Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

The president of Somaliland invites Members of parliament PICS

Recommended Posts

Hargeysa: Madaxwayne Siilaanyo Oo Maanta Qado-sharaf Ku Qaabilay Golaha Wakiilada Somaliland iyo Dulucda Kulankooda + SAWIRO

 

Hargeysa (Oodweynenews)- Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta markii ugu horeysay kulan qado-sharaf ah u sameeyey Shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland.

 

 

Kulankan qado-sharafta ahaa oo ka dhacay Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa, oo ahaa mid albaabadu xidhnaayeen oo aan warbaahinta loo ogolayn, isla markaana soconayay muddo dhawr saacadood ah, ayaa waxa ka soo qaybgalay Xildhibaanada Golaha oo uu horkacayay Gudoomiyaha Golaha Md. Cabdiraxmaan Ciro iyo Gudoomiye ku xigeenka 1-aad Md. Cabdicasiis Maxamed Sameele.

 

Waxaana ujeedada kulankan daarnayd isbarasho dhex-martay Golaha Wakiilada iyo Madaxweynaha iyo Xukuumadiisa, isla markaana uga wada hadli lahaayeen sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen danaha shacabka Somaliland.

 

 

Waxa kale oo mudanayasha golaha Wakiilada qaarkood halkaas ka soo jeediyeen hadalo kala duwan kuwaas oo qaarkood ahaayeen tallo loo jeedinayo Madaxwaynaha cusub ee dalka dhawaanta loo dhaariyay Md Axmed Siilaanyo.

 

 

Xildhibaanada golaha ee halkaas ka hadlay ayaa Madaxwayne Axmed Siilaanyo kula taliyay inuu ku dadaalo sidii uu uga dhabayn lahaa balan-qaadyadii uu hore ugu qaaday shacabka somaliland kuwaas oo hadda u baahan in isbadal dhinacyo badani ahi uu dalka ka dhaco.

 

 

DSC06316.jpg

Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaguna qadada ka dib xildhibaanada Golaha khudbad kooban u jeediyay ayaa la sheegay inuu sharaxaad dheer ka bixiyay waxyaabaha u qorshaysan inay dalka ka qabtaan maalmaha ugu horeeya ee xukunkiisa.

 

 

Madaxwayne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu golaha Wakiilada ka dalbaday maadaama oo uu xukuumad kooban soo dhisay inay niyad sami ah ula shqeeyaan, si la isugu kaashado horumarka la doonayo in dalka la gaadhsiiyo.

 

 

 

 

DSC06303.jpg

 

 

DSC06322.jpg

 

DSC06308.jpg

 

DSC06296.jpg

 

DSC06311.jpg

 

 

DSC06307.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Oo Wakiilada Ka Dalbaday Inay Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyaan Golahiisa Wasiirada Iyo Nuxurka Qoddobada Wada Hadalkooda

 

Hargeysa, August 3, 2010 (Haatuf)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay kulan uu la yeeshay mudanayaasha Golaha Wakiilada oo uu hogaaminayaan shirguddoonka golahaasi waxa uu kaga codsaday inay cod aqlabiyad ah ku meel mariyaan ansixinta golihiisa wasiirada ee uu dhowaanta soo dhisay.

 

Kulankan oo uu madaxweynuhu qado sharaf ugu sameeyey xildhibaanada Wakiilada oo ka dhacay Ambassador Hotel ee magaalada Hargeysa ayaa waxa kale oo uu madaxweynuhu ka dalbaday Golaha Wakiilada in xidhiidhkoodu noqdo mid wada shaqeyneed oo ka duwan kii u dhexeeyey xukuumaddii Madaxweyne Rayaale.

 

Kulankaasi madaxweynaha waxa ku wehelinayey Madaxweyne Ku Xigeenka, C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Chief of Cabinet-ka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Kulankan oo albaabadu u xidhnaayeen, isla markaana Saxaafadu dibada ka joogtay ayaa socday muddo saacad iyo badh ah waxaana sida warar ku dhow-dhow Mudaneyaasha Golaha Wakiiladu ay sheegayaan, Madaxweynaha cusubi waxa uu ka dalbaday Golaha Wakiiladu inay codka kalsoonida ay siiyaan xukuumadiisa oo ay ansixiyaan dhamaan 26-ka xubnood ee uu Golaha Wasiirada u soo magacaabay todobaadkii hore.

 

Warku wuxuu intaasi ku daray in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu Golaha u soo jeediyay in kor loo sii qaado xidhiidhka labada dhinac isla markaana meesha laga saaro xidhiidhkii hooseeyay ee ka dhexeeyay Xukuumadii hore ee Madaxweyne Rayaale.

 

Waxa la sheegay in Kulankaasi ay ka hadleen Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilahi iyo Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Md. C/Casiis Maxamed Samaale, oo ka hadlay kulankaasi ayaa Madaxweynaha iyo Ku Xigeenka cusub uga mahad celiyay marti qaadka ay u fidiyeen Golaha Wakiilada isla markaana soo dhaweeyay in xukuumada iyo Goleyaasha sharci dejintu ay wada shaqeeyaan waajibaadka qaran ee ay ummadda uga masuulka yihiin.

 

Kulankan oo xukuumada iyo Golaha Wakiilada midna ka hadlin ayaa la sheegay inuu ku dhamaaday inay labada dhinac isku afgarteen in laga wada shaqeeyo danaha dalka.

