Sign in to follow this  
GAAROODI

Somaliland approves a new electoral commission.

Recommended Posts

GAAROODI   

Hargeysa(Oodweynenews)- Golaha Wakiilada Somaliland ayaa lagu talo-jiraa in maalinta Sabtida ah ee barrito ay guda-galaan ansixinta xubnaha cusub ee loo soo xulay Komishanka doorashooyinka, iyada isla halkaas guddida arrimaha guduhu ay ku soo bandhigi doonaan macluumaadka iyo CV-yada todobada xubnood ee Guddida doorashooyinka loo soo xulay.

 

Fadhiga uu Guluhu yeelanayo maalinta berrito oo ah fadhi aan caadi ahayn ayay si qumaati ah ugu geli doonaan cod-u-qaadista ansaxinta xubnaha cusub ee komishanka, iyada oo la filayo in goluhu si weyn uga taxa-dirayo ansixintooda. Waxaana halkaas warbixin la xidhiidha macluumaadka iyo xogta Toddobada qof ee loo magacaabay Komishanka doorashooyinka, taas oo ay isku soo dubo rideen Guddi hoosaadka Arrimaha Gudaha ee Golaha Wakiilada, kuwaa oo maalmihii la soo dhaafay kala baadhayay sida xubnahan la soo xulay ay u buuxiyeen shuruudihii laga doonayay xubinimada Komishanka doorashooyinka qaranka ee ku cad xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo Goleyaasha deegaanka.

 

Waxaa kaloo si weyn loo naawilayaa in Goluhu aad uga fiirsanayo ansixinta xubnaha cusub, -mid si aanay u noqon kuwo hadhaw marka shaqo gala qoomamoodo, iyaga oo mid ay cod gacan-taag ah ku ansixin doonaana.

 

Waxaana fadhigan aan caadiga ahayn dalbaday Madaxweyne Daahir Rayaale, oo xlidhibaanada Golaha ka codsay in ay isugu yimaadaan fadhi degdeg ah, si loo ansixiyo xubnaha cusub ee doorashooyinka. waxaana Komishankani waa kii saddexaad ee noociisa ah ee laga hirgeliyay dalka, waxaana komishankan horyaala hawl baaxad leh oo ah in ay dalka ka hirgeliyaan doorashadii madaxtooyada iyadoo lagu salaynayo diiwaan gelintii codbixiyeyaasha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this