Sign in to follow this  
Maaddeey

Sh. Xasan Dahir: 'Waan la dagaallameynaa Axmed Madoobe'

Recommended Posts

Maaddeey   

Waxa uu sheegay gudoomiyaha Xisbul Islaam in Axmed Madoobe uu ku biiray Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya islamarkaana waxa uu tilmaamay in uu maray wadadii ay horay u mareen ragii ka tirsanaa Ururka Xisbul Islaam ee ka baxay Ururkaasi, waxaana uu intaasi raaciyay Sheekh Xasan Daahir in ay ka go’antahay in ay la dagaalamaan Sheekh Axmed Madoobe.

 

Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo kamid ahaa Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam haatana sheegay in uu ka baxay Ururka Xisbul Islaam dibna u aas aasay Mucaskarka Raaskaambooni oo Saxaafada la hadlay ayaa waxa uu ku eedeeyay Xisbul Islaam in aysan fulin waxyaabihii ay ku balameen, waxaana uu sheegay in Saraakiil katirsan Xisbul Islaam lagu dilay gudaha wadanka Soomaaliya taasina uu sheegay in ay ka amuuseen Saraakiisha ugu sar sareysa ee Ururka Xisbul Islaam, waxaana uu intaasi raaciyay in uu isagu go’aansaday in uu ka baxo Xisbul Islaam.

 

Dhawaan ayay aheyd markii gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ku eedeeyay Sheekh Axmed Maxamed Islaam Sheekh Axmed in uu heshiis la galay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyadoo xiligaasi kadib Sheekh Axmed Madoobe uu tilmaamay in uusan wax heshiis ah la gelin dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this