Sign in to follow this  
Gabbal

Conflict in Beerxaani.

Recommended Posts

Gabbal   

Dil iyo dhaawac loo geeystay Ergooyin nabadeed oo loo direy deegaanka Beerxaano ee duleedka Kismaayo.

 

 

Mogadishu - 15-January -2007-Allceeldheer.com Mid ka mid ah Ergo nabad raadineed oo loo direy deegaanka Beerxaano ee gobolka J/hoose ayey Kooxo Miliishiyo Beeleed Ku dileen iyadoo Mid kalena dhaawac uu soo gaarey.

 

Sida uu Saxaafadda u sheegey Suldaan Rashiid Dhuurre oo ka mid ah suldaanada dega Jubbooyinka waxaa la diley mid ka mid ah ergooyin nabad raadineed, iyadoo sidoo kale la dhaawacay Mid kale oo Odayaasha Nabadoonada ka mid ahaa kuwaasoo ujeedadooda aheyd iney xal ka gaaraan Xiisado ka taagnaa deegaanka Beerxaani oo dhowr KM u jirta degmad Kismaayo Xarunta Jubada Hoose.

 

Ergadan oo isugu jirtey beelaha isku haya Beerxaani ayaa waxa ay ka ambabaxeen Degmada Kismaayo dhawaan.

 

Kooxo Maleeshiyo beeleed ah oo joogtey deegaankaasi ayaa geysatey falka dilka iyo dhawaaca Ergada nabaddoonada aheyd.

 

Nabadoonka dhaawaciisa ayaa waxaa la keeney Magaalada Kismaayo si loogu dabiibo.

 

Dhinaca kale Suldaan Max’ed Bashiir oo ah Suldaanka Beelaha Sedde ee Kismaayo ayaa waxaa uu baaq nabdeed u jeediyey Beellaha halkaa isku haya oo ay ka mid tahay Beeshiisa, isagoo ku booriyay in wax kasta lagu dhameeyo wada hadalo.

 

Dhanka kale waxaa maanta Kismaayo ku kulmey guddiga maamulka oo uu dhawaan u magacaabey Jubboyinka Wasiirka Gaashaandhiga dowladda Somalia Barre Hiiraale,kuwaas oo kawada Hadley sidi amniga deegaanada loo dardar galin lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Xiisadihii u dhexeeyey beelo muddooyinkanba ku dagaalamayey Beer Xaano oo labo lixaadsaday kadib markii..

 

Deegaanka Beerxaano oo ku yaala Galbeedka Magaalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa xalay ilaa saaka kacsan kadib markii mid ka mid ah ergo nabad raadineed oo loo direy deegaanka Beerxaano ee Gobolka J/ Hoose ay kooxo maleeshiyo beeleed ah ku dileen deegankaasi iyadoo nin kale oo dhaawac culus uu soo gaarayna haatan lagu daaweynayo Isibaalka Magaalada Kismaayo, waxaana arrintan la sheegay iney cirka ku sii shareertay dagaalada iyo xiisadaha colaadeed ee maalmahaanba halkaasi ka taagnaa.

 

Ciidamo dowlada federaalka ka tirsan oo halkaasi horey u gaaray ayaan wali ku guuleysan wax ka qabashada colaadaha ka taagan deegaankaasi iyadoo dilka aargoosiga ah ee u dhaxeeyada labada beelood uu si caadi iskaa sii socdo, iyadoo dad fara badan ay horey uga barakaceen deegaankaasi, iyagoo ka baqaya in coladaahaasi ay sameyn ku yeeshaaan, waxaana dadkaasi ay haatan dulsaar ku yihiin magaalooyin ay ka mid tahay Kismaayo.

 

Dagaaladaan ayaa inta la ogyahay yahay waxaa ku geeriyooday tan iyo intii ay bilowdeen ku dhowaad 28 ruux halka tiro aad u badana ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka Magaalada Kismaayo oo inta badan dhaawacyadaasi la geeyey, iyadoo colaada u dhexeysa labadan beeloodna ay noqotay mid so noq-noqota, waxaana intii maxkamadaha islaamiga ah ay ku sugnayeen magaalada Kismaayo ay ku guuleysteen iney dejiyaan xiisada u dhexeysa labada beelood iyagoo u diray ciidamo kala dhex gala maleshiyadka labada beelood.

 

Beelaha ku dagaalamaya Beerxaano oo kala ah Marreexaan iyo Gaaljecel ayaa lagu soo waramayaa in khilaafkoodu salka ku hayo arrimo dhuleed, iyadoo waxgarad kala duwan iyo siyaasiiyina ay dhowr jeer oo horey isugu dayeen inay xaliyaan, tasoo hase ahaatee lagu guuldarestay.

 

 

 

Cabdshakuur Cilmi Xasan-Muqdisho-Soomaaliya

cabdixakiin44@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this