Sign in to follow this  
Kamaavi

Gaandhi oo ka Hadlay Caqabadaha Dowladda Iyo Ciidanka Kenya Lagu Tooba-Barayay.

Recommended Posts

Kamaavi   

Gaandhi oo ka Hadlay Caqabadaha Dowladda.

 

Prof. Gaandhi wuxuu kaloo sheegay in beesha caalamku aysan daacad ka ahayn inay dowladda KMG ah kala shaqeeyaan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya

 

Abdulkadir Nunow | Washington, DC. Sabti, 10 July 2010

 

Wasiirkii hore ee gaashaan dhigga ee dowladda KMG ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cabdi Gaandhi ayaa ka hadlay caqabadihii ka horyimid dowladda KMG ah, markii lagu biiriyay xubnihii Isbahaysiga dib u xoreynta ee u soo wareegay Jabuuti.

 

 

Prof. Gaandhi oo haatan ku sugan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa ka qeybgalay kulan ballaaran oo shalay ka dhacay magaaladaasi, oo ay ka qeybgaleen Soomaali aad u tiro badan oo gobollo kala duban ka timid.

 

 

Wareysi uu siiyay VOA-da, wuxuu Prof. Gaandhi kaga warbixiyay ujeedada kulankaasi ka dhacay magaalada Minneapolis, wuxuuna sheegay in looga hadlayay arrimo badan oo ay ugu muhiimsanaayeen Wadaniyadda,

 

Federaalism-ka caqabadihii ka horyimid dowladda KMG ah, wixii ka dambeeyay markii lagu biiriyay Isbahaysigii mucaaradka.

 

 

Wadaniyadda

 

 

Isagoo ka hadlaya arrimaha la xiriira wadaniyadda, wuxuu Soomaalidii ka qeybgashay kulankaasi uu si gaar ah u xusuusiyay in ay xisaabta ku darsadaan inay ka qeyb qaataan sidii dalkooda nabad loogu soo dabaali lahaa. Wuxuu sheegay in sanad walbaa ay Soomaalidu dalka u xawilaan malaayiin dollar, sidaasi darteed aysan habooneyn oo keliya inay masaariif xawilaan, balse ay ku daraan inay lacago tabarrucaad ah oo aan qofka shakhsi ahaan wax weyn ka go’ayn, balse marka laysu geeyo ay wax u qaban karto Soomaaliya.

 

 

Federaalism

 

 

Prof. Gaandh wuxuu arrimaha federaalismka ka sheegay inay tahay arrin dastuuri ah oo ay tahay in dalka laga hirgeliyo nidaamka ismaamul goboleedyada hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Wuxuu si gaar ah uga hadlay maamul goboleed loo sameynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu sheegay in dadka qaarkii ay si khalad ah u fasireen. Wuxuu xusay in maamul goboleedka loo dhisayo gobolladaasi aysan ku saleysneyn qabiil, balse ay tahay in dadka degan gobolladaasi ay sameystaan maamul goboleed hoos yimaada dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

 

Wuxuu soo hadal qaaday ciidamo dalka Kenya lagu tababarayo oo uu sheegay in gobolladaasi ay ka hawlgeli doonaan, si ay uga saaraan ayuu yiri kooxaha mucaaradka ee dowladda ka soo horjeeda ee gobolladaasi haysta.

 

 

Caqabadaha Dowladda

 

 

Tan iyo markii dowladda kmg ah lagu soo biiriyay isbahaysigii mucaaradka ee uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan madaxweynaha Soomaaliya ah, ayuu wuxuu sheegay in dowladdu ay caqabado la kulantay.

Caqabadahaasi ayuu Prof. Gaandhi ku sheegay inay ka mid yihiin; mideynta ciidamadii maxkamadaha iyo kuwii dowladda KMG, wadashqeynta xildhibaanadii baarlamaanka dowladda iyo kuwii lagu soo biiriyay ee ka yimid mucaaradka iyo beesha caalamka oo uu sheegay inaanay daacad ka ahayn inay la shaqeyso dowladda KMG ah, si dalka nabad loogu soo dabaalo.

 

 

Wuxuu sheegay in Beesha Caalamku ay dooneyso inay Soomaaliya ka maamulaan Nairobi, sidaasi darteed aanay dooneyn inay xafiisyadooda u soo raraan Muqdisho.

 

VOA

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Munaasabad lagu soo dhaweynayey Prof.Gaandi oo ka dhacday magaalada Minneapolis

 

 

Waxaa lagu qabtay hall-ka xafladaha ee muqdisho Mall ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesoto munaasabad si qiimabadan loo soo abaabulay , taas oo lagu soo dhaweenayay Prof. Maxamed Gaandi.