 

Qaar ka mid ah xildhibaanadii ka qayb galay kulankaasi oo aanu wax ka weydiinay arrimaha kale ee ay ka wada hadleen labada dhinac ayaa iyagu ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan kulankaasi.

 

Kulankan oo ah kii ugu horeeyey ee dhex mara madaxweyne Siilaanyo iyo Wakiilada tan iyo intii xilka loo dhaariyay madaxweynaha ayaa dadka siyaasada falanqeeyaa ku tilmaameen inuu xambaarsanaa siyaaasad qunyar socod ah oo Siilaanyo ku doonayo inuu ku hantiyo kalsoonida aqlabiyada Golaha Wakiilada oo tiir dhexaad u ah hawlo badan oo fulintooda laga sugayo madaxweynaha.

 

Madaxweynihii hore ee Somaliland,Daahir Rayaale Kaahin, ayaa isagu ku guul dareystay inuu xidhiidh wanaagsan la yeesho Golaha Wakiilada oo u badan xildhibaano ka soo jeeda labada xisbi mucaarid ee Kulmiye iyo UCID, taasoo markii dambe ee xidhiidhkoodu aad u sii xumaaday ay gaadhay heer xukuumaddu Golaha Wakiilada albaabada u laabto isla markaana furitaankiisii uu dhiig ku daatay.

 

Dhanka kale sida ay Haatuf u sheegeen ilo xogogaal ah oo ku dhow xisbiga Kulmiye, waxa toddobaadkan bilawgiisii shirar hoose u socdeen qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada iyo hogaanka sare ee xisbiga Kulmiye oo uu hogaaminayo guddoomiyaha koowaad ee xisbiga Kulmiye,Muuse Biixi Cabdi, taas oo la sheegay in Muuse Biixi uu ka codsanayay xubnaha Wakiilada in aanay ansixinin wasiirada Maaliyada iyo Arrimaha Gudaha,Eng.Maxamed Xaashi Cilmi iyo Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, kuwaasoo ay ku eedaynayeen in xukun maxkamadeed ku dhacay isla markaana ay waajib tahay in aan la ansixinin.

 

Hogaanka xisbiga Kulmiye ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu ku dhawaaqin golahiisa wasiirada,waxay cadaadis weyn ku saareen inuu ka qayb galiyo xukuumada ama uu kala tashado xubnaha uu magacaabayo, taas oo madaxweynuhu gaashaanka ku dhuftay isla markaana uu magacaabay xukuumadiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Xog-waramay Kulankii Qado-sharafta Ahaa Ee Shalay Dhex-maray Madaxweynaha Iyo Golaha

 

 

Hargeysa (Oodweynenews)- Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro], ayaa tibaaxay in kulankii qado-sharafta ahaa ee uu shalay Golaha Wakiilada u sameeyey Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo uu ahaa fursad is-barasho oo laba dhinac dhex-maray.

 

Gudoomiye Cirro oo galabta u warayay idaacada bbc-da, ayaa taafaasiil dheeraad ka bixiyey kulankaas dhex-maray Golaha iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo, waxaana uu yidhi “sida aad ka war qabtaan waxa dhalatay xukuumad cusub iyo Madaxweyne cusub, oo Madaxweynuhu dhawaan ayuu xilka la wareegay. Golaha Wakiiladuna waa Goliihii sii joogay ee shaqaynayay. Markaa madaxweynuhu waxa uu goostay inuu Golaha oo dhan marti-qaado. Waxaana ay ahayd furashad is barasho iyo soo dhawayn uu soo dhawaynayay Golaha.”

 

Mar uu gudoomiyuhu ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in Madaxweynuhu si gaar ah uga codsaday Golaha inay u ansixiyaan xubaha Wasiirada iyo Wasiir ku xigeenada, waxa uu yidhi “Runtii Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ixtiraamayo Waajibaadka dastuurigaha ee Golayaasha Qaranku kala leeyihiin, haddii ay tahay Xukuumada iyo Golaha Wakiilada-ba, oo uu mid kasta u ixtiraamayo awooda dastuuriga ah ee dastuurku siiyey. Inkasta oo ay kaftan u badnayd, hadana gunaanadkii Madaxweynuhu waxa uu codsaday in la soo dhaweeyo Golihiisa xukuumada.”

 

Gudoomiyuhu waxa uu ka hadlay dareennada kulan ee laga muujiyey xukuumada Madaxeyne Silaanyo iyo Wasiirada aanay ansixin ee xilalka la wareegay, “Waxa aan qabaa in dad badani dareenkooda muujiyeen oo meeshii [Xukuumada cusub] ay iska filayeen iska waayay inay ku jiraan. Laakiin waxa aanu shacbiga u sheegaynaa in aynaan isku helayn xukuumad kooban oo tayo leh iyo in qoskaa meel helo. Ta labaad waxa weeyaan qaabka nidaamka dawliga ahi waxa weeyaan Marka wasiirka la magacaabo inuu xilka la wareego. Dastuurkuna waxa uu sheegayaa marka la ansixiyo in 30 maalmood gudahood lagu dhaariyo.” Ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cirro.

 

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu ka hadlay qaabka ay noqon doonto wada-shaqaynta Golaha iyo Xukuumada cusub, “Waxa aanu rajaynaynaa in wada-shaqaynta Golaha iyo xukuumada cusubi inay wanaagsanaato, wixii sharci ah-na waanu ku taageeri doonaa wixii sharci darro ah kuma taageeri doono.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this