargeisa(Gabiley News)-Wafti balaadhan oo ka koobnaa Deeqbiyeyaasha Caalamiga iyo Wariyeyaal caalimi ah ayaa saaka kormeer balaadhan ku soo maray Xarunta Carwada Shanaad ee Waxsoosaarka iyo Ganacsiga Somaliland, kuwaasi oo u kuurgalayay indho indhayna ku sameeyay sida uu Somaliland uga shaqeeyo ganacsiga xorta ah,

5079038166_b0acd3ffd7.jpg

waftiga oo amaankooda aad loo adkeeyay ayaa kormeer ku soo maray Goobaha kala duwan ee shirkaddaha Ganacsiga ku soo bandhigayeen Adeegyada iyo allaabaha ay iibinayaan, iyaga oo sharaxaad ka siinayay waxyaabaha cusub ee ay Carwada ku soo bandhigeen iyo Adeegyada kala duwan ee ay bulshada u fidiyaan.

5079037994_bd1c785a5a.jpg

Waftiga oo warbixino ka dhagaysay Maamullada Shirkaddaha Dahabshiil, Telesom, iyo Somtel ayaa Aad ula dhacay Adeegyada ay bixinayaan iyo Heerka ay gaadhsiisanyihiin, sida Adeega E-cash, Zaad, Vedio Conference iyo adeegyo kale oo Tirro badan.

5079037798_1456394846.jpg

Waftigan oo shalay soo gaadhay Dalka ayaa kormeerro kala duwan ku soo maray Xarumaha Shirkaddaha Ganacsiga Somaliland, Jaamacadda Hargeisa iyo Suuqyada Waawayn ee Caasimada Somaliland ee Hargeisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this