 

Xafladan oo uu daadihinayay Col. C/laahi Ciil-mooge ayaa waxaa lagu bilaabay ayaado Qu aan ah kadibna loo sii gudbiyay agandihii shirka oo wararkiisu u badnaayeen arimaha Jubooyinka. Hallka shirka oo la ciir ciirayay dad badan ayaa sugi lahaa inta uu microfoonka keela wareegayay Prof . Gaandi iyada oo ay dadku xiiseenayeen , kana wardhawrayeen waxa uu Prof. Gaandi ka sheegi doono Soomaaliya iyo gobolada Jubooyinka.

 

Ciilmooge oo si qurux badan u daadihinayay hanaan socodka shirka ayaa markii uu ku so dhaweeyay Prof. Gaandi waxa isxidhay sawaxan iyo sacabo tun, taas oo Odayga ku reebtay fajac iyo farax waxayna ilowsiisay safarkii dheeraa ee uu ku soo jiray taniyo ilaa intii uu ka soo galayay hallka shirarka. Markii lagu soo dhaweeyay Gaandi hadalka wuxuu markiiba guda galay arrimaha Soomaaliya oo uu si kooban uga hadlay iyo warbixintii Jubooyinka oo uu ku dheeraaday. Waxaa hadalaiisa kamid ahaa : "Anigu waxa aan waligay diidanaa arinta federalka lakiin hada waan ogolahay sababatuna waa iyada oo ay ii muuqanin wax kale oo lagu badan karo , hadiise uu jiro Nimdan ka fiican oo aan ku badalankarno , markaa uma baahnin arrinta federl."

 

Waxaa kale oo uu Prof. Gaandi ka hadlay , cadeeyayna in ay diyaariyeen 69 oday dhaqmeed , 22 gudoomiye iyo G.Ku xigeeno ah , 28 ka tirtan Baarlamaanka isaga oo sii raaciyay in ay dhawaan ku dhawaaqi doonaan maamul goboleed ka kooban Juboyinka , kaas oo ay u wada dhanyihiim dhamaan qabaa;lada dega Jubooyinka. " waa laga yabaa in aad maqashaan dad ku sheekaynaya in ay ka soo horjeedaan barnaamijkan , lakiin waxa aan idiin cadaynayaa in dadka guduhu ay 100%ay hawshan taageersanyihiin ".ayuu sii raaciyay Gaandi hadakiisii.

 

Iswaraysi dheer iyo kala warqadasho kadib Prof. Maxamed Gaandi waxa uu guda galay in u ka jawaabo su;aali ka soo dhacayay dhanwalba oo ka tirsan Hallka,waxaana la isku balansaday maalinta beri ah(shalay) oo sabti ah , kaas oo ay ka soo qaybgali doonaan dhamaan Soomaalida degen Magaalada Mineapolis iyo degmooyinka u dhadhaw.

 

Luqmaan Xakiinfaafin

Dhanaan.com

Minneapolis

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Professor Gaandhi oo Gaaray Gobalka Sandeigo Ee Maraykanka.

 

Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Dowllada Soomaaliya Professor Maxamaed Cabdi Gaandhi ahaana Wasiirkii Gadiidka Iyo Isgaarsiinta oo Safar Booqasho ku Joogay Dalka Maraykanka ayaa Maanta Duhurnimadii ka Degay Gobalka Sandeigo ee Maraykanka halkaas oo Pro Gaandhi ay ku soo Dhaweeyeen Salaadiinta, Cuqaasha, Iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee ka soo Jeeda Goballada Jubooyinka ee Soomaaliya.

 

Safar midkan la mid ah ayuu Gaandhi ku soo maray Magaalada Mennapolis ee Carriga Maraykanka halkaas oo si Qarranimo Lagu soo Dhaweeyay Kana Xalka Soomaaliya. Gaandhi ayaa Qado Sharaf kadib Wuxuu qaabilay Dadwaynhii Goobtaas ku sugnaa oo si xoogan oogu Xiisa Qabay Inay Gaandhi la Kulmaan oogana Waramo Xaalada Goballada Jubooyinka ee Dadkaas ka soo Jeedeen.

 

Sidoo kale Gaandhi ayaa Magaalada Sandiego wuxuu ku qaabilay Cuqaasha kuwaas oo Garoonka Diyaarada ku soo Dhaweeyay wuxuuna kadib Yimaadeen Meesha loogu talagalay Gaandhi inuu Dad waynaha Doonayay Inay la Kulmeen kula hadlo. Kulamadan ayaa ahaa Kuwo Hordhac ah oo uu Cuqaasha Isku Salaamayeen Iyo Dadka, waxaana la qaban qaabinayaa shir wayn oo ay ka soo qayb galaan Dhamaan Bulshada ka soo Jeeda Goballada Jubooyinka Maalinka Isniinta ah

 

 

******today

 

SANDEGIO..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this