Sign in to follow this  
Saalax

Suldaanka Guud Ee Western Togdheere sends baaq nabadeed to Qorilugud Buhoodle

Recommended Posts

Saalax   

Burco,(Qaran news)-Shir ay maanta ay beesha Western Burco isugu timid magaalada Burco ee gobolka Togdheer ayaa ay ka soo saareen baaq nabadeed, kaasi oo ku waajahan labada beelood ee oodwadaagta ah ee wada deegaanka Buuhoodle ee dhawaan colaadu ku dhex martay degaanka Kalaashi iyo Maygaagle.

 

Labdaas beelood oo ka soo kala jeeda deegaanka Qoorilugud iyo Buuhoodle, ayaa waxa kulankaasi maanta ay isugu yimaadeen odayada wax garadka cuqaasha oo uu hogaaminaayay suldaanka guud ee beelaha Western Burco Suldaan Cismaan Suldaan Cali Madar.

 

Suldaanku bisga oo baaq nabadeed u diraaya labada beelood ee oodwadaagta ah waxa uu ugu baaqay in ay nabada dhowraan oo aan qoriga caaradiisa waxba lagu xalin ee uu caqligu shaqeeyo, suldaanku waxa uu ku baaqay in uu caqligu shaqeeyo oo laga taliyo mustaqbalka oo loo taliyo inta nool oo nabad lagu wada noolaado.

 

Baaqa noocani waa kii ugu horeeyay ee ay soo saaraan beel ka mid ah beelaha wada dega gobolka Togdheer isla markaana beelaha Western Togdheere ay degaan badiba gobolada Somaliland oo dhan.

 

Suldaan Cismaan Suldaan Cali ayaa ka mid ah Salaadiinta aadka looga qadariyo guud ahaan Somaliland isla markaasna magacweyn oo soo jireen ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this