Sign in to follow this  
General Duke

President Yusuf welcomed by more than 160 MP's at 1.30 am

Recommended Posts

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Oo Nairobi Dib ugu Soo laabtay

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo qeyb ka mid ah waftigiisii ayaa xalay goor dambe dib ugu soo laabtay magaalada Nairobi kadib markii ay kasoo kicitimeen dalka Liibiya oo ay mudo tobon casho ah ku sugnaayeen.

 

Madaxweynaha ayaa markii uu ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee JKIA waxaa ku soo dhaweeyey xildhibaano iyo wasiiro isku jira oo tiradoodu kor u dhaaftay 160 xildhibaan.

 

MadaxweyaneCabdullaahi Yuusuf ayaa in mudo ahba laga sugayey magaalada Nairobi si loo soo afjaro khilaafka hareeyey madaxda iyo xildhibaanada dowladda dibad jooga ah.

 

Waxaa la filayaa in goob-joogayasha caalamig ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya ee loo yaqaan IPF inay waqtiga ugu dhaqsaha badan isku soo horfariisin doonaan gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Adan iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ayagu kala hogaaminaya labada dhinac ee ay dolwddu u qeybsan tahay.

 

Wararku waxaa kale oo intaas ay ku daraayaan in ay jiraan xildhibaano badan oo isbadalay kadib markii ay ka war heleen in madaxweyne Cabdullaahi Yusuf soo helay lacag taageero ah oo ay dowladdiisu u isticmaalayso dib ugu laabashada dalka gudihiisa.

 

Gedonet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nairobi: Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya oo ka Degay Nairobi

- Friday, April 08, 2005 at 04:53

 

Nairobi (AllPuntland) - Wafti uu hogaamnayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa qiyaastii 1:30 caawa waqtiga Geeska Afrika soo cagadhigtay geggida diyaradaha Jomo Kenyata ee Nairobi, caasimadda dalka Kenya.

 

Waftiga Madaxweynaha oo aad u koobnaa, ayna ku weheliyeen Madaxweynaha tiro yar oo shaqaalihiisa khaaska ah ayaa waxaa ku soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyata in ka badan 160 xildhibaan oo ka tirsan Golayaasha Wakiilada iyo Wasiirada ee Dawladda iyo Xukuumadda FKG Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa mid mid u gacanqaaday dadkii ku soo dhaweeyey madaarka Jomo Kenyata isaga oo la kaftamayey, weedhana ay is-dhaafsanayeen xubno ka mid ah golayaasha dawladda.

 

Waxaan aan ka dhexmuuqan xildhibaanada qaabilay waftiga Madaxweynaha Ra'iisal Baarlamaanka Soomaaliya Md. Shariif Xassan iyo tiro yar oo ka mid golaha wakiilada.

 

Waxaa daka Libya ku sugnaa labadii usbuuc ee la soo dhaafay wafti balaaran oo ka socda Dawladda Soomaaliya ayna hogaaminayeen Madaweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo ku Xugeenadiisa, Wasiirada Arimaha Dibedda iyo Maaliyadda, iyo xubno kale oo ka tirsan labada Golle ee Dawladda oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxda Jamaahiirta Carbeed ee Libya.

 

Madaxda labada dal ayaa wadahadaladoodu ku salaysnaayeen iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhexmarta labada Ummadood, taageero dhaqaale iyo mid ciidan oo Libya ay u fidiso Soomaaliya, Xukuumadda Madaxweyne Gadaafi oo dawr firfircoon ka qaadata dib u heshiisiinta garbaha ku hardama siyaasadda Soomaaliya, iyo sidii wadamada ku midoobay Ururada Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabtu ay kaalin taam ah uga qaadan lahaayeen dib u dhiska Dawlad Soomaaliyeed iyo hirgelinta arkaanta bud-dhiga u ahaa shirkii dib u heshiisiinta ee dhalay dawladda iyo xukuumadda Soomaaliya.

 

Wadamo Carbeed oo ay ugu horeeyaan Libya, Sudan, Yemen iyo Sucuudiga ayaa ballan qaaday in ay taageero dhaqaale iyo ciidanba u fidin doonaan dawladda Soomaaliya.

