Sign in to follow this  
NASSIR

Galka'ayo District Commissioner lambasts a certain section as crime hotspot

Recommended Posts

NASSIR   

Which section of the city the mayor believes as the source of city's rising insecurity? Allpuntland news article seems to be giving fake description of the organized criminal activities and those behind such..if known.

 

”Uma Dulqaadan doono in Shacabkayaga mardanbe la dhoco” Duqa Magaalada Gaalkacyo.

 

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Maamulka Degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa canbaareyn & dhaliil usoo jeediyey Maamulka Xaafada Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo,waxaana uu Maamulku ku baaqay in deg deg wax looga qabto Falalka amnidaro ee laga soo abaabulayo Koonfurta Gaalkacyo.

 

Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji-Xassan oo APL la hadlay ayaa markii ugu horaysay Canbaareeyey Falkii saaka lagu boobay Xawaalada Qaran laanteeda Gaalkacyo,waxaana uu Duqu sheegey in falkaas oo laga soo abaabulay Xaafada Koonfureed ee Gaalkacyo loobaahanyahay in wax laga qabto malayshiyadii geysatay.

 

“Falkii saaka Xawaalada lagu dhacay waan ka xumahay,waxaana ka xumahay in Xaafada Koonfurta Gaalkacyo falkan laga soo abaabulay,waxaanuna u sheegaynaa Maamulka halkaas ka jira in Malayshiyadii Falkan geysatay gacanta lagu soo dhigo”Ayuu yiri duqa Magaalada Gaalkacyo.

 

Cabdiraxmaan Maxamuu Xaaji Xassan wuxuu sheegey in Falkani uusan ahayn midkii ugu horeeyey ee Koonfurta magaaladaas laga soo abaabulo,waxaana uu sheegey in ay Dawladiisu talaabo ka qaadi doonto hadii aanan Malayshiyaadkaas wax laga qaban,waxaana uu intaas ku daray in Maamulkiisu inuusan u dulqaadan doonin Falalka gurucan ee halkaas laga soo abaabulo.

 

Cabdiqani XayirAllpuntland Fikradaada ka dhiibo warkaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this