Sign in to follow this  
General Duke

Adan Cade international [Mogadishu] gets really busy after 17 years

Recommended Posts

Garoonka Muqdisho oo Mashquulsan

13 Dec 13, 2007 - 6:51:22 AM

 

Howlihii dulimaad iyo dagid ee diyaaradaha xamuulka iyo kuwa dadweynaha ayaa waxay yihiin kuwo aad u badan toddobaadkaan, waxaana dadka ka baxaya garoonka intooda badan ay yihiin kuwo u socda gudashada xajka sannadkaan.

 

Diyaarado badan oo ka tirsan kuwa xamuulka oo qaadaya hilibka xoolaha qalan iyo kuwa dadweyhnaha qaada ayaa waxay xilli walba si joogto ah uga soo dagayaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo garoonka uu yahay mid aad mashquul u ah tan iyo intii ay Dowladda Somalia la wareegtay gacan ku hayntiisa bishii December ee sannadkii hore.

 

Mas'uuliyiinta Garookna diyaaradaha ee Muqdisho qaarkood oo ay la hadashay Garowe Online ayaa u sheegay in xilligaan uu yahay markii ugu horreysay oo uu garoonka Muqdisho noqdo mid mashquul ah, iyagoo sheegay in dadka ka baxaya ay isugu jiraan kuwo ku socda dalalka dariska ah iyo kuwa Khaliijka.

 

Sida uu sheegay mas'uulkaan dadka ka duulaya garoonka Muqdisho intooda badan waxay u socdaan dalka Saudi Arabia si ay u soo gutaan waajibaadka xajka oo xilligaan ka socda Magaalada Makkah Al-Mukarramah.

 

Diyaarado u kireysan shirkadaha diyaaradaha ee JUBBA, DAALLO, AFRICAN EXPRESS, COSOB iyo kuwo kale ayaa si isdaba joog ah uga soo dagaya habeen iyo maalin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo diyaaradahaas ay dajinayaan dad ka yimid dibada dalka halka ay ka qaadayaan kuwo kale oo u sii jeeda dibadaha dalka.

 

Qaar ka mid ah howlwadeennada shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Muqdisho ayaa waxay u sheegeen Garowe Online, in dadka ay keenayaan ay yihiin kuwo ka imaanaya dalalka Yurub, Waqooyiga Ameerika, Khaliijka Carabta iyo sidoo kale dalalka Afrika.

 

Garaowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this