 

Sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan waftiga dawladda Soomaaliya ee booqashada ku joogay Libya, waxaa lagu wadaa in wafti balaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayna weheliyaan ku Xigeenadiisa Xuseen Maxamed Caydiid iyo Salim Aliyow Ibrow ay ku soo fool leeyihiin Nairobi maalmaha soo socda.

 

Sidoo kale wafti uu hogaaminao Wasiirka Arimaha Dibedda Md. Cabdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa lagu wadaa in ay u kicitimi donaan dalka Talyaaniga halkaas oo ay kaga qaybgali doonaan aaska Wadaadkii Diinta Masiixiga ah, faraca Katoliga Pope John Paul oo dhawaan ku geeriyooday mandaqadda Vatican-ka. Aaska ayaa waxaa uu kulmin doonaa Madaxda Diinta iyo kuwa Siyaasadda ee wadamada Caalamka.

 

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa ka soo duulay Triopli, Libya oo ay booqasho hawleed ku joogeen muddo laba usbuuc ah.

 

Waftiga ayaa ku soo hakaday magaalada Kampala ee dalka Ugandha halkaas oo la sheegay in ay wadahadlo kula yeesheen xubno ka tirsan xukuumadda Ugandha.

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah ee Soomaaliyeed oo dib ugu soo laabtay Nairobi

Posted to the Web Apr 08, 08:00

 

 

Nairobi:-Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah Cabdullaahi yuusuf Axmed ayaa xalay 1:30 habeynimo saqdii dhexe ka soo degay Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta Internataional Airport ee magaalada Nairobi,isagoo ka soo laabtay socdaalo uu ku kala bixiyey qaar ka mid ah dalalka Carabta.

 

Madaxweynaha iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa waxay ka qabqaleen shirkii Madaxweynayaasha dalalka Jaamacadda Carabta uga furmay 21kii bishii tagtay magaalo madaxda dalka Aljeeriya ee Aljeris,iyadoo warmurtiyeedkii Madaxda Jaamacadda Carabta kulankaasi ka soo saareen ku sheegay in Soomaaliya laga taageero dhinacyada dhaqaalaha,siyaasadda,farsamada iyo ammaanka,waxayna weftiga Madaxweynuhu u sii gudbeen dalka liibiya,waxaana weftigaas ku biiray wefti balaaran oo uu hoggaaminayo Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah Cali Maxamed Geedi.

 

 

Madaxda sar sare ee soomaaliyeed ayaa waxay kulamo kala duwan la yeesheen Madaxweynaha dalka Liibiya iyo Madaxda dalkaasi,iyadoo waxyaalihii la isla soo qaaday ay ak mid ahaayeen sidii dalka Liibiya taageero buuxda ugu fidin lahaa Dawladda FKMG ah,islamarkaasna dalka liibiya gacan uga geysan lahaa sidii Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda Afrika iyo Jaamacadda Carabta.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo safar gaaban ku soo maray Dalka Uganda,ayna Wafuudii la socotay uga hareen Liibiya ayaa waxaa ku soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Xubno isugu jiray Golaha baarlamaanka iyo Wasiirada,isagoo markaas ka dib u gudbay Aqalka uu ka degen yahay Magaalada Nairobi,waxaana lagu wadaa in Weftigii balaarnaa ee ku haray Tripoli ee uu ka mid yahay Ra'iisal wasaaraha Xukuummadda FKMG ah inay ka soo dagaan Nairobi maalinta Axadda ah ee soo socota.

 

Soo laabashada Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ee Magaalada Nairobi ayaa waxay ku beegantay xili qaarka mid ah Xildhibaanada FKMG ah u kicitimeen Magaalada Muqdisho,iyadoo halkaasi uga sii horreeyeen dhawr iyo toban Xildhibaan,islamarkaasna ay jiraan khilaaf soo xooggaysanaya oo u dhexeeeya Golaha baarlamaanka iyo Wasiirada.

