Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

The Escape of Ina Waranle

Recommended Posts

Every time Somaliland recruits solders from Sool Sanaag Cayn, they not only run to Puntland , they take what ever they can such as weapons and battle wagons to proof their loyalty to Puntland while at the same time proofing to Somaliland that when the situation heats up, their loyalty lies with Puntland no matter how much the salary. it has happened in dhahar, buhoodle, adhi caadiye and LaasCaano. The Somaliland army thought that if they divid rer LaasCaanod between rer hebel and rer hebel, they could trust the ones on their side. Ina Waranle, the guy they put in charge of their "Local" militia proofed them wrong yet again. here is the story from the horses own mouth:

Malleeshiyo Reer L/Caanood ah oo Garoowe ula Baxsaday 8 Baabuur oo Ciidanka Qaranku Leeyahay

 

Laascaanood (Jam)- Koox Malleeshiyo reer Laascaanood ah oo dhowaan lagu qarameeyay ciidammada Somaliland, ayaa shalay gelinkii dambe magaalada Laascaanood kala baxsaday siddeed gaadhi oo ay leeyihiin ciidammada Qaranka eek u sugan jiidaha hore ee Gobolka Sool, kuwaasoo qaar ka mid ah ay saarnaayeen qoryaha darandooriga u dhaca ee loo yaqaano Dhashiikaha, Kooxdaas oo la sheegay inay ula baxsadeen dhinaca magaalada Garoowe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland.

 

Kooxdan maleeshiyada oo uu taliye u ahaa sarkaal magaciisa lagu naanayso Ina Waranle oo hore uga tirsanaa ciidammadii Puntland ee laga qabsaday gobolka, isla markaana taliye looga dhigay maleeshiyada la qarameeyay oo ka soo jeeda beesha Baharar Same oo ah ardaaga uu ka soo jeedo Ina Waranle.

 

Waxaana wararka Laascaanood naga soo gaadhaya ay sheegayaan in kooxda malleeshiyada iyo sarkaalka watayba ay xalay 10-kii fiidnimo gaadheen magaalada Garoowe, halkaasoo la sheegay in si farxad leh loogu soo dhoweeyay.

 

Iyada oo ay wararku sheegayaan in xalay magaalada Laascaanood laga dareemayay bandow inkasta oo ay bandoo si rasmi ah loogu dhawaaqay, haddana sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan magaalada Laascaanood waxa magaalada lagu arkayey baabuur tiro badan oo ah kuwa ciidammada oo iyagu gaaf-wareegayo waddooyinka magaalada, kuwaasoo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidammada ku sugan saldhigga tgoddobaad ee ciidanka Qaranka.

 

 

Jamhuuriya Online

Jamuuriya newspaper

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this