Sign in to follow this  
Jacaylbaro

HE DID NOT MEAN THAT

Recommended Posts

Mogadishu 03, Jan.07 ( Sh.M.Network) – Wasiirka arimaha gudaha ee dowladda KMG ah ee Somalia, Inj Xuseen Max'ed Ceydiid ayaa maanta sheegay in si qaldan loo fahmay hadalkii uu sheegay shalay ee ahaa in la baabi'iyo xuduudaha Somalia iyo Ethiopia, midna laga dhigo Baasaboorada labada dal. Hadalkaan ayuu maanta ka sheegay kulan uu ku qabtey magaalada Muqidsho.

 

 

Inj. Xuseen Max'ed Ceydiid

Ra'isulwasaare K/xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Somalia ayaa sheegay in hadalkii shalay uusan aheyn sida ay dad badan u fahmeen.

 

Isagoo ka hadlay kulan ay ka qeyb qaateen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda ayaa waxa uu tilmaamay in xuduuda la baabi'inayo uusan ula jeedin in Somalia lagu darayo Ethiopia, balse uu ula jeeday in la abuuro kalsooni cusub oo dhex marta labada shacab ee Somalia iyo Ethiopia.

 

Dhinaca Baasaboorka ayuu sheegay in aysan aheyn in la qaadanayo baasaboor Ethiopian ah, laakiin ay tahay in la yeelan karo mid mideysan sida dalalka Yurub.

 

Waxa uu ku eedeeyay saxaafadda in ay u fasirteen hadalkiisa si qaldan, isagoo ugu baaqay in ay ilaaliyaan wax kasta oo keeni kara khilaaf.

 

Waxa uu ku celceliyay in uusan dhihin Somalia hala gumeysto, waligiisna aanu dhihi doonin.

 

Dhinaca kale qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalkii shalay ka soo yeeray Ing. Xuseen ceydiid ee ahaa in la baabi'iyo xuduudaha Somalia iyo Ethiopia, iyagoo codsaday in ciidamo shisheeye la keeno dalka Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this