 

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

I hope to see some real peace building intiatives happening from now on. I truly hope the president shies away from introducing anymore counter-peace policies that risk jeopardizing the peace process.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Wafti uu Hogaaminayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya oo ka Degay Nairobi

Warkii: Apr 07, 2005

 

Nairobi (Radiossc.com):- Wafti uu hogaamnayo Madaxweynaha DFKG Soomaaliya Md. Cabdullahi Yusuf Axmed ayaa qiyaastii 1:30 subaxnimo, waqtiga Geeska Afrika soo cagadhigtay geggida diyaradaha Jomo Kenyata ee Nairobi, caasimadda dalka Kenya.

 

 

Waftiga Madaxweynaha oo aad u koobnaa, ayna ku weheliyeen Madaxweynaha tiro yar oo shaqaalihiisa khaaska ah ayaa waxaa ku soo dhaweeyey madaarka caalamiga ah ee Jomo Kenyata in ka badan 160 xildhibaan oo ka tirsan Golayaasha Wakiilada iyo Wasiirada ee Dawladda iyo Xukuumadda FKG Soomaaliya.

 

Madaxweynaha ayaa mid mid u gacanqaaday dadkii ku soo dhaweeyey madaarka Jomo Kenyata isaga oo la kaftamayey, weedhana ay is-dhaafsanayeen xubno ka mid ah golayaasha dawladda.

 

Waxaan aan ka dhexmuuqan xildhibaanada qaabilay waftiga Madaxweynaha Ra'iisal Baarlamaanka Soomaaliya Md. Shariif Xassan iyo tiro yar oo ka mid golaha wakiilada.

 

Waxaa daka Libya ku sugnaa labadii usbuuc ee la soo dhaafay wafti balaaran oo ka socda Dawladda Soomaaliya ayna hogaaminayeen Madaweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo ku Xugeenadiisa, Wasiirada Arimaha Dibedda iyo Maaliyadda, iyo xubno kale oo ka tirsan labada Golle ee Dawladda oo kulamo gooni gooni ah la yeeshay Madaxda Jamaahiirta Carbeed ee Libya.

 

Madaxda labada dal ayaa wadahadaladoodu ku salaysnaayeen iskaashi dhaqan-dhaqaale oo dhexmarta labada Ummadood, taageero dhaqaale iyo mid ciidan oo Libya ay u fidiso Soomaaliya, Xukuumadda Madaxweyne Gadaafi oo dawr firfircoon ka qaadata dib u heshiisiinta garbaha ku hardama siyaasadda Soomaaliya, iyo sidii wadamada ku midoobay Ururada Midawga Afrika iyo Jaamacadda Carabtu ay kaalin taam ah uga qaadan lahaayeen dib u dhiska Dawlad Soomaaliyeed iyo hirgelinta arkaanta bud-dhiga u ahaa shirkii dib u heshiisiinta ee dhalay dawladda iyo xukuumadda Soomaaliya.

 

Wadamo Carbeed oo ay ugu horeeyaan Libya, Sudan, Yemen iyo Sucuudiga ayaa ballan qaaday in ay taageero dhaqaale iyo ciidanba u fidin doonaan dawladda Soomaaliya.

 

Sida ay noo sheegeen xubno ka tirsan waftiga dawladda Soomaaliya ee booqashada ku joogay Libya, waxaa lagu wadaa in wafti balaaran oo uu hogaaminayo Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayna weheliyaan ku Xigeenadiisa Xuseen Maxamed Caydiid iyo Salim Aliyow Ibrow ay ku soo fool leeyihiin Nairobi maalmaha soo socda.

 

Sidoo kale wafti uu hogaaminao Wasiirka Arimaha Dibedda Md. Cabdullahi Sheekh Ismaaciil ayaa lagu wadaa in ay u kicitimi donaan dalka Talyaaniga halkaas oo ay kaga qaybgali doonaan aaska Wadaadkii Diinta Masiixiga ah, faraca Katoliga Pope John Paul oo dhawaan ku geeriyooday mandaqadda Vatican-ka. Aaska ayaa waxaa uu kulmin doonaa Madaxda Diinta iyo kuwa Siyaasadda ee wadamada Caalamka.

