Sign in to follow this  
General Duke

Nairobi: Parliment has failed MPs want a new home

Recommended Posts

Muqdisho:Barlamaanka Soomaliya oo qarka u saaran in uu qeybsamo

26. juli 2009 

 

APL

Tool

 

Send This Article To A Friend By Email | Saaxiibkaa warkaan ugu ***  Email

Print This Article  | Daabaco warkaan

Muqdisho(AllPuntland )-Kadib marki dhawaan gudoomiyaha barlamaanka Soomaliya Shiikh Aadan Madoobe uu shaaciyey in biilki laga jaray xildhibaano badan oo uu sheegay in ay imaan waayeen magaalada Muqdisho ayaa xildhibaanada qaar waxa ay bilaabeen in ay bilaabeen qorshe ka dhan ah shiikh Aadan Madoobe.

 

Xildhibaano kor u dhaafaya 60-mudane oo kala jooga Puntland iyo Nairobi aya diyaaris ku wada qorshe mooshin ah oo ay ku doonayaan in xildhibaanada looga dhaadhiciyo in barlamaanka loo raro maamulka Puntland maadama aanay amaan ahayn magaalada Muqdisho.

 

Xildhibaanada ayaa damacsan in ay qorshahooda ay ka dhaadhiciyaan inta badan mudanayaasha oo xaalad amaan ku nool waayey caasimada Muqdisho.

 

Mooshinkaa arintaa looga doodayo ayaa lagu wadaa todobaadyada soo socda in laga furo magaalada Nairobi , waxaana mooshinkaan wax ka wada gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Pr:Dalxa sida aan ku heleyno warar xog ogaal ah.

 

Muqdisho oo noqotay inteeda badan aag dagaal waxaa jooga xildhibaano aan ka badneyn 50-mudane , waxaaan xildhibaanada baadnkood xaalad amaan u yimaadeen dalalka bariga afrika.

 

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada dowladda oo gabi ahaanba la wareegay mag. Baladweyne

 

 

Iska-horimaad mudo aad u kooban socday oo saakay aroortii ka bilowday gudaha magaalada Baladweyne ayaa waxa ey ciidamo ka tirsan kuwa maleteriga dowladda federalka kula wareegeen guud ahaan magaaladaasi kadib markii kooxaha isbiirsaday ee Islaamiyiinta laga saaray halkaasi saakay waaberigii.

 

Ciidamada dowladda oo dhinacyo badan kasoo galay magaalada ayaa waxa ey weeraradooda ku halakeeyeen goobihii lagu tuhunsanaa maleeshiyaadka Islaamiyiinta mucaaradka, waxaana sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamadii saakay galay magaalada ey ku dileen dhowr maleeshiyo oo mucaaradka ka tirsan iyagoona ka qabsaday goobihii ey kaga sugnaayeen magaalada Baladweyne.

 

Dhinaca ciidamada dowladda ayuu sheegay sarkaalkani in uu kaga dhaawacmay xurguftii saakay waaberigii hal askari oo kaliya, waxaana la dhihi karaa ayuu yiri sarkaalkani in ciidamada xooga ey kula wareegeen goobaha si nabadgelyo leh maadaama uusan dhicin dagaal weyn oo ey iskaga carareen halkaasi maleesghiyaadkii kasoo horjeeday.

 

Horay ayaa waxaa magaaladaasi ugu wada sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa Maxaakiimta ee taageersan dowladda iyo kooxaha islaamiyiinta ee kasoo horjeeda, laakiin waxaa magaalada u badnaa kuwa maxaakiimta ee taabacsan dowladda oo iminka loo badalay ciidan qaran kadib tababaro lasiiyay.

 

Maleeshiyaadka Islaamiyiinta mucaaradka ayaa u firxaday duleedka magaalada, waxaana ey iminka xaalada magaalada Baladweyne ey tahay mid dagan oo xasiloon islamarkaana ey ku sugan yihiin ciidamada qalabka sida ee dowladda oo aad u hubeysan.

 

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa dhowr jeer oo hore ka fuliyay magaalda Baladweyne falal argagixiso, kaasoo uu ugu dambeeyay falkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hotelka Madiina oo lagu dilay wasiirkii Amniga Qaranka marxuum Cumar Xaashi Aadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by General Duke:

Xildhibaano kor u dhaafaya 60-mudane oo kala jooga Puntland iyo Nairobi aya diyaaris ku wada qorshe mooshin ah oo ay ku doonayaan in xildhibaanada looga dhaadhiciyo in barlamaanka loo raro maamulka Puntland maadama aanay amaan ahayn magaalada Muqdisho.

Indeed that will be a good idea.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

see, you should take over a city if you can hold it, it isnt going to do anything for you if you take it and then lose it 2 weeks later. This is why somali conflicts seem never ending. I bet you in a few weeks alshabab will take over this city.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this