Sign in to follow this  
Ex-Xisbiga

Welcome home Mr. President!

Recommended Posts

ray_back2.JPGray_back3.JPGray_back_salaan.JPGkhadra_dahir.JPG

 

Madaxweyne Rayaale oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Hargeysa isagoo ka soo laabtay socdaal 19 maalmood qaatay.

 

Waxa noo soo waramay weriye Mahamed Hussein Jama"Rambo" oo Hargeysa ku sugan.

 

Wednesday, March 31st, 2004

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Waftigii uu hoggaaminayay ayaa Maanta(Arbaca) ku soo guryo noqday dalka, kadib, markii ay socdaal qaatay muddo saddex toddobaad ku dhow ku soo mareen dalal ku yaala Qaaradda Yurub.

 

Madaxweyne Rayaale oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada wakhti yar kadib, markii uu ka soo degay Madaarka Hargeysa ee Cigaal International Airport, waxana uu ka waramay midho-dhalka socdaalkii uu ku tagey dalalka Ingiriiska iyo Biljam, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay Madax iyo Masuuliyiin ka tirsan dalalkaas.

 

Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ugu horreyn ka hadlay waxyaabihii ay kala kulmeen dalka Ingiriiska oo xuddun u ahaa socdaalkooda, waxa uu sheegay in safarka ay ku tageen dalka Ingiriisku uu ahaa mid taariikhi ah oo ay guul ka soo hooyeen, waxana uu sheegay in Masuuliyiinta ay la kulmeen kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin sidii dhaqaale caawimo ah loo siin lahaa Somaliland iyo in Dawladda Ingiriisku aqoonsi Diblomaasiyadeed u fidiso Somaliland.

 

“Dawladda Ingiriisku waxa ay noo ballanqaaday in ay 100% arrinta dhaqaalaha noo suurtogelinayso, sidii xidhiidh Caalami ah Somaliland u heli lahayd” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxana uu intaas raaciyey; “Arrinta Aqoonsiga lafteeda waxa ay yidhaahdeen meesha kama saarayno…. Laakiin farsamooyin ayay noqotay,.farsamooyinkaana waanu ka wada hadalnay, balse ma doonayo in aan hoos ugu dhaadhaco, maadaama oo aan cadow badan leenahay.”

 

Isaga oo faah-faahin ka bixinaya dhaq-dhaqaaqyadii ay sameeyeen iyo isbeddelka socdaalkoodu ku sameeyey fikirkii hore ee Ingiriisku ka qabay Somaliland, Madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi;

 

“Marka hore safarka aanu ku tagnay dalka Ingiriiska waxa uu ahaa martiqaad aanu iyaga ka helnay, run ahaantii waxa ay ahayd mid taariikheed oo Somaliland u soo hoyotay oo muddo badan cid ina dhegeysatay ma aynu hayn, laakiin, Ingiriisku waxa uu inoo suurtogeliyey inuu dib inoo xusuusto oo uu ina dhegeysto ilaa afar Wasiir baanu la kulanay, Guddida Xidhiidhka dibadda ee Baarlamaanka Ingiriiska ayaanu la kulanay oo na dhegeysatay iyaga laftoodu, Baarlamaanka Ingiriiska khudbad baan ka jeediyey aan filayo in aad hesheen idinka (Saxaafadda), run ahaantii aniga (Madaxweynaha) iyo Waftiga ila s ocdayba.

 

Waxa aanu odhan karnaa safarkii Ingiriiska aanu ku tagnay guul aad u qiimo leh ayuu ahaa, waxyaabaha halkaa (Ingiriiska) ka muuqday dadkani reer Somaliland ee Qurbaha joogay kuwa Ingiriiska joogaa ha ugu bataane meelkasta way isaga yimaadaan maalinta aan Baarlamaanka ka hadlayey dad toban kun oo qof ku dhow baa isu yimi oo ka hadlayey qadiyaddooda una bannaanbaxay. Markaa ka sokow waxa aanu dawladda Ingiriiska weydiisanay dad badan oo yar-yar oo halkaa (Ingiriiska) ku dhalatay oo rajo la’aan ku noolayd maanta waxa ay dareensan yihiin in ay dal leeyihiin.

 

Waxyaabihii aanu halkaa kaga hadlaynay waxa ka mid ahaa bal annagu (Somaliland) dal jira ayaanu maanta nahay Somaliland oo shaqaynaya oo doorashooyin ka dhacayaan, haddana indhaha laga qarsanayo, dhegehana laga xidhanayo oo u dabran dal aan jirin oo la yidhaahdo Soomaaliya, farriintaasi way gaadhay dadkii aanu u gudbinay.”