 

Madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa ka soo duulay Triopli, Libya oo ay booqasho hawleed ku joogeen muddo laba usbuuc ah.

 

Waftiga ayaa ku soo hakaday magaalada Kampala ee dalka Ugandha halkaas oo la sheegay in ay wadahadlo kula yeesheen xubno ka tirsan xukuumadda Ugandha.

 

Xigasho-AllPuntland

 

Radiossc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Dayniile

 

War deg deg ah Wafdigii madaxweynah oo soogaaray magalada Nairobi gordhaweyd ayadoona ay buux dhafiyeen xubanaha soo dhaweynaya madaxweynah garoonka uu ka soo dagaya

Nairobi

 

 

 

 

Wafdigii uu hogaaminayey madaxweynah Soomaliya Cabulaahi Yuusuf Axmed ayaa goordhaweyd ka soo dagay garoonka Joma Kenyta ee magalada Nairobi ayadoona halkaasi ay ku soo dhaweyeen xildhibaan iyo wasiiro aad u tira badan oo aan horey loogu arki jirin marka uu soo dagaya madaxweynaha.

 

Dadka soo dhaweyey Madaxweynah caawa ayaa u badan xubnahii xildhibaanada horey uga soo horjeeday dhinaca siyaasada madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf ayadoona la ogeyn wax badalay mooqifkooda lakiinsa waxaa la aminsan yahay xubanah xildhibaanada in ay yihiin mar walba kuwa dhuun raac oo aysan ka aheyn mabda siyasadeed waxa ay uga soo horjedaan .

 

Isla caawa ayaa laga yabaa in ay kulan yeeshaan madaxweynah iyo xubnahii sida aadka ah uga soo horjeeday si ay wax isula dhigaan ayadoona la sii wadi doona kulanka ilaa iyo habeen danbe si meel dhaxo leysugu keena madaxweynah iyo xubnaha sida aadka ah ugu kacsan la kiinsa waxaa la aminsan yahay hadii uu la yimaado madaxweynah qarash in ay wax walba u fududaan doonaan madaama la ogyahay xildhibaanada in ay yihiin kuwa laaluush qatayaal ah oo aan laheyn hadaf siyasadeed mug dheer

 

 

Ku noqo beejka

 

 

webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Saqdii dhaxe ee xalay ku soo

 

Somaliweyn( Nairobi Abril 8, 2005)

 

Madaxwaynaha waxa ay soo cago dhigtay Diyaaradii u lasocday 1,04 Habeenimo waxa uuna la socday diyarad laga leeyahay wadanka Liibiya waxaa Xiligaa ku sugnaa garoonka Diyaaradahe ee JomaKenyata Xubno badan oo ka tirsan labada Gole ee Xiukuumada Federaalka Soomaaliya& Dadweyne Soomaaliyeed.

 

 

Madaxweynaha lama aysan socon Xubnaha labada Golle ee Xukuumada hase yeeshee waxaa la socday 5 Xubnood oo ka tirsn xarunta Madatooyada ee Madaxwaynaha iyo Xafiiska Rasulwasaaraha macada shaqooyinka ay mdaxweynaha uhayaan xubnahani.

 

Si heer sareysa ayaa Madxweynaha Xalay loo soo dhaweeyay iyadoo ay halka Tubnaayeen dad Soomaaliyeed oo ku labisan Fanaadad lagu Buufiyay Suurada Madaxweyna Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaa kaloo soo dhaweynta qeyb wayn ka qaatay Xubno badan oo labada galle ka tirsan waxaana Hogaaminayay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliyeed,Prof Maxamed Cumar Dalxa.

 

Waxaa kaloo Goobta Joogay Safiirka Liibiya ee magaalada Nairobi Rashiid Cali Shariif Soo dhaweynta kama aysan qeyb qaadan Gudoomiyaha Baarlamaanka& Hogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho Madaxweynuhu Markii uu soo dagay ee uSalaamay Marti sharafkii Goobta joogtay waxa uu galay Gaarigiisa isaga oo loo galbiyay Xarunta uu ka daganyahay Magaalada Nairobi Saxaafadana aan wax wara siin.

