Sign in to follow this  
Gabbal

Beladxaawo Oo Maanta Si Weyn Looga Soo Dhaweeyay Socdaalka Nabadda

Recommended Posts

Gabbal   

Beladxaawo Oo Maanta Si Weyn Looga Soo Dhaweeyay Socdaalka Nabadda, Dadweyne Iyo Masuuliyiin Ka Soo Qeybgalay Munaasabadaasi

 

Dec 06,2007

by B/Xaawo-GEDO-NN

 

Munaasabadani maanta oo lagu qabtay Beerta Timacade ee kutaal duleedka koonfur bari ee magaalada B/xaawo ayaa waxaa maanta ka soo qeyb galay qaar kamid ah xildhibaanada DFKG ka ah ee Soomaaliya, gudoomiye ku xigeenka G/Gedo Aadan Dhaqane Kaalmoy, Gudoomiyaha dagmada B/xaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) iyo sidoo kale marti sharaf kale.

 

Furitaankii munaasabadan oo uu ka hadlay gudoomiyaha degmada B/xaawo, Mudane Burkuus ayaan ku amaanay hayadda NCA Barnaamijkan loogu magacdaray Socdaalka Nabadda oo ay ku soo mareen degmooyinka G/Gedo oo dhan, isagoo xusay in abadd la aanteed aysan nolol jirin.

 

Waxaa sidoo kale goobjoogayaalka ahaa madax ka tirsan hayadda (NCA) oo isugujiro Soomaali iyo Ajanabi, waxaana kamid ahaa madaxa hay dada (NCA) ee Gobolka Gedo C/laahi Maxamed (Qorax) oo sheegay in Barnaamijkan uu ahaa mid aad u ballaaran

oo lagu nabadaynayay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Gedo. Wuxuuna hadalkiisu xanbaarsanaa fariimo isugu jiro kuwa ka hadlayo nabadda ka hortaga HIVga iyo wacyigalinta gudniinka fircooniga ah. Wuxuuna intaa ku daray in barnaamijkan uu ka dhacayo 171 dal oo caalamka ah hayadan NCA waxay ka hirgalisay Barnaamijkan 8-Dal oo Afrika ah ayna ku jirto dalka Soomaaliya.

 

Munaasabadan Socdaalka nabadda oo ay isugu soo baxeen dadweyne aad u fara badan ayaa waxaa halkaasi ku soo bandhigay Ruwaayad ka turjimayso fariimaha uu xanbaarsanaa narnaamijkaas,fannaaniin Soomaaliyeed oo ay kamid ahaayeen Bashiir Ibraahin, Nimco nabaddaa naaslanuuga leh, Faadumo Daljir, Xasan gabay iyo fannaaniin kale oo caan ka ah fanka Soomaaliyeed. Barnaamijkan Socdaal ka nabadda ayaa la filayaa in uu wax weyn ka badali doono hannaanka maamul u sameynta gobolka Gedo oo la filayo in lagu guulaysan doono maalmaha fooda nagu soo hayo.

 

Wali Sh Cabdi Gurxan-Gedo-NN-B/Xaawo-Soomaaliya

 

nabadbxaawo2.jpg

nabadbxaawo3.jpg

nabad2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this