 

Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, waxa kale oo uu ka waramay Booqashaddii ay ku tageen dalka Biljam, waxana uu sheegay in muddadii ay halkaa joogeen ay la kulmeen Masuuliyiin sare oo ku jira Baarlamaanka Yurub, ka Biljam iyo Guddiga Midowga Yurub, kuwaas oo uu sheegay in ay iyagana kala hadleen qadiyadda Somaliland iyo sidii caawimo loo siin lahaa Somaliland .

 

Isaga oo arrintaa tafaasiil ka bixinayana, Md. Rayaale waxa uu yidhi; “Dalka Biljim oo ah xarunta labaad ee Adduunka, waxa aanu u gudbinay qoraal, waana nalaga aqbalay.”

 

Waxa uu intaas raaciyey; “Waxa aan maanta u arkaa Somaliland qadiyaddeedu inay iibsantay oo aanay muran ku jirin haddii ay Maanta ku jirtay, markaa waa waxa aan rajaynaynaa Somaliland, maanta maalin ay ka dhowdahay aqoonsigeeda in lagu dhawaaqo ma jirto, waxana aan rajaynaynaa mar dhow in aqoonsigii Somaliland oo beesha Caalamka ka mid ah ay soo bixi doonto, oo qaar badan oo awal la dagaalamayay ay ka nixi doonaan ayaan rajaynayaa.”

 

Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu iftiimiyey sababta keentay inay baajiyaan safaro ay ku tegi lahaayeen dalal kale oo ku yaala Qaaradda Yurub, isaga oo arrintaa ku hadlayana waxa uu yidhi; “Dalalka Sweden, Switzerland, iyo Jarmalka in aanu tagno ayay ahayd, balse waan ka maaranay, wakhtiguna wuu dheeraaday oo annaga (weftiga) ayaa soo koobnay, maadaama, waxyaabaha aanu u tagi lahayn Biljam kula kulanay, markaa sabab loo baahnaa in aanu safarka hore u sii wadno nooma ay muuqan.

 

Madaxweynaha iyo Waftigiisa oo Maanta ka soo duulay Magaalada Addis Ababa, Itoobiya, oo ay ku sugnaayeen labadii maalmood ee u dambaysay, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya,Mr. Males Zenewi, waxa u sheegay in ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xoojinta Xidhiidhka iskaashi ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, waxana uu xusay, in Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya ballanqaaday in ay dawladdoodu hawlaha Somaliland gacan ka geysan doonto.

 

Madaxweyne Rayaale, waxa kale oo uu sheegay in ay Addis Ababa kula kulmeen Safiirka dowladda Maraykanka u jooga Itoobiya iyo Saraakiil kale oo ka socda Maraykanka, isla safaaradda Maraykanka waxana uu sheegay in hawli uga socoto oo uu rajaynayo in saraakiil ka tirsan Safaaradda Maraykanka ee Itoobiya ay yimaadeen Hargeysa.

 

Ugu dambayntii, Madaxweynuhu hadalka uu ka jeediyey shirka jaraa’id waxa uu ku xusay in uu martiqaad ka helay dalka Kanada, balse uu dib-u-dhigtay.

 

Shirkaa jaraa’id kadib, su’aalihii la weydiiyay Madaxweynaha waxa ay u dhaceen sidan:-

 

Su'aal Saxaafadda: Maadaama aad tahay Madaxweynihii u horreeyey ee Somaliland ee khudbad ka jeediya aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, marka aad garab dhigto qadiyadda Somaliland sida ay markii hore ahayd iyo khudbadaada kadib, maxaa wax la taaban karo ka soo baxay ?

Jawaab Rayaale: Horta Somaliland, waxa aan idiin sheegayaa in aynu shaqaysanay, doorashooyinkii aynu qabanay marxaladdii aan kursiga ku imi waxyaabo badan buu inoo kordhiyay, qiime badan oo aynu Caalamka kaga kasbanay, Ingiriisku inama martiqaadeen golihiisana inooma oggolaadeen haddii aynaan innagu (Somaliland) wax qabsan.Waxa aanse anigu qabaa Ingiriiska ballanqaad adag baanu ku kala nimid inuu dhinac kasta oo qadiyaddeena ah wax innagala qabto, taa uun baan ku soo koobayaa.

 

Su'aal Saxaafadda: Dadku ilaa 1993-kii maalin walba waxa la lahaa maanta qadiyaddeenu way iibsantay. Safarkan aad Yurub ku tagtay dadku si weyn bay u rajaynayeen marka wax la taaban karo oo aad leedahay, taasay kaga duwan tahay tii hore ma jirtaa ?

Jawaab Rayaale: Horta Safarka iyo waxa la innaga oggolaaday baa ka duwanaa kuwii hore.

 

Su'aal Saxaafadda: Madaxweyne maxaanu u sheegnaa dadka oo cusub ?

