Sign in to follow this  
Cowke

Newly Reformed Puntland Buhoodle Council Promise Good Governance To Clan-Elders

Recommended Posts

Cowke   

cayn1.jpg

cayn2.jpg

 

Maamulka Cusub ee gobolka oo Kulan la qaatay Cuqaasha & waxgaradka Gobolka Cayn‏

 

Wednesday, 23 September 2009 15:27

 

Buuhoodle(Jidbaale): -Dhan ka kale waxaa hadalka lagu soo dhoweeyey duqa cusub ee degmada buuhoodle xuseen dacwi, kaasoo ka hadlay sida ugu haboon ee ay wada shaqayn karaan maamulkooda cusub iyo cushaqa deegaanku.

 

Xuseen dacwi ayaa sheegay in ay Ka go”an tahay shaqsi ahaantiisa ,in uu si daacadnimo leh ugu shaqeeyo bulshadiisa isagoo tilmaamay in uu aqoon dheerad ah u lee yahay xilkan loosoo magacaabay.

 

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay isuduwaha wasaarda arimaha gudaha gobolka cayn Barkhadle Warsame Cali , barkhadle ayaa ugu horayn u mahadceliyey sida wanaagsan ee ay uga soo qayb galeen cuqaashu shirkan ay ugu yeedhay maamulka gobolku sidoo kale barkhadle ayaa ka hadlay sidii loo ilaalin lahaa deegaanka iyadoo uu tilmamay in laga hortago dhirta la jarayo.

 

Intaasi kadib waxaa shirka ka hadlay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Dhigane, (Indhabuur) oo ah xildhibaan ka tirsan golaha sharci dejinta Dawlada Puntland xil dhibaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay, wada shaqynta maamulka iyo bulshada, isagoo tusaale u soo qatay maamuladii hore ee soo maray gobolka kuwaasoo oo sheegay caqabadaha is hortaagay in ay koow ka ahayd cuqaasha oo la shaqyn weydey.

 

Dhinaca kale waxaa hadalka loo weeciyey dhinaca cuqaasha oo ahaa garabka kale ee shirka, caaqil cabdiraxmaan axmed olol oo u hadlay dhinaca cuqaasha ayaa sheegay in maamulka ay lashaqayn doonaan cuqaashu, hadii uu mamaulku noqdo mid ay ka go’an tahay in uu daacadnimo ugu shaqeeyo shacabka isagoo sheegay in had iyo jeeraale ay dhici jirtey maamulka gobolka cayn in uu lunsado hantida shacabka iyo deeqaha ay hay’aduhu usoo dhiibvaan shacabka oo aan ku baaqan hay’aydaha iyo dawlada puntland midna balse ay noqdaan wax lasoo qaado kuwaasoo aan marna soo gaadhin shacabka, oo la lunsado waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

Caaqilka ayaa uga digey maamulkan cusub arimahaasi isagoo tilmamay in ay wax ka qaban doonaan shacabka ahan iyo cuqaal ahaanba aysana gacmaha ka laban doonin cidii danbe ee laga dugsado arimaha noocani ah.

 

Si kastay ahaataba kulankan oo ahaa kii ugu horeyey ee ay wada yeeshaan maamulka gobolka cayn iyo cuqaasha deegaanku ayaa kusoo dhamaaday jawi wanaagsan sidoo kale lama oga sida ay maaulka gobolka cayn u dhaqajindoonaan hawlaha horyaala iyo sida ay u fulindoonaan balan qaadyada badan ee ay sameeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Kulankii_Cayn.JPG

 

Xildhibaan%20saleebaa.JPG

 

Waxaa Maanta Magaalada Buuhoodle ee Xarunra gobolka Cayn kulan balaadhan kuyeeshay dhamaan Cuqaasha gobolka Cayn iyo Maamulka Cusub ee uu dhawaan Soo magacaabau madaxwaynaha dawlada puntland C/raxmaan Sh maxamed faroole Waxaana Maanta kulankaasi looga hadlayey Sidii gobolka Cyn looga hirgalinlahaa Nimaadka Cashuraha loona Qaadilahaa Waxaana Maanta Dood Dheer laga Yeeshay Qaabka ugu haboon ee Cashuur iyo Wax Soo Saar uu uyeelan lahaa gobolka Cayn

 

Ugu horay Waxaana halkaasi ka hadlay Gudoomiyey Kuxigeenka gobolka Cayn Maxamuu Sh Cumar oo Sheegay ka Maamul ahaa inay Diyaar u yihiin inay gobolka ka Hirgaliyaan Dhaqaajinta Cashuuraha loogana Baahan yahay Cuqaasha gobollka inay la shaqeeyaan maamulkoooda Cusub,Dhinaca kale Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Cayn Xariir maxamuud axmed ayaa sheegay inuu Waxbadan ka bedelidoono gobolka Cayn dhisanaya Dhamaan laamaha Kala duwan ee gobolka horumarkiisana ka shaqaynayo

 

Sidoo kale Waxaa isna Hadalkaasi la mid ah oo Halkaasi ka Soo Jeediyey Xilidhibaan saleebaan Yuusuf dhigane oo kamid ah golaha Baarlamaanka dawlada puntland Waxaana uu sheegay Xildhibaanku in looba baahan yahay bulshada cayn inay gobolka kooda horumariyaan.

 

Caaqi C/raxmaan axmed olol ayaa u hadlay Cuqaasha gobolka cayn ayaa sheegay inay la shaqaynayaa Maamulka Cusub ee gobolka Cayn Waxaana uu ku Booriyey madaxdan Cusub inaanay Noqon Siidii madaxdii hore

 

If you want to verify it through the radio also. Please visit here. http://www.allidamaa le.com/warka1710.htm

 

Puntland is heading towards good governance in each of the 7 regions within it's juristiction. This is a matter of advancing all our people for the future.

 

Good luck puntland. Excellent phd leadership at the top, and competent local leadership on the ground today. This will guarantee that much needed services reach the people when these two arms of government (local and state) work together in a hostile free and best practises environment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this