Sign in to follow this  
Saxardiid

New Online university born in Somaliland

Recommended Posts

Jaamacad laga baranayo internetka oo Hargeysa laga hirgeliyay.

 

Maxamed Raambo "Hargeysa"

 

Barnaamij ardayada jaamacadaha Somaliland si toos ah "On line" ay wax uga baran karaan Jaamacadaha Mareykanka ayaa xalay markii ugu horeysay laga hirgaliyey magaalada Hargeysa.

 

 

 

Barnaamijkaas oo ay ardayda wax uga baranayaan seddax jaamacadood ayey ku baranayaan culuumta journalism-ka, business English iyo Information technology.

 

 

 

Xaflad loo sameeyay furitaanka waxbarashadan ayaa waxaa ka soo qeybgalay arday badan iyo maamulka jaamacadda.

 

 

 

Baarnaamijkan oo socnaya muddo sagaal bilood ah ayuu ardayga wax la baranayaa ardayda dhigata jaamacadaha Mareykanka.

 

 

 

Guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Dr. Cabdi Heybe yo xiriiriyaha barnaamijkan oo ka hadlay xafladda ayaa sheegay ahmiyadda uu leeyahay barnaamijkaasi oo saacadaha soo socda bilaabmayo.

click here for link

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^^Thanks for that Sooyaal

 

Here another positive step:

 

 

Buundooyinka Berbera ilaa Laascaanood oo la dhisayo

 

Axmed Saciid Cige, BBCSomali.Com

 

 

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud iyo guryeynta ee Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, Siciid Sulub Maxamed, ayaa ku dhawaaqay mashruuc dib loogu dhisayo buundooyinka ku yaalla waddada dheer ee laamiga ah ee ku burburay dagaallada ee inta u dhaxaysa Berbera ilaa iyo Laascaanood .

 

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Siciid Sulub Maxamed, wuxuu ka sheegay magaalada Hargeysa in buundooyinkaasi dib u dhiska lagu sameynayo ee inta u dhaxeysa magaalooyinka Berbera ilaa iyo Laascaanood ay dhan yihiin 11 buundo oo afar ka mid ahi ay aad u waaweyn yihiin .

 

Waddada Berbera ilaa warshadda shamiindada

 

Sulub wuxuu kaloo sheegay in buundooyinkaasi oo ku burburay dagaalladii sannadihii siddeetamaadkii dib u dhiska lagu sameynayo ka sokow ay jirto hawl gebogebo ku dhow oo dib loogu hagaajiyay 9km oo ka mid ah waddada laamiga ah ee u dhaxeysa Berbera ilaa iyo warshadda shamiindada, taasoo gaadiidku dhibaato weyn kala kulmi jireen mariddeeda.

 

Wasiirka hawlaha guud wuxuu caddeeyay in kharasha ku baxaya buundooyinkaasi oo qiyaastii dhan laba milyan iyo sidded boqol oo kun oo dollar uu bixinayo ururka Midowga Yurub.

 

Shirkado waddani

 

Sida uu sheegay wasiirku waxaa fulinya hawsha dib u dhiska buundooyinkaasi sharikado waddani ah oo isu tegay oo tartan qandaraas galay dhowaan.

 

Wuxuu kaloo uu sheegay in dib u hagelinta waddada u dhaxeysa Ceerigaabo ilaa iyo tuulada Ina Afmadoobe oo 60km Bari ka xigta magaalada Burco haatan carro tuur lagu sameeyay qiyaastii ilaa 50km. Waddada Ceerigaabo ilaa Ina Afmadoobe waxa uu dhererkeedu dhan yahay 306km .

 

Sarkaal xagga dhismaha ah

 

Sarkaal xagga dhismaha buundooyinka ah, Inj. Cabdirisaaq Wiiwaa, ayaa isna caddeeyay in laba buunddo oo ku yaalla wadadda u dhaxeysa Hargeysa ilaa iyo Sallaxlley oo muddo badan dunsanaa haatan la dhammeeyay dib u dhiskooda oo beryahanba socday.

 

Wuxuu sheegay injineerku in waddadaasi oo dhan 60km ay ka socoto hawl ah carro tuur iyo dhir jarid.

 

Kharasha waddada Hargeysa ilaa Sallaxley

 

Wuxuu sheegay in hagaajinta waddada Hargeysa ilaa Sallaxlley oo lagu qiyaasay markii hore inay ku baxeyso lacag dhan siddeed boqol oo kun oo dollar oo ay ku ballanqaadeen hay'adaha qaramada midoobay ee UNHCR iyo ILO iyo hay'adda waddooyinka ee dowladda ay bixiyeen oo keliya ilaa iyo hadda 85 kun oo dollar, taasoo ah buu yiri injineerku 10% kharashkii loo baahnaa.

 

Sida laga warqabo ee uu xaqiijiyeyna Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta, Saciid Sulub Maxamed, intii u dhaxeysay sannadihii 1999kii ilaa iyo 2001dii waxaa dib u dhis lagu sameeyay 12 buundo oo ku burburay dagaalladii oo ku yaalla waddada laamiga ah jiidda u dhaxeysa magaalada Dila ee gobolka Awdal ilaa iyo magaalada Sheekh ee gobolka Saaxil.

 

Sida uu sheegay wasiirkuna lacagta ku baxday oo dhammeyd 3 milyan oo dollar waxaa bixiyay Ururka Midowga Reer Yurub.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this