Sign in to follow this  
Kamaavi

Diyaarada Jawi Hoose ku socota oo Maanta ku dulwareegeysay Magaalada Kismayo

Recommended Posts

Kamaavi   

talh75.jpg

 

Kismaayo: Diyaarada Jawi Hoose ku socota oo Maanta ku dulwareegeysay Magaalada Kismayo.

 

Diyaarad Nooca Dagaalka ah oo jawi hoose ku socota ayaa maanta lagu arkay hawada Magaalada kismaayo, iyadoo ay diyaaradaasi ku dulwareegeysay magaalada kismaayo mudo daqiiqado ah.

 

Ciidamda Xoogaga Alshabaab ayaa in mudo ah diyaaradaasi ku ridayay Hubka lidka diyaaradaha balse ma jirin wax qasaare ah oo gaaray diyaaradaas.

 

Guuxa diyaarada Jawiga Hoose ku socotay ayaa cabsi weyn ku abuurtay Shacabka reer kismaayo maadama ay jirtay cabsi laga qabay in koonfurta Soomaaliya ay ka dhacaan duqeymo ay dowalada Mareykanku sheegtay in ay ka geysan doonto goobaha ay gacanta ku hayaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee alshabaab iyo Xizbul islaam, waxa ayna arintani keentay in ay qal qal geliso bushada ku dhaqan goobaha ay gacanta ku hayaan kooxahaasi.

 

Ilaa iyo haatan ma jiraan wax Masuuliyiin ah oo ka tirsan maamulka Alshabaab ee Magaalada Kismaayo oo ka hadlay Diyaaradaasi mana la oga halka ay diyaaradaasi sida tooska ah uga soo duushay iyo weliba ujeedada Rasmiga ah ee ay leedahay.

 

Dhanka Kale Weeraro ayaa la filayaa ka dhan ah Alshabaab kuwaas oo ay ka qayb qaadan doonaan Diyaarado Dagaal oo Ajibani Ilaa hada ma cada in Arrintan ay ku lug leedahay Dagaalada la Filayay oo ay Xukumada Shariif qaadaysay Kadib Markii Alshabab wax wada hadal ah laga waayay Shacabka Soomalina oo ka taagan yahay Khaati.

 

Wararka Jubooyinka

******today

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Diyaarad Nooca Dagaalka ah oo Maanta lagu arkay Hawada Magaalada Kismaayo Diyaaradan oo aan la garanayn halka ay kasoo duusha iyo weliba ujeedada rasmiga ah ee ay leedahay ayaa galabta lagu arkayay hawada magaalada kismaayo iyada oo ay diyaaradaasi ku dulwareegeysay daafaha magaalada, waxaana Ciidamada Maamulka Xarakada alshabaab ee ka arimiya magaalada kismaayo ay ku rideen hubka lidka diyaaradaha.

 

Shacabka ku dhaqan magaalada kismaayo ayaa waxa ay cabsi ka muujiyeen diyaaradani oo ah nooca dagaalka wallow aysan jirin wax dhibaato ah oo ay geysatay diyaarada.

 

Sikastaba ha ahaatee diyaaradani maanta lagu arkay hawada sare ee magaalada kismaayo ayaa ku soo beegmeysa xilli maalmahan si weyn looga hadal hayay koonfurta wadanka Soomaaliya duqeymo ay sheegtay dowlada Mareykanku in ay ka geysan doonto qaar kamid ah goobaha ay gacanta ku hayaan Ururrada Islaamiga ah ee Xarakada Alshabaab iyo Xizbul Islaam.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this