Sign in to follow this  
Xargaga

What Happened To Radio Laascaanod??

Recommended Posts

Xargaga   

Idaacadii Radio Laascaanood oo Albaabada loo Laabay

 

{Laascaanood}14.01-06

 

waxaa Maanta Gebi ahaanba La Xidhay Idaacadii Laascaanood, Idaacadan oo ahayd Idaacada Keliya ee ka Hadasha Gobolka...........

 

Sababta loo Xidhay Idaacadan ayaan Weli Cadayn, Waxaase warar Hoose Sheegayaan in ay La Xidhiidho Kahadla ay Idaacadu ka Hadashay Arinta Talaalka ee ay Hortaageen Maamulka Gobolku ee ka Yimi dhanka S/land

 

Beryahan Waxaa Soo Baxaayay Cabudhun ay Maamulka Gobolku ku Hayaan Saxaafada Gobolka, waxaa ay ahayd Todobaadkan Gudihiisa markii Ciidan Hubaysan oo uu wato Taliyaha Qaybta Bolisku Amarku Bixiyayay in Albaadada loo laabo oo la Xidho Xafiiska Widhwidh Online ee Magaalada Laascaanood.

 

Sababta Keliya ee loo Xidhayaana ay tahay Widhwidh Online oo Daabacday Cabasho ay Soo Gudbiyeen Qaar ka mid ah Beesha Boocame oo Cabasho soo Jeedinaya.

 

Arintan oo markii danbe wadahadal ka dib la Xaliayay .

 

Idaacadan oo Maanta la Xidhay ayaa, waxaa kale oo Xabsiga loo Taxaabay Agaasimihii Idaacda iyo Hawlwadeenkii Idaacada, Faysal Jaamac iyo Jamaal farjar.

 

Arintan ayaa waxaa Canbaaraynaya Guud ahaan Saxaafada Gobolka, Gaar ahaan Maamulka Widhwidh Online oo u arka Xadgudub lagu Sameeyay Saxaafada Xorta ah, waxaanu ku Baaqayaa in si Dhaqso ah loo Siidaayo mas'uuliyiintaa la Xidhay, isla markaana dib loo soo celiyo Idaacadii Bulshada ugu Adeegaysay Sida Mutadawacnimada ah.

 

Widhwidh Online News Center

 

xoosh2003@hotmail.com/xoosh2009@yahoo.com

 

Kala soco Xaalada ugu danbaysa ee Saxafiyiintan Xidhan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Maleeshiyada ******teeniya Ee Gacanta Ku Haysa Laas Canood Oo Albaabada U Laabay Radio Laas Canood, Xabsigana Dhigay Shan Weriye

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 14 January, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

Hargeisa (Somaliland.org) Wararka aanu hadda ka helayno Magaalada Laas Canood ee Gobolka Sool ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegaya in Maleeshiyo u daacad ah Maamulka ******teeniya ee lagu magacaabo Puntland ay albaabada u laabeen Idaacaddii Radio Laas Canood ee xarunteedu ahayd Magaalada Laas Canood, Isla markaana waxay xabsiga u taxaabeen shan weriye oo uu ku jiro Agaasimahii Idaacadaasi Faysal Jaamac Aadan iyo iyo Madaxii Shaqaalaha Idaacadaasi Eng. Jamaal Saleebaan Warsame, waxaa kale oo ay u sheegeen dhammaanba hawlwadeenadii idaacadaasi ka shaqayn jiray inaanay agagaarkeeda ka soo wareegin.

 

Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Laas Canood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Idaacadda Radio Laas Canood ay maalintii shallaytoole ahayd baahisay war sheegaya in ay khaldanayd boobkii ay maleeshiyada ******teeniya ku dhaceen Dawooyinkii iyo qallabkii Tallaalka Cudurka Jadeecadda ee Gobolka ee Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland usoo dirtay, taasi oo Maamulka ******teeniya aad uga gadooday markii ay maqleen warkaasi ay idaacaddu sii daysay ka dibna ay ku dhaqaaqeen inay fadhataystaan dhammaanba qallabka idaacadda xabsigana u taxaabaan Weriyayaashii iyo hawlwadeenadii sare ee Idaacadda Radio Laas Canood.

 

Idaacaddani Radio Laas Canood ayaa lagu tilmaami jiray mid u daacad ahayd Maamulka ******teeniya iyadoo baahin jirtay wararka Maamulkaasi isla markaana aflagaado iyo cay farabadan ku haysay Jamhuuriyadda Somaliland, balse Somaliland gudaheeda ayaa aad looga xumaaday warkani dhiilada leh ee Maleeshiyaadka u daacadda ah maamulka ******teeniya kula kaceen Saxaafadda Gobolka Sool.

 

Wixii Warar ah ee ka soo kordha dhacdooyinkaasi sida ugu dhakhsaha badanleh ayaanu idiinla socodsiinayna insha allah

 

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

SOMALILAND.ORG, INFORMATION CENTER, HARGEISA

Somaliland.org@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this