Sign in to follow this  
Maaddeey

70 Xildhibaan: Guddoon Baarlamaan oo cusub ayaan dooraneynaa

Recommended Posts

Maaddeey   

kullanka Baarlamaanka

 

Waayahanba waxaa jiray muran xoog leh oo ku saabsan shir guddoonka baarlamaanka ku meel gaarka ah ee Soomaaliya.

Iyadoo sidaasi jirtay ayaa maanta waxa ay ilaa 70 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Somaalida ay sheegeen in shir guddoon cusub la dooran doono haddii uu qabsoomo fadhiga baarlamaanka beri.

 

Haddaba goor galabta ayaa Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo sii haya haya xilka guddoomiyaha, Maxamed Cumar Dalxa wuxuu sheegay in dib loo dhigay fadhigii baarlamaanka ee uu horay isagu u sheegay in uu qabsoodi doono beri oo talaaddo ah.

 

Fadhiga baarlamaanka, ayaa muddo dhowr bilood ah wax kulan ah yeelan, iyadoo fasiraado kala duwan laga bixiyay sababta uu u qabsoomi waayay fadhigoodu.

 

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa sababaha hadda dib loogu dhigay fadhiga baarlamaanka ku sheegay in ay tahay sababo farsamo, mana sheegin xilliga uu dib u qabsoomi doono kullanka Baarlamaanka Soomaalida.

 

Dhowr jeer oo horay oo la isugu yeeray baarlamaanka, ayaa fadhigoodi qabsoomi waayay sababo kala duwan.

 

Faafaahinta warkaa ka dhageysa BBCSomali.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Xildhibaanno kulan ku yeeshay Muqdisho oo sheegay inay dooran doonaan guddoomiye cusub oo guddoomiyaha fadhiyada Baarlamaanka

 

Isniin, April 05, 2010 (HOL) In ka badan 75-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shir jaraa'id oo ay maanta ku qabteen Hotel Wehliye ee Magaalada Muqdisho waxay ku sheegeen inay kulanka ugu horreeya ee uu yeelanayo baarlamaanka ay ku dooran doonaan Guddoomiye Cusub.

 

Mudanayaashan ayaa shirkooda jaraa'id ku sheegay in Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) uu xilligisii dhamaaday, sidaa daraadeedna ay waajib tahay inay doortaan Guddoomiye KMG ah inta ay ka dooranayaan guddoomiye cusub.

 

Xildhibaan Cumar Islow oo ku hadlay Afka mudanayaasha kulankan yeeshay ayaa sheegay inay ka go'an tahay in berri ay u doortaan Guddoomiye KMG ah ninka ugu da'da weyn Baarlamaanka inta ay ka dooranayaan guddoomiye cusub, isagoo xusay in go'aankooda uu saleysan yahay sharciga u dagan Baarlamaanka.

 

"Iyadoo la dhowrayo Axdiga KMG ah ee dalka u dagsan waxaa waajib ah inaan berri dooranayno guddoomiye cusub maadaama uu waqtigii Guddoomiyaha xilligan uu dhamaaday, waxaana u raacaynaa Axdi hoosaadka Baarlamaanka qodobdkiisa 13-aad farqraddiisa 5-aad iyo Qodobka 32-aad ee Dastuurka dalka u dagsan" ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow.

 

Mudane Islow oo ah Xoghayaha Baarlamaanka wuxuu carrabka ku dhajiyay in tani ay tahay sharci ay u marayaan inay ku badbaadiyaan howsha uu Baarlamaanku hayo, isagoo sheegay in haddii go'aankooda la diido ay dowladda oo dhan burburayso.

 

"Guddoonkii hore ee Baarlamaanka waa inay sharciga ilaaliyaan, waayo waxaa horay u tagay Madaxweynayaan iyo xubno, iyaguna waa inay sharciga dhowraan, isagoo kula taliyay Madaxda Dowladda inay dhowraan Ammaanka goobta" ayuu yiri Mudane Cumar Islow oo Xildhibaanadan waxay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu horay uga sheegay in xilligiisa uu dhamaad ku dhowyahay, uuna dib ugu soo sharraxayo inuu xilkaas qabto.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this