 

Waxa uu ku soo hakday Wadanka Yugaandha waxa uuna madaxweynuhu Wadanka Liibiya kula kulmay Dhigiisa Mucamar Al Qadaafi iyo Xubno ka tirsan Xukuumada Liibiya isaga oo Booqday Magaalada Sabaraat& Wabiga Sanaaciga ah ee Liibiya intii uusan Liibiya Imaan waxa uu ka soo qeyb qaatay Shirkii Al Jaris ee Madaxda Carabta.

 

Inti Madaxweynaha uu ku maqnaa Safarkiisa waxaa Nairobi ka baxay Xubnoo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliyeed iyadoo lagu wado maalmaha fooda nagu soo hayana in ay baxaan xubno kale hase yeeshee macade sida ay ufaraxgalinayso safrka xubnahan iyagu gaaray Muqdisho& kuwa iminka baxaya.

 

Waxaa horyaala Madaxweynaha Arin adag oo ah sida uu uwajihilahaa baarlamaan xaga Fikirka kukala gadisan iyadoo ay jiraan xubno Baarlamaan oo maalmihii ina dhaafay soo kalla saaray warsaxaafadeedyo kalla horjeeda madaxweynaha lama uusan socon Rasulwasaare Prof Cali Maxamed Geedi.

 

Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi

 

Axmeddheere65@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Madaxweynaha oo Nairobi ka degey

 

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf

Madaxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi Yusuf, ayaa caawa (Khamiis) ka soo degey magaalada Nairobi, xarunta ku meel gaarka ah ee Dowladda iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynuhu ka dib markii uu ka qeyb galay shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay dalka Aljeeriya, waxaa uu ku sugnaa dalka Libya oo uu joogay muddo ka badan 10 maalmood.

 

Maqnaashaha madaxweynaha waxaa u xayirnaa hawlo badan oo ay ka mid tahay sidii loo xallin lahaa khilaafka u dhexeeya xubnaha baarlamaanka dhexdooda iyo kuwa dowladda oo dhinac u badan, hase yeeshee dhinaca kalena ay ku jiraan Ra'iisal Wasaare iyo Wasiirro sare oo qaarkood ay madax u yihiin kooxo hubeysan.

 

Si kastaba ha ahaatee, wasiirrada ku kacsan Madaxweynaha oo markii hore ku hanjabay in ay u amba bixi doonaan magaalada Muqdisho, ayaa hadda waxay u muuqdaan in khilaafka iyaga iyo Madaxweynaha u dhexeeyay ay rajadu badan tahay in ay iska af gartaan.

 

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in diblomaasiyiinta dalalka deeqdaa bixiyaa ay arkeen labada dhinac ee baarlamaanka ee is haya, isla markaana ay u sheegeen in labada midna la taageeri doonin haddii ay khilaafkooda xallin waayaan.

 

Madaxweynuhu intii uu joogay Libya waxaa uu la kulmay hoggaamiyaha Libya Mucamar Qaddaafi, oo sida la sheegay ku ballan qaaday in uu taageero u fidiyo dowladda cusub ee Soomaaliya.

 

Wafdiga Madaxweynaha oo markii uu ka soo kicitimayay Tripoli uu soo sagootiyay wasiirka arrimaha dibadda ee Libya, waxaa Tripoli uga haray Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, cali Maxamed Geeddi iyo wafdi uu hoggaaminayo.

 

Madaxweynuhu waxaa uu ku soo hakaday dalka Uganda, halkaas oo uu wadahadal kula yeeshay, Ali Kirunda Kivejjinja, oo ah mas'uul sare oo ka tirsan dhaqdhaaqa ka taliya Uganda.

 

Madaxweynuhu waxaa uu u sheegay mas'uulkaas in uu hadda ku kalsan yahay, wakhtigii ay ciidammada nabad kaabiddu ay tegi lahaayeen Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this