Sign in to follow this  
General Duke

Kismayu: latest, new authority takes over port

Recommended Posts

Maamulka Kismaayo oo maanta xilalka ku wareejiyay qaar kamid ah Ms'uuliyiin ay DF usoo magacowday.

 

Kismaayo, Sabti 20 Jan 07 Simba Radio

Maamulka ku meel gaarka ee DF Magaalada Kismaayo ayaa manta ku wareejiyay xilalkii ay hayeen qaar kamid ah Mas'uuliyiinta ay DF u soo magacowday.

 

Xaflad ka dhacday Dekada Kismaayo ayaa xilka lagu wareejiyay Madaxa Custom-ka Aadan Xaamud Aadan, oo wasaarada Maaliyada DF dhawaan soo magacowday iyo Taliyaha Qeybta Ilaalinta Canshuuraha Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdi Sugule iyo Gaashaanle Daahir Xaashi Geele.

 

Xildhibaan Cabdirashiid Max'ed Xidig oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in lawada shaqeeyo si cadaalad ay ku jirto, isagoo ugu baaqay dadka xilalka loo magacaabay inay si wanaagsan u gutaan howsha loo dhiibay.

 

Madaxa Custom-ka Aadan Xaamud Aadan oo xafladaasi isna ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xilkaasi qabto, isagoo sheegay in si cadaalad ay ku jirto ugu soo bixi doono xilka manta loo dhiibay.

 

Si kastaba ha ahaatee, DF ayaa dhawaanahaan waday howlo ay ku magacaabeyso Maamulka Magaalada Kismaayo.

 

Simba Media Center, Muqdisho Somalia.

Email: simba@simbanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this