Jawaab Rayaale: Arrimahan oo dhan mid dhaqaale iyo mid siyaasadeedba in uu Ingiriisku wax ka qabto wuu naga ballan qaaday.

 

Su'aal Saxaafadda:Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Males Zenewi, maxaad ka wada hadasheen ?

Jawaab Rayaale: Waxa aanu ka wada hadalnay waxa innaga dhexeeya xidhiidhka Sokeeye ee darisnimo, ka nabadgelyo, ka wax wada qabsi, ka ganacsi oo la horumariyo, waxyaabo badan ayaanu ka wada hadalnay.

 

Su'aal Saxaafadda: Dhowr jeer oo hore ayaad Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya arrimahaa uga wada hadasheen maxaa midho dhal ka noqday ?

Jawaab Rayaale: Hadda waxaaba joogay Itoobiya Tiim innaga (Somaliland) ah oo ay Tiimkii kale ay wax kale saxeexanayeen.

 

Su'aal Saxaafadda: Maxaa ka jira wararka sheegaya Maraykanku Xafiis ayuu ka furanayaa Somaliland ?

Jawaab Rayaale: Bal aynu gaadhno horta, laakiin haddii albaab inoo furmay markaa wax badan baa suurtogal noqonaya.

 

Su'aal Saxaafadda:Waxa aad la kulantay dadka reer Somaliland ee qurbo-jooga ah, markaa maxa ugu weynaa ee ay ku bogaadiyeen dadka, maxay ku dhaliileen, maxayse ballanqaadeen in ay u qabanayaan ?

Jawaab Rayaale: Horta kun iyo shan boqol dadku dhow-dhow oo reer Somaliland ahi habeen bay xaflad ii qabteen oo aan kula hadlay meel hool ah, run ahaantii su’aal kasta oo ay I weydiiyeen waan ka jawaabay, halkan ku soo koobi maayo, laakiin Internet-ka ayaad ka heli kartaa.

 

Su'aal Saxaafadda:laakiin, maxaa ugu weynaa ?

Jawaab Rayaale: Somalilandnimadu inay wax walba ka horrayso ayaan anigu kula dardaarmay, wayna iga aqbaleen.

 

Su'aal Saxaafadda: Xagga dhaqaalaha waxyaabaha Ingiriisku idiin ballan qaaday maxaa ka mid ah ?

Jawaab Rayaale: Adeer, imika Caalamka kama mid nihin dhaqaale ahaan innaga uun baa iska xoogsana xidhiidh lama lihin Bangiga Adduunka IMF-ta, waxyaabaha noocaas ah inay waddooyin innooga furaan bay innaga ballan qaadeen.

 

Su'aal Saxaafadda: Socdaalkiina waxa la ogyahay in aad soo gaabiseen, taana warar iyo faallooyin badan baa ka soo baxay, wararka qaar waxa ay leeyihiin arrintii dalka ka dhacday ee lagu dilay gabadh hawl-wadeen ka ahayd GTZ, oo u dhalatay dalka Kiiniya, ayaa saamayn idinku yeelatay, qaarna waxa ay leeyihiin Beljim baad wax kala kulanteen, waa maxay markaa sababta aad u soo koobteen safarkiina ?

Jawaab Rayaale: Horta mid waad I xusuusisay Xukuumad ahaan Tuuladii Dhoqoshay ragga wax dilay soo qabtay waan u mahad naqayaa, laakiin sidaan hore u sheegay baahi badan oo aan u qabno in aan meelaha tagno markii aan arki weynay ayaanu annagu soo gaabinay socdaalkayaga. Go’aankana annagaa mar walba lahayn ee mid ciddi nagu khasbaysay oo noo wado ma ahayn.

 

Su'aal Saxaafadda: Falkii Budhcadu ku fulisay hawl-wadeenadii GTZ, wax saamayn ah ma ku yeeshay socdaalkiina ?

Jawaab Rayaale: Wallaahay nasiib wanaag waxa noqotay in la qabto raggii oo lagu guulaysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
mojam   

What is it with these guys? Don't they have any sense of what fashion is?

 

I mean come on ... A purple shirt with a black suit coat? ... A red tie with a black coat?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^looooooool

 

Rayaale and his gov't are concentrating on Somalilands quest for recognition, why would they be worrying about what tie to wear?? They have much more on their plate.

 

Weftih9.jpgWeftih8.jpgWeftih3.jpgWeftih4.jpgWeftih7.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

Originally posted by mojam:

What is it with these guys? Don't they have any sense of what fashion is?

 

I mean come on ... A purple shirt with a black suit coat? ... A red tie with a black coat?

Solowly solowly adeer :D

Were are getting closer and closer to the underwear question, don't you think? :D

 

BTW I just love the diversity in dress sense displayed below; from baseball caps to macaawiis. How colourful esp if compared to Saddam's cronies eh. :D

Weftih4.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this